Updated (13 Feb 2008) Borama-(Lug)-Baryahan dambe shirkada Isgaadhsiinta ah ee Telcom ayaa waxqabadkeedii dhinaca Isgaadhsiinta iyo dhinaca arimaha Bulshada ahiba uu noqday mid aad loo dareemay, talaabooyinkan ayaa waxa ay yihiin kuwo la kowsaday inta badan intii uu xilka Maamul ee Shirkada Qabtay Maamulaha Da’a yar ee Hasan Yuusuf Riiraash.Hadaba waxaa u suurto gashay Lughaya News inay booqato xarunta shirkada oo ay wax ka waydiiso Maamulaha waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilka hayay waxaana uu tilmaamay inaan lagu soo koobi Karin waraysiyo waxaana isaga oo ka hadlaya arimahaasi uu midi
Hassan Yusuf Riiraash (Telcom)
“Shirkadu waa mid u adeegta Bulshada reer Somaliland iyo tan reer Awdal intaba waxaana marka Awdal laga hadlayo ay shirkadu xil iska saartay oo ay dadaal u gashay inay Bulshada reer Awdal ka haqabtirto helitaanka dhinaca Adeeg jaban oo dhinaca Isgaadhsiinta ah waxaana ay laamo cusub ka furtay Goobo faro badan oo ay ka mid yihiin Boon,Xariirad,Dilla,Lowyacado,Baki iyo dhamaan Magaalooyinka waawayn ee Gobolka, ma aha intaasi oo qudha waxaanan Magaalooyinkaasi qaarkood uga dhignay Adeega Telephoneka mid lacag la’aan ah oo ay si fudud kula soo xidhiidhi karan Caasimada Borama iyaguna iskula hadli karaan “.
Waxaa kale oo ay shirkadu dadka ku dhaqan magaalooyinkaasi u samaysay Adeegyo ka baxsan kan Telephone-ka waxaana ay isku dayday inay ka haqabtirto dhinaca Korontada kaasi oo ay si wayn uga haqab tirtay.
Shirkadan ayaa waxa ay inta badan dadka ku dhaqan Gobolka Awdal si wayn uga Isticmaalaan Mobiles-ka sabobto oo ah Mobile-ka ay shirkadu bixiso oo ah kuwo tayadoodu sarayso isla markaana u fududeeyey dad faro badan inay kula xidhiidhaan Dal iyo Dibadba, Maamule Xasan Yuusuf oo arimahaasi ka waramaya ayaa yidhi”waxa aan rakibnay Qalab casri ah oo uu Mobile-ku ku shaqeeyo ujeedada aanu ka lahayna waxa ay ahayd inaanu fududayno Culays wakhtiyadii hore ka jiray xaga la xidhiidhka qofka ee Qofkale marka aad Mobile ka isticmaalayso, taasi oo aan uga dan lahayn inaanu sii xoojino Naanaysta uu ku caan baxay Mobile-ka Telcom ee ah Taabo oo Hadal(Touch and Talk)”.
Weriye Caafi iyo Hassan Riiraash
Mobile-ka shirkada Telcom ayaa baryahan dambe waxa uu yahay mid uu isticmaalkiisu kor ugu sii kacayo talaabadan ayaa waxa ay qayb ka tahay dadaalada ay shirkadu wado ee ay ku hananayso Qayb aad u muhiim ah oo ah dadka Mobile-ka isticmaala, Maamule Xasan Yuusuf oo arimahan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi”waxa aan bilownay inaan Macaamiishayada Isticmaasha Mobile-ka uga dhignay mid Free ah oo ay u isticmaali karan si aan baaxad lahayn iyaga oo markasi ku xisaabtamaya qiimo jaban oo la mid ah kan laga bixiyo Land Line ka shirkada”.
Kuma Eka intaasi oo qudha adeegyada dhinaca Mobiles-ka ah ee ay shirkadu bixixo waxaana ay noqotay Shirkadu mid had iyo jeer ku xidhan oo la socota Baahida Macaamiisheeda si hadaba loo daboolo baahidaasi ayaa shirkadu waxa ay Todobaadkiiba mar Shirkadu ku shubtaa Gabi ahaanba Mobiles-ka ay bixisay lacag dhan $1.20 ay ugu talo gashay inay Macaamiisheeda Calaa Shaqsi ugu Shubto.
Marka laga yimaado Adeega dhinaca Isgaadhsiinta ah Shirkada Telcom ayaa waxa ay ku caan baxday inay Had iyo jeer wax ka qabato Baahiyaha Bulshada Dhexdeeda Jira waxaana ay inta badan Shirkadu si qoto dheer ugu dhuun dalooshaa arimaha Dhalinyarada waxa aanay soo Agaasintay Tartano faro badan oo loogu talo galay inay Dhalintu ka hesho Firfircooni dhinaca Muruqa iyo Maskaxdaba ah,sidoo kale dhinacyada Waxbarashada Caafimaadka iyo Nadaafada ayay Shirkadu si joogto ah wax uga qabtaa iyadoo markasta hal ku dhigeedu u yahay Telcom waxa ay ku xidhan tahay Bulshada Waxaana Loogu Baaqayaa Dadka inay Ku Xidhnaadaan Shirkada.
Maamulaha Shirkada ayaa waxa kale oo uu ka waramay Waxyaabaha Mustaqbalka soo socda u qorshaysan waxana uu yidhi” Hadii Alla Idmo waxa noo qorshaysan in Guri walba oo ku yaala Gobolka aanu gaadhsiino Adeega dhinaca Isgaadhsiinta ah ee Shirkada isla markaana u keeno Macaamiishayada Qalab Casri ah oo la mid ah Ka laga Isticmaalo dalalka Hore u maray iyo Shaqaale Tayo leh oo u tabo baran Howshooda”.
Ugu Dambayntii waxa uu Maamulaha Shirkadu tilmaamay inuu aad uga xun yahay Masiibooyinkii ka dhacay Deegaamada Waqooyiga waxaana uu sheegay inay shirkadiisu dadaal ka gali doonto sidii Gurmad loo gaadhsiin lahaa dadka waxyeeladu soo gaadhay, waxaana uu ugu baaqay Xukuumada,Hayadaha Caalamiga ah iyo Kuwo Dowliga ahba inay si deg deg ah uga soo jawaabaan Fariimaha Gurmadka ah ee ka imanay Dadka Tabaalaysan .
Wariye:-
Cabdalle Cali yuusuf.
Lughaya News-Borama.



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Telcom Halyay Dhinaca Isgaadhsiinta Ah: "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply