Shabakada Waagacusub.com waxa ay kusoo caan baxday dacaayadaha raqiiska ah oo ay ku sameyso danaha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Maxaa ka taqaan Taariikhda Milkiilaha Waagacusub.com
Milkiilaha Waagacusub.com waxaa lagu magacaabaa Daahir Cabdulle Calasoow “Daahir Yarre” sannadkisa waa dhowr iyo soddon jir waxa uu ku dhashay tuulada Bandiiradleey, waxa uu magaalada Muqdisho yimid 1993 xiligii ay dagaalada sokeeye ka socdeen, waxa uuna kamid noqday maleeshiyo beeleedyo isbaaro u taali jirtay xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Daahir Yarre ayaa lagu xasuustaa inuu aad u jeclaa qori AK-47 ah oo Nooca Caaglaha ah oo wadan jiray habeen iyo dharaar marka uu joogay Isbaarada Suuqa Xoolaha.
In badan ayuu joogay isbaarada suuqa xoolaha ku taal, walina kama uusan qeyb galin dagaal fool ka fool ah oo ay maleeshiyadii saaxiibadiisa ahaa ku dhamaadeen isagoo lagu dacaayadeeyo inuu aad xabada u necbaa balse ku booteyn jiray oo kaliya.
Daahir ayaa lacag baad ah ka qaadan jiray xaajiyadaha caanaha keena Suuqa Xoolaha ee ka yimaada Waqooyiga magaalada Muqdisho, isagoo xaajiyadaasi ka celin jirtay mooryaanta kale oo ay isla qaraaban jireen uguna mar marsiyoon jiray inay reer abtiyaashiis yihiin.
Daahir ayaa sannadkii 1997 kadib geeridii Jeneraal Max’ed Faarax Ceydiid oo ay qaraabo ahaayeen bilaabay inuu sameeyo Joornaal Muqdisho kasoo baxa, kaasoo uu ku caayn jiray Siyaasiyiinta Muqdisho joogtay gaar ahaan kuwa Mudulood oo aad u necbaa.
Daahir ayaa markii uu Joornaalka sameynayay waxna qori karin waxna aqrin karin waxaana la shaqeyn jiray dhowr dhalinyaro oo uu kamid yahay Aarbeedhee nin la yiraahdo oo ay mooryaantii Suuqa Xoolaha kawada tirsanaayeen.
Daahir muddo kadib waxa uu kusoo biiray Bahda Saxaafada Muqdisho isagoo u hanjabi jiray wariyaal dhowr ah oo aan qabiilkooda awood ku laheyn gudaha magaalada Muqdisho oo u sheegan jiray awood iyo inuu dili doono hadii aysan waxuu rabo u sameyn.
Muddo kadib waxa uu ka howl galay Idaacadii ugu horeysay uguna dambeysay oo uu ka hadlo ee STN, waxa uuna ka ahaa Reporter ugu soo warami jiray Wararka SNA ee beeshiisa, waxuuna mar walba idaacada keeni jiray war ku saabsan shirar ay qabteen xubnaha SNA ee uu hogaamin jiray Allaha u naxariistee Marxuum Caydiid.
Agaasimihii xiligaasi ee STN Cilmi Dheere ayaa muddo kadib shaqadii ka ceeriyay Daahir Yarre kadib markii dhowr jeer Idaacada ka caayay warar been ahna ka qoray siyaasiyiin caan ka ah Muqdisho.
Agaasimaha STN Cilmi Dheere iyo Daahir Yarre ayaa muddo xurguf xoognan u dhaxeysay waloow markii dambe uu gaabsaday Daahir Yare kadib markii uu ogaaday in Cilmi Dheere uu dhalay wiilal isaga la eg oo magaalada ka saaraya.
Daahir muddo ayuu shaqa la’aan meelaha wareeri jiray isagoo sameystay kooxo dhalinyaro ah oo bistoolado uu lahaa ugu shaqeyn jireen kuwaaso dadka ka dhici jiray Mobile-da gacanta.
Muddo kadib ayaa waxa uu dhaqaale ka helay Eng. Xuseen Ceydiid waxa uuna sameeyay Shabakada Waagacusub.com oo horeyba ugu bilaabay inuu ku caayo Siyaasiyiinta dagaalka uu kula dhaxeeyay Xuseen Ceydiid kuna faano beesha uu kasoo jeedo Sacad Habar Gidir.
Daahir waxa uu webkiisa ku caayaa Shirkadaha kala duwan ee Soomaaliyeed isagoo lagu xasuusto inuu horsed u ahaa xiritaalka shirkada Barakaat maadaama uu isaga ahaa ninkii Xuseen Ceydiid ka dhaadhiciyay in Argagaxisada Caalamiga ah saami ku leedahay Barakaat Bank.
Dhawaan waxa uu Shabakadiisa iyo tan hoos timaada ee isaga leehaya ee HawiyeNews.com ku faafiyay warbixin uu ugu magac daray “Labo shirkadood oo astaan u noqday burburinta iyo dhibaateeynta Jamhuuriyadda Somaliland”.
Arrintaa ayaa waxa ay ka dhalisay gudaha Somaliland hadal heyn xoogan isagoo warbixintaan uu qoray uu labada shirkadood ku sheegay inay kala yihiin Telesom iyo Qaran Express, taasoo shacabka ay ku tilmaameen mid been abuur ah oo uu ku doonayo laaluush ay isiiya ku yiri shirkadaha hadii kale waxaan idinku sheegi Argagaxiso.
Shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa iyo Maamulka Somaliland ayaa si isku midh ah ka wada hadlay Sheekadaan uu Daahir Calasoow Website-ka HawiyeNews iyo Waagacusub oo uu wada leeyahay ku qodhay, waxeyna sheegeen inaysan u dulqaadan doonin dacaayadaha raqiiska ah ee uu ku doonayo inuu iska horkeeno shirkadaha Somaliland iyo maamulkaba.
Cabdi Mooge oo ka tirsan Ganacsatada Somaliland ayaa yidhi (Daahir Calasoow waan naqaan, Hargeysa muddo ayuu ku sugnaa waan soo dhaweynay kadibna waxuu bilaabay inuu shacabkeena iska horkeeno iyo maamulka, maalin cad ayaa si xoog ah magaalada ugu saarnay, hadana waxuu joogaa Nairobi hadii uu ka deyn waayo Somaliland waxa uu ku wado gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa wuuna ku shaleyn doonaa”.
Mooge waxa uu yidhi marnaba uma dulqaadna doono foosha xun ee Daahir Calasoow uu wado shirkadaha uu ku sheegay inay Argagaxiso yihiin waa kuwa kaliya ee shacabka u daneeya una shaqeeya si daacadnimo ah.
Waxa waxba kama jiraan ah inaan shirkadaha Telesom iyo Qaran aan lug ku laheyn waxa uu sheegayo Daahir beenaale, oo ay ummada si fiican ugu adeegaan.
Goobaha lagu qaxweeyo ee caasimada Somaliland ee Hargeysa oo saakay laga hadal hayay Warbixinta Waagacusub uu ka qoray labadaan shirkadood ee sida xalaasha ah u shaqeysta ee dadka inta badan ku sheegeen in Waacusub aheyn oo uu yahay war xumo tashiil ummada isku dira beenaale ah.
Daahir ayaa horey lacago laaluush ah ugu qaaday Shirkadaha Hodan Global, Telecom Somalia, Kaah Express, AMAL Bank, iyadoo waliba shirkada KAAH ay u iibisay gaari MarkII ah kadib markii warbixino been abuur ah in muddo ah ka qorayay oo ay ku laaluushtay.
Hadaba arrimaha foosha xun ee uu sameynayo Daahir Calasoow oo aysan jirin cid maanta raali ka ah dacaayadaha iska cad ee uu website-kiisa ku qorayo ayaa imaanaya xili dadka wada naceen Waagacusub.
Daahir ayaa hada ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya isagoo halkaasi ka wada foodo xoogan oo ku hayo shirkadaha ka jira iyo Jaaliyadaha Somaliland isagoo mar uun la horkeeni doono sharciga.
Daahir waxa uu hada degan yahay xaafada Islii ee magaalada Nairobi isagoo ah nin dhinaca qaadka u go go’ay oo dharaar cad iyo habeenba qayila isla markaana waxii marqaanka uu tuso wax ka qora, waxuu wataa telefoon numberka ah 00254733444433, waxuuna inta badan isticmaalaa emailka ah daahiryarestntv@hotmail.com .
C/raxmaan Maxamuud Jaamac “Awgaab”
Email: awgaab17@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shacabka Somaliland oo ka dhiidhiyay war xumo tashiilka Waagacusub.com "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply