Dadaalo
lagu koryeelayo tayada Quraanka Kariimka ah ee Madarasada Imaamu
Shaadibi ee Magaalada Borama ayaa la wadaa.
Boorama-(Lug)-Dadaalada
ayaa waxa hormood ka ah Marwo Raxma Xaashi Cabdi oo ka mid ah Jaaliyada
Somalida ee Dalka Ingiriiska oo dhawaan soo degtay magaalada Borama.

Marwada ayaa waxa ay
maanta ku wareejisay Maamulaha Madarasada Imaamu Shaadibi Sh.Xuseen
Sh.Nuur lacag dhan 6500$ oo uu odaygeega Cali Maxamed Jaamac hormuud ka
ahaa sidii looga soo uruuriyay dadka jecel inay kor yeelaan quraanka
kariimka ah eek u nool dalka Ingiriiska.
Munaasibadaasna
waxaa goob joog ka ahaa Maamulaha Shirkada Telesom ee G/Awdal C/qaadir
Aadam Nuur.

Sh Xuseen oo ka
hadlaya Munasibadaasi ayaa tilmaamay Ahmiyada ay leedahay in Quraanka
kariimka ah loo huro maal iyo nafba sidii loo daryeeli lahaa loogana
dhigi lahaa mid ka sareeya Culuumta la barto oo dhan waxaana uu tusaale
u soo qaatay Madarasadaha Quraanka Kariimka ah lagu barto oo dhan ee
Magaalada Hargeysa oo ay dadka reer Hargeysaad u dhiseen Guryo ka
sareeya dugsiyada Caadiga ah lagama howl galiyay macalimiin tayo leh mar
uu bar bar dhigayay Madarasadaha Quraamka ee magaalada Borama ayaa waxa
uu ku tilmaamay inay wali dayacan yihiin isla markaana ay
madarasadahaasi dhigtaan Arday aad u tiro badan.

Sheekh Xuseen Oo Lacagtii kala
wareegaya Marwo Raxma
Mar uu ka waramayay
Deeqdan maanta la gudoonsiiyay waxa ay ku qabanayaan iyo halka ay ka
timiday ayaa waxa uu yidhi Qoyskan oo markii hore reer London ahaa
maantana soo degay Borama oo awlaadooda habeen iyo maalin iyo quutal
daruuri uga dhigay Barashada Quraanka kariimka ah ayaa awlaadooda ku soo
daray Madarasada ka dib markii ay Marwo Raxma aragtay Xaalada Madarasada
ayaanu ka kulanay sidii wax loogu qaban lahaa waxaana usoo ban dhigay
inay madarasadu haysato dhul Cabirkiisu dhan yahay 27M dherer iyo 15m
Balac oo ay arday Madarasada Wax ka baratay u iibiyeen waxaanan isla
garanay in dhisme balaadhan halkan laga sameeyo maantana waxa aan ka
gudoonay 6500$ oo uu hormood ka ahaa Soo ururinteeda Odaygeeda Cali
Maxamed Jaamac Alaha ka raali noqdee , waxa aan doonaynaa in si aan loo
guurguurin uu dhismahani rasmi u noqdo Madarasada seeskana lagu bilaabo
Dabaq waxaanan rajaynayaa in laga wada qayb qaadan doono.

Maamule C/qaadir Aadam,Sheekh Xuseen iyo
Marwo Raxma Xaashi
Sidoo kale Marwo
Raxma Xaashi oo iyana ka hadashay ayaa si wayn ugu mahad naqday
dhalinyaradii qaadhaanka soo uruurisay oo uu ugu horeeyo odaygeega Cali
Maxamed Jaamac waxaa kale oo ay tilmaantay in looga baahan yahay
qofkasta oo muslim ah inuu ka qayb qaato arimaha diinta loogu gargaarayo
gaar ahaan dadka reer Awdal inay wali ka gaabinayaan arinta waxana ay
tidhi”Dhalinyarada soo uruurisay Qaadhaankan ee 6500$ ah waxay iskugu
jiraaan dalal faro badan oo muslimka ku abtirsada marka reer Awdal loo
yimaado 190$ oo qudha ayay ku biirsadeen waxaana loo baahan yahay inay
dar dar galiyaan ayaa loo baahan yahay mar ay ka waramaysay
Talaabooyinkan ay iyada iyo odaygeedu qaadeen ayaa waxa ay tidhi “
markii aan aragnay Dayaca haysta Madarasadan Imaam Shaadibi oo ay
ardayda dhigataa badan tahay Macalimiinta ay haystaana ay aad u
wanaagsan yihiin ayaanu go’aansanay inaanu wax ka qabano sidaanu aakhiro
xasanaad ugu helno, waxaanan soo ban dhigi doonaa in badan intan hadii
ala yidhaahdo.

Sheekh Xuseen Oo Shahado Sharaf Gudoonsiinaya
Marwo Raxma
Maamulaha Shirkada
Telesom C/qaadir Aadam Nuur oo isaguna laf dhabar u ah howlahan ayaa
waxa uu tilmaamay inuu aqoon dheeraad ah u leeyahay Md.Cali Maxamed
Jaamac oo isagu ah ninkii Hormoodka ka ahaa ololahan Qaadhaanka ah
waxaana uu yidhi”Cali iyo Qoyskiisa xidhiidh ayaan lahayn tan iyo intii
ay soo degeen Borama calina waa nin reer Gado ah waxaase uu caruurtiisa
u soo dajiyay Borama ka dib markii uu arkay inay reer borama yihiin dad
furfuran soo dhawayn leh lanala noolaan karo, Madarasado badan oo indha
indheeyey ka dibna waxa uu go;aansaday in Madarasada Imaamu Shaadibi
inuu caruurtiisa geeyo waxaana uu gacanta kaga riday Caruurtiisa Sheekh
Xuseen oo la ogyahay inuu yahay Aabaha Quraanka ee reer Awdal”.
Sidoo kale waxa uu
C/qaadir isna canaan kulul usoo jeediyay dadka reer Awdal oo uu yidhi
“waxaa loo baahan yahay inaad dar dar galisaan oo kordhisaan howlaha
qaadhaanka ah ee kor loogu qaadayo tayada quraanka kariimka ah isla
markaana aad ku dayataan dadka aan reer Awdal ahayn ee hadana jecel inay
gobolkeena wax ka qabtaan ee ay ka mid ka yihin Cali.
Sheekh Xuseen ayaa
ka dib markii uu ka gudoomiya qadarkaasi lacagta ah waxa uu gudoonsiiyay
Raxma Xaashi Cabdi Shahaado Sharaf ay madarasadu ku maamuustay doorka ay
ka qaateen sidii quraanka Eebe looga dhigi lahaa mid wax walba ka
sareeye.
Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama