XASAN SHEEKH MUUMIN IYO MAALMAHA SOOMAALIYEED
(Halabuurkii, Heesaagii, Laxan-dhaadhigii, Taariikhyahanka ahaa)
(25/12/1931kii – 14/1/2008da)
(Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun)
“Hawraar gahaydhiyo,
Maah-maah go’ xidhatiyo,
Gololada sarbeebta ah,
Halka ay ku gorortiyo,
Godankiyo ishaad tahay,”
Maansada Galaal, Hadraawi
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-cankaabo@hotmail.com
Qormadan oo ah mid aan hore u qoray bal se aan dib u nakhtiimay waxaan milgo iyo maamuusba uga dhigayaa Xasan Sheekh Muumin oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Oslo ee xarunta u ah dalka Norway. Xasan Sheekh Muumin raad aan tirmayn iyo saxeex aan meydhmayn ayuu kaga tegay guud ahaanba fanka Soomaaliyeed isaga oo mowhibad u helay in uu curiye la jecel yahay oo la majeerto ka noqdo dhowr dhudood. Fannaan buuxa oo aanay taariikhdu hilmaamayn dhaxal aan dhammaanaynna ka tegay ayuu ahaa. Waxay isku bah noqonayaan yeekayaashii fanka ee ka horreeyay ee uu ka midka ahaa Cabdillaahi Qarshe. Xasan Sheekh Muumin taariikhdu ku xusi meyso oo keliya in uu ahaa fannaan, bal se ta la yaabka leh ee aan lagu aqoonine waxay ahayd taariikhyahannimadii wax loo dhigaa jirin. Sida uu taariikhda u hayay una yaqaannay intii la sheekaysatay waxay ku ridday dhabanno-hays. Sideeda ayaa loo yidhi dadka qaarkii marka ay dhintaan “Laybereeri” dhan ayaa duugmay. Waa Xasan Sheekh Muumin oo kale. Alla ha naxariisto e’ maxaan jeclaa in aan wax ka duubo markaan maalmo is-xigay dhegaystay taariikhihii uu hayay. Ilaahay baan inoo calfin, intii ag joogtay maalmihiisii ugu danbeeyayna siday wax uga duubeen mooyi.
Malaha muran kama taagna maanta in afka Carabigu ku lammaanaa Diinta oo sidaa ku soo gaadhay dal iyo dadba. Afka Carabigu saamayn laxaad leh ayuu ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed. Waxa hubaal ah in af-Carbeedku si la taaban karo uga muuqdo qaybaha nolosha dadka Soomaaliyeed oo dhan. Saamayntiisu waxay ka muuqataa: Afka, Dhaqanka, Fanka, Siyaasadda iyo qaybo kale oo door ah. Saamayntaasi ma mid togan baa? Mise waa mid taban? Waa su’aalo dood iyo falanqaynba mudan, maanta se aanan u soo ambo-bixin. Haddii aynu aragtidan qaadanno, waxa inoo soo baxaysa in imaatinkii Diinta Islaamka ka hor, dadkii Soomaaliyeed ee halkan ku dhaqnaa ay lahaayeen erey-bixin Soomaaliyeed oo ay u adeegsan jireen qaybihii kala duwanaa ee noloshooda. Markaynu soo qaadanno erey-bixinta aynu guud ahaan Diinta u adeegsanno, gaar ahaanna Salaadda; laba ereyba wax-ka-soo-qaadkooda ayay leeyihiin. Waxaynu hubnaa in erey-bixintaa Diineed, gaar ahaan Salaaddu u badan tahay afka Carabiga; waxa se jira labada erey ee kala ah: Tukasho iyo Weyso oo ku aroora afka Soomaaliga. Run ahaantii halka ay labadaa erey ka soo jeedaan baadhis kuma aan samayn, immikana in aan halkan ku falanqeeyo uma soo qalin-qaadan; waa se laba erey oo is-weydiin iyo baadhisba mudan.
Marna cidi ma is-weydiisay in ay jireen maalmo Soomaaliyeed? Adigu se weli su’aashaa naftaada ma soo hor dhigtay oo ma is-weydiisay? Dhinac kale haddii aad iska taagto se, su’aashani ma tahay wax la is-weydiin karo? Kolleyba anigu qof ahaan in badan ayaan is-weydiiyay.
Bishii Maarj 1993kii markii uu socday Shirweynihii Boorame, ayaan Hudheelka Harawo kula kulmay Xasan Sheekh Muumin goor barqo ah. Haddii aanu shaahaynay, ayaan Xasan Sheekh Muumin weydiiyay su’aashan oo igu mudnayd. Waxaan ku idhi: “Ma jireen maalmo Soomaaliyeed mise weligeedba waxa la adeegsan jiray kuwan Carabiga ah.” In kasta oo aan aad u xiisaynayay jawaabta Xasan Sheekh Muumin, haddana wuxu maalintaa iigu jawaabay: “Way jireen maalmo Soomaaliyeed, waxaanay ka mid yihiin waxyaabaha aan is-leeyahay Shirweynahan Boorame ka socda aad u soo bandhigtid.” Xasan Sheekh Muumin aad isuma aanaan aqoonin, aniga oo qaddarinayay jawaabtiisana halkii ayaan kaga hadhay su’aashaydii aniga oo aan jeclayn in aan ka dhabqiyo qorshayaashiisa.
Kalsooni badan ayaan ku qabay Xasan Sheekh Muumin markaan su’aashaa weydiinayay. Maxaa yeelay, Xasan Sheekh Muumin waa Halabuur, Taariikhyahan iyo Murti-dhaadhi. Xasan wuxu la soo barbaaray dhaqdhaqaaqii gobannimo-doonka ahaa ee kontannadii, waxaanu ka mid ahaa barbaartii ka heesi jirtay xisbiyadii siyaasiga ahaa ee beryahaa. Xasan Sheekh Muumin, waa halabuur waxaanu leeyahay qaar ka mid ah Riwaayadaha ugu caansan ee halkudhegga iyo halhayskaba noqday. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa: Shabeel Naagood (1968kii) oo afka Ingiriisigana lagu tarjumay iyo Gaaraa-bidhaan (1969kii) oo saddex qaybood ahayd. Qaybtii 1aad oo keliya ayaa Gaaraa-bidhaan laga dhigay, labadii kalena weli waa ay hadhsan yihiin. Xasan wuxu ahaan jiray heesaa aad u cod macaanaa, wuxu ahaan jiray jile isla markaana waa mulaxin ay codadkiisu ku abtirsadaan jiibta iyo jaanta Soomaaliyeed. In kasta oo uu Xasan Sheekh Muumin aammuska iyo gudhnaanta beryahan danbe la wadaago dhiggiisa kale ee halabuurka ah, waxa kale oo uu Xasan ku saxeexan yahay astaanta Qaran ee Somaliland, maa daama uu ereyada iyo laxankaba leeyahay.
Bal hadda aynu in yar ku yara hakanno taariikh-nololeedkiisii iyo barbaarintiisiiba. Siduu ii sheegay, Xasan Sheekh Muumin wuxu ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Seylac maalin Khamiis ah, 25kii Diisambar 1931kii. Aabbihii wuxu ahaa Sheekh Muumin Maxamuud oo loo yaqaannay “Gaafane” oo Harar (Adari) ku dhashay, kana mid ahaa dadkii halkaa ka qaxay 1dii Jeeniweri 1897kii markii uu Boqor Makonen qabsaday. Nin Suufi Cilmi la odhan jiray ayaa Sheekh Muumin dejyay magaalada Seylac markii ay Harar ka soo qaxeen; waxaanu halkaa ku guursaday Muumina Dharaar Guuleed oo Xasan u dhashay. Sheekh Muumin Diinta ayuu dadka ku bari jiray Seylac.
Xasan Sheekh Muumin wuxu ku soo barbaaray Seylac iyo Boorame, noloshiisuna waxay u badnayd: Boorame, Hargeysa, Jabuuti iyo Muqdisho.
Intii aan dhaqanka beerashada la baran ama aanay magaalooyinku samaysmin dadka Soomaaliyeed waxay ahaayeen raacato xoolo-dhaqato ah. Beryahaa dadka Soomaaliyeed waxay ahaayeen dad noloshooda gacanta ku haysta ama garanayay sida ay ku dhaqmayaan ama ku noolaanayaan; ta Allena halkeeda ayay taallay. Waxay lahaayeen aqoon ay ku agaasintaan noloshooda iyo xoolahooda. Dhir, duur-joog, ciid iyo biyoba way yaqaanneen degaanka ay ku dhaqan yihiin, cimilada ku xeersanna aqoon ay kula fal-galaan ayay u lahaayeen. Xiddigiska ayay aad u adeegsan jireen oo ay kaga go’aan-qaadan jireen qaybo badan oo noloshooda ka mid ahaa. Waxay lahaayeen sannad ay bilowgiisa iyo dahmmaadkiisaba yaqaaneen ama ay wax kaga talo-geli jireen. Sannadkaasaa bilo u qaybsami jiray. Sannadahaa Dayax iyo Cadceedba way ku tirsan jireen. Bilaha ka-sokow sannadka ayay afar xilli u qaybsan jireen iyaga oo isla markaana xilli walba sii kala jejebinaya. Toddobaad toddoba maalmood ka kooban ayay tirsan jireen. Saacado ma ay haysanne, maalinta ayay sii kala qaybsan jireen oo ay gelinno iyo gobollaba u kala dhanbalan jireen..
Markaan soo xigto mid ka mid ah buugaagta dhaxalka ah ee uu ka tegay Xaaji Muuse Galaal, kaas oo ah “Xiddigaha, xilliyada iyo cimilada sida ay u taqaan Soomaalida xoolo-dhaqatadu” oo ku qoran afka Ingiriisiga (Appendix 3), wuxu maalinta u qaybinayaa sidan hoos ku qoran. Xaaji Muuse Galaal, siduu ku xusay Buuggiisan, wuxu soo xiganayaa: Hunt, J.A, “A General Survey of the Somaliland Protectorate, 1944-1950.”
Caano-maal oo u kala baxa ama u qaybsama: Maalin iyo Habeen. Markaynu Maalinta iyo Habeenkaba soo qaadanno, waxay u kala baxaan iyaguna markooda: Gelin Hore iyo Gelin Danbe. Markaynu Maalinta soo qaadanno,
Gelinka Hore wuxu u sii kala baxaa:
- Arooryo: saaacad badhkeed ka dib markay cadceeddu soo baxdo,
- Barqo-yar: Arooryo ilaa 8.30 saacadood,
- Xiksin: 8.30 – 9.30,
- Barqo-kulul: 9.30 – 10.30,
- Hadh-soo-kor: 10.30 – 11.30,
- Hadh: 11.30 – 12.30,
Gelinka Danbe wuxu u sii kala baxaa:
- Duhur: 12.30 – 14.00,
- Duhur dabadii: 14.00 – 15.00,
- Casar dheer: 15.00 – 15.30,
- Casar: 15.30 – 16.30,
- Casar gaaban: 16.30 – 18.00,
- Maqrib: 18.00 – 18.30,
Habeenku wuxu isna u kala baxaa: Gelin Hore iyo Gelin Danbe:
Gelinka Hore:
- Fiid: 18.30 – 19.30,
- Caweys: 19.30 – 21.30,
- Saq dhexe: 21.30 – 02.00,
Gelinka Danbe:
- Jiidh: (Dawn),
- Arooryo Hore: Cadceed soo-baxa ka hor,
- Waaberi: Sagalka cadceed soo-baxa ka soo horreeya,
- Arooryo: 06.00 – 06.30,
Dadka Soomaaliyeed markay maalinta iyo habeenka intaa u kala qaybsanayeen, miyaynu odhan karaynaa toddobada maalmood magacyo uma ay lahayn? Bal aan dib ugu noqdo Xasan Sheekh Muumin iyo sheekadii na dhex martay ee ku saabsanayd magacyada maalmaha Soomaaliyeed.
In kasta oo aan Xasan Sheekh Muumin dhowr jeer oo danbe la kulmay, haddana laga soo bilaabo bishii Maarj 1993kii, toddoba sannadood iyo laba bilood ka dib oo ku beegnayd 3dii bishii Meey 2000, ayaan Xasan la fadhiistay gurigiisa ku yaalla Boorame, aniga oo beryahaa ku dhex jiray hawlo cilmi-baadhiseed oo aanu u wadnay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka. Galabtaa ayaan mar labaadkii Xasan Sheekh Muumin weydiiyay su’aashii igu mudnayd ee ahayd: “Ma jireen maalmo Soomaaliyeed intii aynaan caadaysan ama qabatimin maalmahan Carbeed?” Xasan si kal-furan oo kalsooni leh ayuu iigu jawaabay oo iigu yidhi: “Su’aashaa waad igu soo celcelisaye, maanta ayaan kaaga jawaabayaa.” Aniga oo rikoodhkaygii furtay oo ka duubayna, wuxu yidhi: “….Waxa inagu habsaday weerar Carbeed oo Diinta inoogu soo gabbaday. Waxay ku talo-galeen in ay ina dhalan-rogaan oo inaga yeelaan, siday ka yeeleen: Masar, Soodaan, Liibiya, Aljeeriya, Tuunis, Morooko iyo Mureetaaniya. Carabtu iyaga oo adeegsanaya Diinta, waxay kaa beddelaan: magaca, taariikhda iyo dhaqanka. Innaga hawlo badan ayay inoo geysteen, way se ina kari waayeen. Toddobadii maalmood way liqeen, bilaheenniina waxaynu soo gaadhnay iyada oo ay laba masaxan yihiin, tobankii kalena ay sakaraad yihiin. Waxaynu soo gaadhnay iyada oo Rajab iyo Shacbaan….Sabbuux iyo Waaberiis la is-dhex wado. Soon iyo Soon-fur, wixii ay ahaan jireen weli waynu la’nahay magacyadoodii. In kasta oo aan tilmaamo iyo tibaaxoba hayo, haddana tilmaamahaa looma qaadan karo taariikh. Waxaynu ku qasban nahay in aynu hello xaqiiqadu wixii ay ahayd. Laakiin magacyadii maalmaha Soomaaliyeed waan helay, markaan helayna waxaan ka xaqiijiyay Cafar iyo Oroomo oo waanu isku raacnay. Waxay ahaayeen oo ay u dhisnaayeen sidan Carabiga oo kale, maxaa yeelay giddigeen Cibriga ayaynu dabada ku haynaa.”
Aniga oo rikoodh kaga duubayay, Xasan Sheekh Muumin markuu intaa arar ka dhigtay, wuxu bilaabay in uu taxo magacyada maalmihii Soomaaliyeed oo sidii uu ii sheegay ku helay cilmi-baadhis uu muddo waday oo uu weliba ku xaqiijiyay kulammo iyo dodo uu la yeeshay aqoonyahanno ka soo jeeday qowmiyadaha Cafarta iyo Oroomada.
Magacyada maalmaha Soomaaliyeed, Xasan Sheekh Muumin waxa kale oo uu maalintaa u cuskaday, ciyaar carruurnimadii la ciyaari jiray oo ay degaammadu ku kala duwaanaan karaan ama ku kala duwan yihiinba. Wuxu tusaale u soo qaatay ciyaarta la yidhaa “Biitooy Laabo” oo galbeedka iyo bariga Somaliland si kala duwan looga ciyaaro. Tusaale ahaan, Xasan Sheekh Muumin wuxu soo qaatay in degaammada galbeedka Hargeysa looga ciyaari jiray: “Koobin, laabin, Laba Kootaar, Kootaar, Birbiraay birta qabo, Soo-rogaay toban dheh, Biijooy laabo”. Hargeysa iyo degaammada ku dhow ama ku xeersan waxa looga ciyaaraa: “Kun-bulloow, Kun-bullaale caddoow, Xabag geed ka baxdaay, Bile Bile, Bile Jire, Koodaar, Ta u dheer, ee u dhexe, ku jaboo, ku jiqsii.” Degaammada Bariga Hargeysana si kale ayaa looga ciyaaraa.
Xasan Sheekh Muumin, wuxu aamminsan yahay in barbaarinta carruurta loo adeegsan jiray murtida, sidaa darteedna markay ku ciyaarayaan “Koobin, Laabin”, ay ahayd iyaga oo ku tababaranayay maalmaha Soomaaliyeed. Isaga oo aragtidaa ka dhaqaaqaya, Xasan Sheekh Muumin sidan soo socota ayuu u taxay magacyadii maalmaha Soomaaliyeed siday isaga ugu muuqatay waa:
- Koobin: Axad,
- Lammin: Isniin,
- Lamtoka: Salaasa,
- Koodaar: Arbaca,
- Hakisa: Khamiis,
- Hakis-bila: Jimce,
- Soo-roga: Sabti,
Xasan Sheekh Muumin wuxu sheegay in ay ka dab-qaadanayaan magacyadan maalmuhu luqadan Kushitigga.
In kasta oo magacyada aan kor ku taxay ee Xasan Sheekh Muumin rumaysan yahay in ay ahaayeen maalmihii Soomaaliyeed ay yihiin ereyo aad garan kartaan, waxaan jeclahay in aan dareenkiinna ku soo jeediyo “Lamtoka” oo uu Salaasada ku sheegay. Ugu horreyn “Lamtoka” markaad ku dhawaaqayso “Ma’da” iyo “Ka’da” shed ayaa saran. Mar labaadka, “Lamtoka” waa erey ka soo jeeda afka Oroomada, gaar ahaan tirada waxaanu u dhigmaa “Saddex”.
Xasan Sheekh Muumin siduu aamminsan yahay, magacyadan maalmuhu waxay la hal-maalaan Luqadaha Kushitigga oo ay ka dab-qaataan: Soomaaliga, Cafarta iyo Oroomaduba. Tusaale ahaan markaynu u soo qaadanno afka Cafarta, markay wax tirinayaan sidan ayay u tiriyaan: Kuuti, Lammooy, Saddexooy, Afarooy, Koona, Lixoy, Malxina, Baxaara, Sagaala iyo Tobana.
Haddii aynu u leexanno dhinaca af Soomaaliga, sidan ayaynu wax u tirinnaa: Kow, Laba, Saddex, Afar, Shan, Lix, Toddoba, Siddeed, Sagaal iyo Toban. Tiradani markay badato waxaynu u tirinnaa: Labaatan, Soddon, Afartan, Konton, Lixdan, Toddobaatan, Siddeetan, Sagaashan iyo Boqol. Halkan waxa inooga soo baxaysa in ay tirooyinkani kala dheegmayaan, marka laga reebo tirada Shan oo noqotay Konton. Haddii aynu raacno qaaciidada ay tirooyinka kale isu raacayaan, wuxu dawgu ahaa in tirada Shan ay noqoto Shantan si ay ugu ekaato kuwa kale. Haseyeeshee, taasi ma ay dhicin ee tiradii Shan waxay noqotay Konton. Halkaa waxa inooga soo bixi karta in Konton loo raacay tirada Cafarta oo la soo qaatay Koona oo Shan u dhiganta, sidaa darteedna aynu Konton u nidhaahno. Marka aynu tirada Oroomada raacno, sidan ayaa wax loo tiriyaa:
- Kudhan- Toban,
- Diiddam – Labaatan,
- Soddoneey – Soddon,
- Afurtami – Afartan,
- Shantam – Konton,
Miyaanay la yaab lahayn in Oroomadu ay Shantam adeegsato, halka aynu innagu ka adeegsanno Konton. Xasan Sheekh Muumin isaga oo xaqiiqadan ka yaabban, wuxu yidhi: “Waa cilmi aad u fog oo xaddaarad ku dhisan oo baadhis intan ka qoto dheer u baahan.”
Xasan sheekh Muumin wuxu arrintan maalmaha Soomaaliyeed ku soo xidhay: “Waa taa xaqiiqadu, waxaanan ka soo xaqiijiyay odayaashii Oroomada iyo kuwii Cafreed ee gaboobay.”
Sidaa ayuu Xasan Sheekh Muumin u aamminsan yahay in ay jireen maalmo Soomaaliyeed intii aanay inoo iman maalmahan Carbeed. In kasta oo aanan waqti u helin aan ku xaqiijiyo sheekhadan Xasan Sheekh Muumin oo ay baylahda iyo qabyaduba iska badan yihiin, haddana waxay iigu muuqataa in ay arrintan wax ka jiri karaan. Xagga dhismaha markaad ka eegto waa maalmo aan wax badan kaga duwanayn kuwa Carabiga ah. Soomaali iyo Carabi ahaanba waa maalmo tiro ku fadhiya. Maalmaha Carbeed markaad u kuur-gasho Axad ilaa Khamiis, waa tiro Kow ilaa Shan ah. Maalmaha Soomaaliyeed, siduu Xasan Sheekh Muumin u soo bandhigayaana kama foga oo Koobin ilaa Koodaar waa tiro Kow ilaa Afar ah. Kuwan Soomaaliyeed waxay kaga duwan yihiin Khamiista iyo Jimcaha oo noqonaya Hakisa iyo Hakis-bila. Labadan maalmood qudhooda isu-ekaanshahooda wax badan ayaa lagala soo bixi karaa. Waxa inoo soo hadhay maalinta Sabtida oo noqomaysa Soo-roga, magacaas oo isna ah mid meesha qabta, maxaa yeelay waa toddobaadka foolkii oo soo-roggaasi waa mid meesha qabta.
Macnaha ereyga Koodaar oo Arbacada ah, Xasan Sheekh Muumin uma sugnayn halka laga keenay, maalintaa se wuxu noo sheegay in uu u malaynayo in ereyga macnihiisu yahay “Afar-gees”. Markaad soo qaadato sheeko-carruureeddii “Biitooy Laabo”, ereyga Koodaar ee ku jira iyo halka uu sheekada kaga jiro, dad halabuurka ka mid ah ayaa ku macneeyay gabadha gashaantida ah; oo waa ta sheekadaa carruurtu odhanaysa: “Koodaar, Ta u dheer, ee u dhexe, Ku jaboo, Ku jiq sii.” Nimanka sidaa rumaysnaa, waxay qabeen in Kun-bullaale Cadde ahaa Boqor markuu Beesha dhex marayo habalaha loo soo safi jiray oo ta ugu quruxda badan badhtanka la gelin jiray, sidaana loo leeyahay: “Koodaar, Ta u dheer, ee u dhexe, Ku jaboo, Ku jiq sii.” Waa sheeko-baraley Soomaaliyeed iyo sidii ay dadka qaarkii u macneeyeen, runtana Ilaah baa inaga og.
Waxaan jeclahay in aan hoosta ka xarriiqo in Sheekh Maxamed Yuusuf oo Wargeysayada ku soo qori jiray “Odey ka-sheekee” oo culuunta Xiddigiska aad u yaqaannay maalmaha Soomaaliyeed ka aamminsanaa fikrad aan ka fogeyn taa Xasan Sheekh Muumin. Waxaan ka xumahay in uu Sheekh Maxamed dhintay aniga oo aan arrintaa ka qorin, waxaan se hubaa in laga heli doono qoraalladii dhaxal-galka ahaa ee uu ka tegay.
Maalintaa aanu Xasan Sheekh Muumin wada fadhinay gurigiisa Boorame waxa kale oo uu nooga muddaakarooday abaaro dhacay: 1927kii iyo 1928kii oo laga baxay 1929kii, waxaanu ku bilaabay heestan gaaban oo aanan weydiin in uu tiriyay iyo in cid kale tirisay oo abaarahaa daarraneyd, waxaanu yidhi:
“Abaar waa la arki jiray,
Abaalaysyaa la ridi,
Awaare cas ba la kicin,
Aroos wuu tuugo-tegi,
Ummuli way kala engegi,
Idaha Saaweer gelaaya,
Sabeeni ka doogi meyso,
Hablaha Saaweer gelaaya,
Sangalkay ku gaboobayaan,”
Isaga oo ka sii hadlaya abaarihii Xasan Sheekh Muumin wuxu yidhi:
“Abaarahaasi markii ay dhaceen, caydhii waxa la isugu geeyay Bullaxaar. Waxay ahayd Nayruus Arbacaad oo Khamiistiina raacday. Dhulkeenna, xagga Burco ma aha e’ wixii Go’o ka sokeeya abaartu waxay ka dhacdaa Nayruuska Arbacaad, Khamiisina waa ay raacdaa, waxaanay daran tahay marka ay Khamiistu raacdo. Markaa waxa la yidhaahdaa abaartaasi waxay jirtay oo dal iyo dadba haysay 1927kii iyo 1928kii, waxaana laga baxay 1929kii oo Nayruus Jimcaad noqday. Abaartii 1927kii waxa la odhan jiray Abaalays, abaartii 1928kiina Bir-cad. 1929kii barwaaqo ayuu noqday waxaana la odhan jiray Dabo-tallaalkii. Waa waqtigii inoogu horraysay cudurka la yidhaahdo dabo-ka-ruubka. Odey Aadan Indho-yare la odhan jiray oo Ayban dhalay oo aan dawooyinka kala aqoon ayaa inta dhakhtar la qoray oo aan tababar la siinin ayaa irbaddii iyo dawadii loo dhiibay. Waxa laga yaabaa in ay ahayd minjo-xaabin Ingiriisku waday, sidaa ayaa sannadkaa 1929kiina Dabo-tallaalkii loogu bixiyay. Dadkii oo caydhoobay ayaa Bullaxaar la isugu geeyay oo cudurrana ka dillaaceen. Sidaas ayaa loogu qaxay dhulka Qotoda ee Itoobiya.”
Halabuurka Yuusuf Shaacir oo aan u akhriyay qormadan kooban ee aan ka qoray abaarahaa Xasan Sheekh Muumin ka muddaakarooday, ayaa igu kordhiyay in abaartani barigana ka dhacday oo la odhan jiray: Baaha iyo Maadh-genbiba. Wuxu intaa ku xaqiijiyay maah-maahdii odhanaysay: “Nin Baaha joogay waa waayo-arag.” Barwaaqadii abaartaa lagaga nastay wuxu ahaa xagga bariga gu’gii “Ballaadhane”.
Xasan Sheekh Muumin wuxu maalintaa I xusuusiyay qayb ka mid ah taariikhda qoyska aan ka dhashay. Waxaan xusuustay 1988kii galab aanu Baabbuli oo Kililka Shanaad ee Itoobiya ah u soo hoyannay aniga oo la socday adeerkay Muxumed Ducaale Caynaan oo Geeble lagu naanaysi jiray. Annaga oo ka mid ahayn rakaabkii basaskii la soo raaci jiray, habeennimadii waxaanu u hoyannay magaalada Baabbuli. Subaxnimadii ayaanu ka soo ambo-baxnay annaga oo Jigjiga ku soo soconnay.
Haddii aanu wax yar magaaladii ka soo baxnay ee aanu waddadii Fiiq tegaysay xagga woqooyi uga soo leexannay, ayuu adeerkay gacantii ku fiiqay xagga woqooyi oo aan Baabbuliba waxba ka fogayn, waxaanu igu yidhi: “Halkaas ayuu ku aasan yahay Ducaale Caynaan oo is-na aabbo u ahaa anna awowgay aabbo ahaa.” Inta aan taariikhda qoyska xogogaal u ahaa waan hubay in aanu adeerkay berigaa la socon awowgay. Markaa ma aan garan siduu ku xaqiiqsaday halkuu awowgay ku aasan yahay in kasta oo uu warka siyaabo badan ku heli karayay. Inta aan xusuusto awowgay Ducaale Caynaan waxa berigaa la socday Eddooyinkay Caasha iyo Ardo. Caasha xaggaa ayaa lagu guursaday oo ay ku tarantay, Ardo Ducaale se xaggan ayay ku soo noqotay oo ilaa maanta waa ay nooshahay waxaanay deggan tahay Botor xiskeeda iyo xusuusteeduna waa ay dhan yihiin.
Waxay ii ga sheekaysay in abaar xumi dhacday oo ay xaggaa iyo Qotada u dooleen, aabbaheed Ducaalena ku dhintay halkaa goor barqo ah oo reerihii halkaa deggenaa ay aaseen. Dib markaan sannadihii ay ii sheegtay u tiriyay waxay isku mid noqdeen taariikhdaa uu Xasan Sheekh Muumin ka sheekaynayay, sidaas ayaanan ku xaqiiqsaday in awowgay Ducaale Caynaan xilligaa xijaabtay, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.
Bal hadda aynu ku yar noqonno Xasan Sheekh Muumin iyo xusuustiisii sidii uu ku bilaabay curinta maansada. Aynu soo xiganno isagii oo hadlaya:
“……….Markaan muddo aan dheerayn heesayay, ayaan is-canaantay oo aan is-idhi ma wax uun baa laguu dhiibayaa miyaanad adigu waxba allifaynin. Waa 1957kii iyo magaalada Boorame. Jaadka Dab-shid iyo baa keeni jiray oo meelahan ayay dameeruhu iman jireen fiidka. Waxaan ku jiray guryihii Ina Halas sekeddiisa ahaa oo xaggan danbe u soo jeeday ee qolada Aadan Yoonis lahaayeen ee yar yaraa. Waan tegay jaad baan soo qaatay, qasacad sigaar ah oo balaayir ahna waan soo qaatay. Aad sigaarka uma cabbo. Kartuush yar oo kabriit ah oo toban hal ahna waan qaatay. Dhowr qalin waan qaatay, laba buugna waan qaatay.
Aqalka intiisan hore waa sibidh, halkaa yar ee gidaarkana in yar baa sibidh ah. Laakiin waa derged, waana qol yar oo keliya. Daarad yar buu leeyahay. Beytalmay buu leeyahay. Shaahii baan diyaarsaday, halkii baan gogladay. Sariirihii Roodiishiyada ayaan lahaa, aakhirkiina waan saaray. Waxa guriga yaalla seexaaradahan waaweyn ee shaaha lagu keeno oo dhuxul ah. Afar jawaan oo islaani lahayd oo ay Seylac u qaadanaysay ayaa inta yar ee daaradda agteeda ee beytalmayga yaalla. Markaa dabkii baan shiday. Dhaxan ayay ahayd. Aakhirkii waxan gaadhay in aan kolba jawaan intaan soo qaado ku farraqo. Ilaa intii yareyd ee aan fadhiyay ee albaabka agtiisa ahayd mooyaane intii kale noqotay girgire. Afartii jawaan iyo seexaaraddiiba waan gubay. Markaa hadow baa sidaa u kacaya. Waa dhuxushii galoolka. Waxba waa ay ii tari weyday. Shandadahaygii dharka ee aan dibadda dhigay ayaan kolba kala soo baxaa funaanado suuf ah. Waxaan gashaday kow iyo toban shey oo kabootkii weynaa ee millateriguna ku jiro ee cawllaa. Magaaladuna hore ayay u seexatoo dabeyshii baa dhacaysay haatan magaaladu xidhay, illeyn magaaladaa immika xidhaye. Bahashii buu odhan jirtay ee odayada qaadan jirtay. Marka aan meelahaa maraayo….waqti aan u malaynayo kow iyo tobankii habeennimo, uun buu qabowgii mar keliya dab isu beddelay. Gurigii intaan dusha ka handaraabay ayaan ka baxay. Qol halkan bacadlaha ah ayaan tegay, markaas ayaan bilaabay heestaydii ugu horraysay oo ahayd”:
“Dedaala Soomalay dedaal,
Dedaala Soomalaay,
Danteenna ha ka daalinee,
Dedaala Soomalaay,”
“Waan qoray. Waxba ma eegayee waan qorayaa. Af Carabi ayaan ku qorayaa.
“Dardaaran Haatuf soo degaan,
Xalayto daalacdoo,
Digniin cad buu inoo sidee,
Dedaala Soomalaay,
Dalkeenni baa la qaybsadaye,
Dedaala Soomalaay,
Xaqeenni baa la duudsiyee,
Dedaala Soomalaay,
Dirir galaad Dayaxa la degay,
Isniin dabkii huraa,
Ma demiyo daadka soo galee,
Dedaala Soomalaay“,
“Haddaba beydka afraad weli macnihiisa maan garan. Wuxu ku samaysnaa xiddigaha iyo burjiga. Anna burjigina ma aqaanno, xiddigona ma garnayo. Waa Dirir galaad Dayaxa la degay iyo Isniin dabkii huray, daadka soo galaa lama demiyo e’ dedaala Soomalaay. Sidaasi waa sax xaggii burjiga. Habeenkaa Dirir galaad dayax la fadhiyo haddii ay Isniin tahay wixii la bilaabaa ma bakhtiyo. Laakiin waa maxay habeenkani? Habeenkaan hadlayaa dee Isniin ma aha. Dirir galaad in ay tahay iyo in kalena ma garanayo. Afar iyo tobnaadna waa ay tahay. Habeenkaan dhashay haddaan odhan lahaa, Dirir galaad waan dhashay laakiin Isniin ma dhalan. Khamiis baan dhashay. Haddaba ma habeenkii fikrad Soomaaliyeed abuurantaa? Ma habeenkii aabbahay dhashaa? Ma habeenkii Axmed-Gurey dagaalka bilaabaa? Ma garanayo.
Markii danbe ayaa qososl loo dhici doonaaye, buuggii oo aan dhinac walba wax ugu qoray ayaa maad inoogu fillaan lahaaye, sow 1973kii aniga oo Xamar deggan daad igama qaadin. Markaan marayay dhowr iyo labaatan beyd ayaan beddelay. Waxaan idhi:
“Cammuuddu qaali weeye oo,
Ciyaar ma geydo oo,
Cadowga aan ka daafacnee,
Carruurta wax bara,“
Waa hees carruurta wax bara wada ah. Tii markii aan joojiyay ayaan tu kale bilaabay:
“Gobannimaa Gobannimaa,
Albaabkeennii garaaciye,
Soomaaliyeey,
Gumeysi maan ka doorannaa,”
Aniga oo xiganaya cajaladdii aan maalintaa ka duubay sidaas ayuu Xasan Sheekh Muumin ku bilaabay curintiisii ugu horreysay. Xasan Sheekh Muumin wuxu dhaqan iyo caadabo u lahaa inta badan in uu ku horreeyo codka oo marka danbe midhaha sameeyo, inta badan se dadku midhaha ayay ku horreeyaan, markaas ayaa laxanka la raaciyaa.
Xasan Sheekh Muumin isaga oo xusuustiisii dib ugu noqday oo ka hadlayay kadeedkii Oktoobar ee 1969kii ku habsaday dalka, wuxu yidhi:
“Aniga inqilaabkii millaterigu ii ma fiicnayn oo waxaad ka garanaysaa murtidaydii iyo curintaydii. Waxaad ka garanaysaa ‘Shabeel-naagoo’’, ‘Gaaraa-bidhaan’ iyo ‘Dunidi maskaxday magan u tahay’…..oo aan kaaga soo qaadayo, wuxuna Quraan ayay ku wada fadhiyaan. Heesahan waaweyn aayad Quraan ah ayay mid waliba ku fadhidaa. Tan la yidhaahdo:
‘Laaleys dusheediyo,
Laag iyo xaradheer,
Laan gebi ku taal oy,
Lulayaan dabeyluhu,
Xiisaha ku laalane,
Kalgacaylki lumiyee,
Loxoskii ku dumiyaa,
Guurkii luggooyee,
Leef oo ha liqin baa,
Lurka ii horseeddee,
Laabtaydaneey,
Lullulka iiga daa.’
Lahashada naftaydiyo,
Caqligaa legdamayoo,
Leexada i sidataa,
Maankayga labaysee,
Shinbiraha lalaayee,
Ku dabbaasha laydhee,
Looyaama duurkaa,
Anna ii lallabayee,
Leef oo ha liqin baa,
Lurka ii horseeddee,
Laabtaydaneey,
Lullulka iiga daa.’
Luquntayda dheer iyo,
Laafyaha garaaraha,
Dhabannada labeenta leh,
Midabkayga luulka ah,
Nin aan laasanayn oo,
Luf-lufku u macaan yahay,
Anigaa u loogoo,
Lingaxawga gooyee,
Leef oo ha liqin baa,
Lurka ii horseeddee,
Laabtaydaneey,
Lullulka iiga daa.’
Waa afartii cisho ee aynu xorta ahayn intii aynaan ku darsamin Soomaaliya. Waa hees siyaasadeed.”
Halkaa markii uu marayay, ayuu Xasan Sheekh Muumin hees kale soo xusuustay, waxaanu yidhi:
“In uu haad habeen kaco,
Heehaabo heegada,
Hafiyaan dabeyluhu,
Hiddihiisa maahee,
Hadimada u baaqdee,
Kala hadashay samadee,
Hoygii ka saartaa,
U horseedday halistee,
Hammiga kii hanweynee,
Hal adag baa,
Halleyn haybaddiisee,
Haye fudud, haye,
Habeenkaan lahaa bay,
Hubsiimadu ii habboonayd,
Xasan Sheekh Muumin oo maalintaa aanu Boorame wada fadhinay isaga oo hadalkiisii sii watay wuxu yidhi:
“Waxaad suugaantana ku garan kartaa, calaacalku wuu ku yar yahay. Kolkaa beydkan beydka xiga ayaa dawaynaya:
“Naftu inay hilowdoo,
Hammidoo hawaawido,
Higsataa waxaanay hayn,
Waa himiladeedee,
Hir markay ka gudubtaba,
Mid kalaaw hillaacee,
Hebed baa hammiga dilay,
Ragna heeryadii cunay,
“Hebed baa haween dilay ma aha, waa hebed baa hammiga dilay. Waa ‘cover-kii’ ay suuqa ku gelaysay. Haddana maxaa igu kellifay dee in aan halkan ku dhaco, in aan wax kale doonto ayay ahayde. ”
Labadan heesood oo ay dadka intiisa badani u haystaan in ay kalgacal iyo hablo la khiyaameeyay ku lug leeyihiin sidan siyaasiga ah ayuu Xasan Sheekh Muumin noogu sharxay sannadkii labada kun mar aanu Boorame gurigiisa la fadhiisannay.
Labadaa heessodba waxay ku luuqaysa oo si la yaab leh oo dareenka qofka dhegaysanaya ruxaysa ugu leexaysata Hibo Maxamed oo Hibo-Nuura loo yaqaanno.
Bal hadda aynu dhuuxno beydka saddexaad ee heestan oo odhanaya:
“Jiilaal hawaawiday,
Halasaha kaliileed,
Qof harrddanoo helay,
Haan quruxsan oo hilan,
Ku haliilay oon hubin,
Waxa hoosta kaga jira,
Halaq cunay ku soo baxay,
Haaraan naftiisee,”
“In aan haaraantanno weeye ee ma aha in aynu quusanno. Weey huunno maxaa igu watay…haddana halkeen ka baxaa. Haye fudud, haye. Sagaalka heesoodba waxaas ayay wada masilayeen.
‘Dunida maskaxday magan u tahay’, waayo waxa ii yaalla aniga halkan: Masiibadu waa macallinkaan mahadsanid la odhan. Markaa ma-kas baa ma-gudbe ah oo ka faa’iidaysan garan weyday, laakiin ‘Dunidu maskaxday magan u tahay.’ Iyana waxa kharribay nimaan maali garanayn.”
Intaa haddii uu hordhac ka dhigtay, Xasan Sheekh Muumin wuxu bilaabay in uu ku luuqeeyo heestan soo socoto, run ahaantiina heesahaa hore oo dhanna wuu ku luuqaynayay.
Wuxu yidhi:
“Ma og tahay war-moogay,
In uu dunida soo maray,
Milay laga masuugoo,
Garashadu malaasnayd,
Dadkoo minan dugsoon iyo,
Maryo aan samaysanin,
Midho buur ka soo baxay,
Ugaadhuu la miran jiray,
“Waa: Hal ataa calal insaani xiinun mina dahri lam yakun shey’an madkuuraa, oo ah aayad Quraan ah. Markuu yidhi War-moogeey, waxay tidhi:
“Milaygaan tilmaanniyo,
Mugdigii la soo maray,
In haweenku moog yahay,
Hadday Maandhe kula tahay,
Maammulidda hawlaha,
Meeshaan ka maqan nahay,
Muruqaad ku faantaan,
Midhaaba kuma abuurtee,
Muran iyo ilaaq ma aha,
Dooddaydu ma ahee,
Ha deg-degin macaanoow,
Runta fulay ka maagta ma ahi,
Maan-gaabna ma ihine,
Ma-huraanka ii sheeg,”
Xasan Sheekh uumin wuxu intaa raacinayaa: “Halkan waxa soo gelaysa:
‘Jowharad mug weynoo,
Miisaan yar oo fudud,
Dur-dur maaxanaayoo,
Maammula adduunyada,
Macnihiisa ii sheeg,’
Waxay tidhi:
‘Jowharad mug weynoo,
Miisaan yar oo fudud,
Dur-dur maaxanaayoo,
Maammula adduunyada,
Maskaxdeennu in ay tahay,
Ka masuugi maayee,
Macnaheedi waxa dilay,
Nimaan maali garanayn,’
Xasan Sheekh Muumin wuxu ku soo khatimay hordhaca heestan: “Heestan wuxu u hirgelin waayay ‘Kacaankii’ ee loo joojiyay intaas buu ahaa. Tu kalaa jirta:
‘Sidii Doonni buuxdoo,
Ku asqowday duufaan,
Digniintii badbaadada,
Naakhuudihii diray,
Dhaqankeennan daadkiyo,
Hafiyeen dabeyluhu,
Denbigiisa yaa qaba,
Ma raggaa ma dumarkaa,
Ma Diintaa canaanta leh,
Geestuu ka dilan yahay,
Oo laga daweeyaa,
Waxay gabadhii ku jawaabaysaa:
‘Dallaallimadii toosnayd,
Sir aan laga dayoobayn,
Dadka iyo dugaaggiyo,
Duunyadu sinnaadeen,
Duqeytidi Qureysheed,
Gabdhaha nolol ku duugeen,
Denbi ma leh Kitaabkii,
Dadnimada badbaadshee,
Diinteenna nimankaa,
Ku dillaalanaayoo,
Dhaqankeenna dumiyee,
Dumarka yaan la eedayn,’
Beydka danbe ayuu ninkii odhanayaa:
“Haddaan dhaqanka duminnoo,
Denbigiisa leenahay,
Maad naga danbaysaan,
Maxaad noogu dayateen,”
Inantiina waxay odhanaysaa:
“Diyadayadu waa badh,
Qofkii daaddihiya ayay,
Ma-kastuna ku dayataa,“
Heestan Xasan Sheekh Muumin wuxu ugu wan-qalay ’Doonnida’, waxaanay ku jirtay Riwaayaddiisii ugu danbaysay ee 1974kii.
Xasan Sheekh Muumin oo hadalkiisii sii wataa wuxu yidhi: “Waa Riwaayaddii la magac-baxday ’Dunidu maskaxday magan u tahay’ ee Information-ku naga joojiyay ee dababkii nalaga bakhtiiyay biyihiina nalaga joojiyay.“
Xasan Sheekh Muumin isaga oo aad u muraaqoonaya ayuu hesstan hoos ku qoran ee tacliinta daarran ku luuqeeyay. Intaa aan hees ka qoray mid walba wuu ku luuqaynayay. Wuxu yidhi:
“Wax aqoon,
Caqligaa arkay hawsha ifkoo,
Cilmiguu ku adeegto unkoo,
Aalif, Alif Ba’ ka abbaara ogow,
Ka adkow ka adkow,
Dersigaaga ka adkow,”
Waqtigu waa hillaac ordayee,
Aad u dhuuxa intaa,
Ka adkow ka adkow,
Toos aroorta ilkaa cadayo,
Af bilaabo oo alaabta guro,
Oogadaadoo nadiifoo udgoon,
Aad iskuulkoo,
Ustaadka salaan,
Ka adkow ka adkow,
Dersigaaga ka adkow,
Dugsigaaga ka adkow,”
Halkaa markii uu marayay ayaa odeygii Xasan Sheekh Muumin aad u qirooday, markaas ayuu isaga oo ku leexaysanaya ku dhuuftay heestii la magac-baxday ‘Waanada Macallinka’ ee Maxamed Mooge Liibaan sida la yaabka leh ugu luuqeeyo. Xasan ayaa noo bilaabay annaguna inta aanu is-illownay ayaanu ku darnay. Been idiin sheegi maayo e’, markaan rikoodhkii aan ku duubay ka qorayay anigii ayaa luuqdayadii ka yaabay. Xasan wuxu yidhi:
“Waxan nahay wahdiga dugsiyadaa,
Waxan nahay waanada Macallinkaa,
Waagii beryaba,
Ubax laga waraabshoo,
Waxaan ku werweraynaa,
Waddankiinna wax u barta,
Oo xanbaara waajibkiisa,
Wahsan meynno,
Ka waaban meynno,
War-wareegi meynnoo,
Weec-weecan meynnee,
Guul wacan,
Cadow ka waabto,
Nolol wanaagsan iyo barwaaqo,
Nabad lagu wadaago,
Ha ku waaro waddankeennu,
Waddankeennu waa,
Wadnihii jidhkeenna,
Waraabinaayay dhiiggoo,
Waan ku wardiyaynaa,
Xasan Sheekh Muumin wuxu intaa ku daray: “Ilaa Dugsiyada Dhexe ilaa kuwa sare taa ayaa barbaarinaysa. Waxa hadhay heestii kale ee Macallinka ee ahayd: Macallinku waa
‘Macallinku waa, macallinku waa,
Maskaxdii dunidoo malaasan,
Mowjadaheeda,
Kala miirtay ee macnaysay,
Maadhkii qarsoonaa,
Waa misbaaxii,
Kaahiisu u miciinee,
Mugdigii ka meydhay,
Murtida dhuux aqoontiisa baro,
Lagama maarmee,
Ha moogaanin taariikhda,
Weli gaaxdii Xasan Sheekh Muumin ayaynu maalaynaa. Waa 3/5/2000, maalin aanu la fadhiisannay gurigiisa Boorame. Xertii aanu wada soconnay waxaan ka sii xusuustaa ee maalintaa nala fadhiday: Maxamed Cismaan Fadal, Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo Daahir Maxamed Xaddi. Ragga odeyga u jiibinayay kooxdaa ruug-caddaga ah ayay ahaayeen.
Xasan Sheekh Muumin wuxu intaa ku daray: “Dadkii u soo noqo xubnihiisii:
‘Habeen iyo dharaar,
Hadalladaan dhisnaa,
Afkeenna hooyo oo,
Horumaraan ku hamminaa,
Hoggaaminnaa,
Had iyo jeer habnaa,
Oo waan hagaajinnaa,
Ma hagrannee,
Waan u hawl-gallaa,
Murtidaan hubinnaa,
Kala hufnaa,
Haqab-tirnaa,
U hedlannaa,
Dadweynahaan hanuunninaa,
Haasaawinnaa,
Dantaw hagnaa,
Buraanbur iyo hees,
Heello iyo ciyaar,
Gabayo haybad iyo,
Hadhaale baanu hindisnaa,
Walaalahaayagiiyow,
Waan idin la haynaa,
Is-hurina meynnee,
Halkan waxad u timaaddeen,
Aan hagar lahayn baad,
Caawa naga helaysaan,
Halkaa markii xaal marayay ayaan Xasan Sheekh Muumin weydiiyay alxaanta in uu isagu leeyahay iyo in kale, waxaanu iigu jawaabay: “Jaan-gooyada ayaan anigu leeyahay oo ku salaysan Soomaali, mana gaboobaan. ‘Base-kii’ ciyaaraheennii hore ayay ku salaysan yihiin. Dee tan Laalays waxay ku salaysan tahay: Waa la yaab, la yaab la yaab.”
Xasan Sheekh Muumin wuxu dib ugu laabtay dareerinta heestii uu waday, waxaanu yidhi:
“Taariikhda hiddahaan,
Habaaska ka tirnaa,
Hannaankii aan ku soo dhaqmaynay,
Baan hurinnaa,
Hurdadaan habeenno,
Aan ka haayirnaa,
Naftayadaan hurraa,
Ma hagrannee,
Waan u hawl-gallaa,
Haddii uu intaa nooga mariyay heestaa aan dugoobin ee ilaa maanta la qaado, masraxyadana lagu furo wuxu galay in uu waxoogaa ka muddaakaroodo dabeecadda waxaanu yidhi: “Dabeecaddu waxay inagu keentay calaacal, is-ciil-kaambi, caraatan, cay, canaan, cago-juglayn, cadaadis, ceebayn, canbaarayn, ……….waxan oo dhan ayay inagu abuurtay oo badan oo soconaya. Markaa waxaad ku garanaysaa jaan-gooyadayda beydka hore hadduu calaacalkii keeno, ka labaad ‘Justification-kii’ ayuu keenayaa, ka saddexaadna xalkii ayuu keenayaa. Waxa ku jiray bahashaa:
“Gobannimo xalaaloo,
Xaaskeeda korisoo,
Xaqa dhinaca saartoo,
Loo xiiso weyn yahay,
Xil-dhibeen hoggaansha,
Xoghayeenno daacad ah,
Kuwa xeerka fuliyee,’
Xubnaheeda maammula,
Iyo xididdaday ka negidahay,
Derejo aan la kala xigin,
Ninka loo xilsaaree,
Xaslan waayay hawshii,
Dadka looga soo xulay,
Heer lagu xujoobiyo,
Inta anu xumaan gelin,
Waa in uu xusuustoo,
Inta aan la xaakimin,
Xisaabta iska dhiibaa,”
Faallo kooban Xasan wuxu heestan uga dhigay: “Xididdadu waa dadweynaha. Haddii uu geedku bukoodo, uu midho bixin waayo oo caleeni ka iman weydo ma laamahaad daweyn?”
Xasan wuxu intaa ku daray: “Markii nalagu ururiyay Xaruntii Raage Ugaas ee aanu erey-bixinta samaynaynay Xil-dhibaankan ay xalaashadeen ma ahayn. Annagu xil-dhibaan iyo xil-dhibeen ayaanu samaynay. Xil-dhibeen waa ninka xilku dhibo, xil-dhibaanna waa ninka xilka dhiba. Waa ay fiican yihiinoo Xil-dhibaan ayay xalaalaysteen. Kii kale waa ay iska daayeenoo markii ay is-garteen Xil-dhibaan ayay xalaalaysteen. Waanay fiican yihiin aad. ”
Intaa wuxu raacinayaa: “Waxa ku jira qosol-ku-jab ah. Waa Riwaayaddii ‘Duunyadu maskaxday magan u tahay’. Haddaan nala guursanta ayay ku jirtay.
“Jacayl lagu qamaamaa,
Qoto dheer ma yeeshoo,
Qosol-ku-jab buu ku dhammaadaa,”
Xasan wuxu raaciyay: “Waa sheekada ah ‘wuu ila dhacay’ iyo ‘waan la dhacay’ iyo ‘waan kala-dhacnayda xigta.’”
Hinaasaha:
Xasan Sheekh Muumin oo xagga Hinaasaha ka hadlayaana wuxu yidhi:
“Beni-aadamka masiibadiisa oo dhan hinaasaa u saldhig ah. Hinaasuhu haddaba xagguu ka yimid? Hinaase wuxu ka yimid ilmihii Xaawi dhashay ee naaska nuugayay ee ay dhabta iyo bogga ku haysay, kolkii uu mid kale ka daba yimid ee ay kii hore halkan dhigtay ee ay halkii ku kale ku qabatay naaskiina uu isagii nuugay, halkaas ayuu hinaasuhu ka bilaabmay. Hinaasahaas ayuun baa farraarro yeeshay oo kala taraaray oo laamo ka baxeen. Berigaa waxaynu gelaynay aqal caws ah. Aqalkaa cawska ahaa dab baa u kabriid ahaa. Ilmahan yari wixii dhalaalayaba wuu qaadayaa. Aqalka ha ina gubin haddii la yidhaahdo, gubistu khasaaraha ay leedahay ma yaqaanno. Waraabaha ayaan kaga dhuumannaa ma garanayo. Haddii la yidhaahdo roobka iyo dhaxanta ayaan ka gallaa ma garanayo. Isagu muxuu yaqaannaa haddaba, caanihii uu jaqayay ee naaska ee kii yaraa ee danbe ka qaadanayay. Waxa lagu yidhi haddaad dabka qaaddo oo aad ruxdo qaalinta ama ceesaanta laguu lisayo ayaa dhimanaysa. Ilaah ma yaqaan, aabbo ma yaqaan….caanahaas oo keliya ayuu yaqaannaa. Wixii caanaha ka hor joogsanaya ayay xeer uga dhigeen oo ay yidhaahdeen waa ay kaa dhiman.
Biyaha waxaynu ku shuban jirnay: kalax iyo qarbad iyo….wuxu ilmihii arkay kalax ama xeedho biyo ku jiraan. Is-na in uu biyo leeyahay ayuu og yahay. Isku dar labada oo kaadi ayuu is-odhanayaa. Ha nijaaseyn ma garanayo dee. Way wasakhoobi ma garanayo. Waxa xeer looga dhigay haddaad kaadida biyaha ku darto, hooyadaa baa shinbiro caar caar leh dhali. Markaa qofkii ayuu diiddanaaye, bal shinbiro caar caar leh ka warran. Markaa haddana waxay ugu dareen markuu saddex jir gaadhay ee uu aakhiro bartay: Habeen aakhiraa kala sooc lagu odhan. Kor ayay ugu yar qaadeen. Waa markii uu ogaaday in aanay hooyo shinbiro caar caarl leh dhalayn.
Neefka yar wuu ku ciyaarayaa wuu buquujinayaa. Ilmihii yaraa ee ay hooyadii dhashay wuu ku ciyaarayaa wuu buquujinayaa. Waxa loo dhigay haddaad ilmaha yar bakhtiiso ama neefta ku dhejiso aabbahaa ayaa habeen aakhiro dhiigga lagu laba-celin. Kolkaa aabbo wuu gartay iyo qiimaha uu leeyahay.
Way socotay waxaanay gaadhay doobkii iyo gashaantidii. Doobkii baa lagu yidhi haddaad gabadh taabato geel lisi meysid. Adiga oo gabadh taabtay haddaad geelaagaa candhadiisa taabato wuu beelayaa. Qudunquutoy ku quuso baa taal haddana. Weysha gawrac dibigu ha ku quustee. Dhaqan-dhaqaalahoodii ayay xeeraka saldhig uga dhigeen. Xeer marka loo baahdo laynkaas ayaa ugu qaalisanaa.”
Gaaraa-bidhaan:
Xasan Sheekh Muumin, wuxu Gaaraa-bidhaan ka yidhi:
“Waa sidaa oo marna Gobannimo ayaa albaabkeennii garaacaysa oo waa taan idhi:
‘Gobannimadu ma aha,
Geed midho leh oo,
Fadhi lagu gurtee,
Dhiigga geesigaa,
Gunta laga waraabshaa,
Gobannimooy waxaad guddiyo,
Waxaad gashoba garannay oo ruugnay,’
Toddobadaa ku soo dhammaaday Gobannimooy na saamax, waan kuu gefnee na saamax. Wuxu waa inantii xorriyadda. Markaa inantan Gaaraa-bidhaan, waxay baratay afka faransiiska. Gaaraa-bidhaan waxaan uga gol leeyahay, Riwaayadda ayaa u samaysan afar qaybood. Waa geed afar laamood oo lababa dhan ku yaallaan leh. Camuudku (tiirku) waa qisada. Laan baa ka baxday u horraysa oo tacliintii, barbaarinteedii iyo siday u baab’aday. Dhulkii iyo dhaqankii baaba’ooda oo iyaduna garab socota. Waxa garab socda haweenka iyo xuquuqdoodii. Maamulkii Dawladda oo is-na jid gooniya ah. Markaa Gaaraa-bidhaanku waa kan hadba meel ka iftiima ee hadba meel bidh ka yidhaahda……….Markaa sheekadu marka ay bilaabanto ee ay in yar socoto, waa ay boodaysaa oo kii kale ayay tooshka kuugu qabanaysaa. Kii ku xigay ayay haddana kuugu qabanaysaa. Waa ay boodaysaa ka dhexda ayay kuugu qabanaysaa haddana.
Markaa inantu waa mid dhowrsan oo aan abidkeed saqajaan baran. Waxay Doktooraaga (Digriiga) ku haysataa Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga. Kolkaa Riwaayaddu waxa alle yaale waxa mushkilad jooga ma nabad gelinayso midnaba. Waxaan anigu u kala qayb-qaybiyay mushkiladaha dalka ka jira ayay isku dhafayaan. Anigu midba laynkeeda ayaan u deynayaa tan weynina ha daaddahayso ayaan leeyahay ee u daa oo kolba ka kufa gacanta ha qabato weeyaan. Markaa inantii dhowr iyo soddon ayay noqotay. Soomaaliya ayay timid oo wax ka dhigtaa. Jaamicadi ma jirtee Dugsi Sare ayay macallimad ka tahay. Calaacal ayay bilowday. Ku ye:
‘Haddaan kuu heli lahaa,
Haatuf kuu warrama,
Halaanhal murtiya,
Hirkaan ka abbaaro,
Haasaawe iyo maah-maah,
Hadduu hiddeheennu leeyahay,
Higgaad u dhigan,
had iyo jeer,
Boosta xaashaad ka heli lahayd,
Kuma hilmaamine,
Af-soomaaligaa I hagraday,
Afkaagoo hodan ah,
Oo hoodo leh oo aan ku gabin,
Halleeyoo qaado mid aan,
Hooyadaa ku barin,
In ay hodaddaamo tahay,
Haatanaan hubaa,
Hees hadoodilan,
Sarbeeb hoga-tus loo irkaday,
Hadallo kaloo lagu tarjumay,
Kaa ma haqab-tiraan,
Hindise lagu doonayo,
Oo had iyo jeer la wado,
Haloosi gargaaray,
Haro-diidku waa habaar,
Ee dantaad u hilowdo,
Waa daw in lagu hirtaa,’
Dawladdii ayay fuushan tahay oo ku leedahay maa Af-soomaaliga la qoro. Bahalkii bay xidhatay. Waagii baa u baryay. Markaasay tidhi boostaba waxa ugu horreeyee lagu rido maad ka dhigtid. Cajaladdii bay kiish ku ridatay iyada oo ninkii u ducaynaysa. Waa tii mar qalinkiiba la iska daayay ee naag waliba hebelow kaalay waraaq ii qortii ay cajalad uun qol la gelaysay. Faa’iido badan baa laga helay. Markaa waxay soo gashay boostii oo aan loo soo shaqo teginba. Albaabkii ay furtay ee ay tidhi iga iibi tigidhka, ayuu Xaajigiina soo galay ninka adeerkii ahaa oo doonayay in uu tilifoon ku hadlaa. Haye Xaaji dee waa la is-yaqaannaaye. Iyo Xaajigii oo leh: ‘Dee wallaahi diyaaraddii ayaan ku soo daaloo Alitalia ayaan immika ka imid. Toddobada ayay dayuuraddu soo fadhiisataa ma og tahay? Laba iyo saddex habeen oo ka horreeyayna ma seexannoo aroos baanu ku dhafarray ama ku soo jeednayba. Waan daallanahaye weynu isku warrami doonnaa.’
‘Dee bal waa yahaye Hirad iiga warran?’ Ku ye odeygiina: ‘Waxa na wareeriyayba waa isaga iyo arooskiisii. Maskaxdeedu ma yeelayso aroos buu galay. Markaasay tidhi ma ninkii Dogtooraa baan laba sano ku soo qaadayaa lahaa ayaa aroosyo ka ciyaarayay. Markaasu yidhi maya e’ isagaa guursaday. Markaasay tidhi: ‘Caku ballan-darro iyo badow.’ Markaasuu yidhi naa isagaa guursaday tu yar oo 17 jir ah oo Talyaaniya. Reer abtigeed waa Ingiriis. Reer awowgeedna waa Jarmal. Halkii ayay ku engegtay. Isna teg, cajaladdiina boorsada ayay ugu jirtaa. Magaaladii ay xaggaa uga bax tidhi ayay xaggaa Deyniile uga baxday. Duur ayay tagtay. Way fadhiisatay. Hadhkii ay fadhiisataa cadceed ku noqday. Kama kacayso. Habeenkii baa ugu galay. Reer jebel jaan oo duurka dawaafaya ayaa ugu yimid. Way ku qosleen. Waa inoo naag. Halkaa waxa ka abuurmay naa mushkiladdaada noo sheeg annagaa ku daweyneynee. Khamri ayay siiyeen. Doroog ayay siiyeen. Aqalkeedii ku may noqon.”
Dhidar Yaab-arag:
Sidii Gaaraa-bidhaanka ayaa Xasan Sheekh Muumin qudhiisu hadba meel ka bidhaamayaye, isaga oo sheekadii Riwaayaddiisa noo waday ayuun buu xaggan noola leexday iyo Dhidar Yaab-arag, ku ye: “Beryihii Ingiriisku caaqillada samaynayay ayaa loo yeedhay Didar Yaab-arag. Caaqil noqo ayaa la yidhi, markaasuu yidhi caaqilku waa maxay. Waxa loogu jawaabay lacag baad qaadannoo reerkaaga ayaad iska joogi. Awalba reerkayga waan u talin jiray ayuu yidhi. Markaasaa la yidhi mayee qaado, cidina waxba kuu raaci meysee. Markaa shan sannadood ayaa bil walba tobanka rubbood ee la siiyo maro ku guntaa oli ku ridaa. Lixdan guntinood iyada oo ay oligii ku jiraan ayaa la yidhi cashuurtii baa la soo rogayaa. Waan ka hadlaynaa baa la yidhi. Dhidar Yaab-aragna dadkii ka hadlayay ayuu galay oo xaggii dadweynaha ayuu ka soo jeestay. Adigu dawladda ayaad tahaye xaggan soo gal baa la yidhi, caaqil baad tahay oo mushahaaro ayaad qaadataaye. Faraskii ayuun buu qabsaday oo I suga ayuu yidhi. Oligii ayuu soo qaaday. Lixdankii guntinood ayuu ku yidhi Ingiriiskii tirsada. Dhidar Yaab-arag kaas ayuu ahaa. Markaa isaga iyo Rooble Af-deyl iyo rag badan oo aan Idaacadda ka sii daayay ayaa laga muraara-dillaacay.”
Xasan Sheekh Muumin ayaa geeddi kale raraya sheekadii taxanaha ahayd ee uu inoo waday, meel kale ayuu ka hillaacayaa. Bal ka warrama haddii uu isagii Gaaraa-bidhaan inagu noqday. Wuxu yidhi: “Waxa aniga ii garab socda wax wal oo aan qabanayaba halgankii haweenka oo aan leeyahay waar waan garab la’nahay. Waxa jirta sheeko hore oo aynu soo gaadhnay carruurnimadii oo ahayd: ‘Shinbir garab-li’I, wax ma garatee, casoowaha gura.’ Mar haddaan haweenka ka tagno waxaynu nahay ummad dhinac la’. Casoowe waa kuul yar oo cas-cas oo dumarku xidhan jireen. Dhinac baa ina bakhtiisan. Laba is-jiidanaysa ayaynu nahay. Geesta kale saldhiggii aan ka abuurannay ee mushkiladda inagu dhalay waa: ‘Nin iyo naagtii colna ma aha, nabadna ma aha.’ Qoyskuna waa halkii Qaranku ka bilaabmayay. Ninkii iyo naagtii oo midba ka kale iska giiji leeyahay oo is-jiidanaya, xaggee hore looga mari. Qoyskii marka uu sidaa yahay, Qabiilkii wuu is-haystaa…..Qarankiina wuu is-haystaa. Markaa maxaa kale ee yaallay? Haddaan maah-maahda kale ee ag taallay qaadan lahayn: ‘Haani gunta ayay ka tolantaa,’ ‘Ragna waa geed-sare waab.’ Haddaan taa qaadan lahayn. Ku noqo sannadihii 1500 Nebi-ammaankii haweenku bisha ramadaan qaadi jireen ee aynu soo gaadhnay ee ragguna xaadiska dhegaysan jiray, iyaguna intay meel isugu tagaan Nebi-ammaanka tuman jireen, maxaa ku jiray, waa arji ay Ilaahay u qoranayeen::
“Bilista Allaheeda,
Alla roonaheeda,
Reer-siiyaheeda,
Raaxeeyaheeda,
Aqalkay dhiseeneey,
Dhigaha u asleeneey,
Dhii-dhiibiyeen baa,
Galab laga dhaqaajay,
Bilista Allaheeda,
Alla roonaheeda,
Reer-siiyaheeda,
Raaxeeyaheeda,
Ubadkay dhaleeney,
Naaskaw dhigeeney,
Dhixirkaw xidheeney,
Wada dhiibiyeen baa,
Galab laga dhaqaajay,
Bilista Allaheeda,
Alla roonaheeda,
Reer-siiyaheeda,
Raaxeeyaheeda,
Adhigay dahqeeney,
Maqasha u dhigeeney,
Dhiisha u culeen baa,
Galab laga dhaqaajay,”
Xasan tuducyadan wuxu ku khatimay: “Naa inankay ii dhig oo iga bax.”
Xasan Sheekh Muumin oo hadalkiisii sii watay wuxu yidhi: “Waxa jirta mid Diimahaba ka horreysay oo odhanaysa:
‘Warramay warramay,
Warkay kebed kebed,
Kebed Awr baa leh,
Awr naagaa leh,
Naago rag baa leh,
Rag gawtaa leh,
Gawte gadh baa leh,
Gadh aboor baa leh,
Aboor jinac baa leh,
Jinac jiir baa leh,
Jiir wali baa leh,
Wali leeb baa leh,
Leeb qaansaa leh,
Qaanso geed baa leh,
Geed buur baa leh,
Buur bannaan baa leh,
Bannaan ciid baa leh,
Noloshii baabbah.’
Waa giraan isku soo noqonaysa e’ ma og tahay. “
Intaasi waa Xasan Sheekh Muumin 3/5/2000 waxaan ka duubay. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan.
Badweyntii Xasan Sheekh Muumin ayaan fandhaal idiin ka daray. Waa badweyn dhudo badan oo ninkii dhex galaaba ku hafanayo. 14kaa Qormo waa maalin gelinkeed oo aan Xasan Sheekh Muumin la fadhiistay guri uu ku lahaa magaalada Boorame. Ma aha intaan maalintaa ka duubay oo dhan bal se naqwadii oo wax badan ayaan ka tegay ama maalin kaleba u dhigtay. Bal ka warrama saacadaha sida daadka inoo dhaafaya ee aynaan wax ku qabsanayn. Bal qof kastowba dhinaca eeg inta qof qiime leh ku ag joogay ee maanta kaa hooseeya ee aanad waxba ka duubin ama ka qorinba. Kuwaa Ilaahay ha u naxariisto e’, bal inta weli aad fursad haysato ee qof aad maqnaanshihiisa qoommamayn doontaa ku ag joogo eeg. Immika qalinka ama rikoodhka qaado si aanad berri farta dhexda uga qaniinin.
Ma doonayo in aan mowduucan gawl-gawlo, bal se waxaan jeclahay in aan mar si wanaagsan oo aan weyd ahayn ugu soo ambo-baxo.
Halkaas ayaan ku soo gunaanadayaa Xasan Sheekh Muumin iyo Qormooyinkii taxanaha ahaa ee aan milgaha iyo maamuuskaba uga dhigay. Ilaahay naxariistiisii Janno ha ka waraabiyo, innagana dhammaanteen samir ha inaga siiyo.
Dhammaad


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " (Halabuurkii, Heesaagii, Laxan-dhaadhigii, Taariikhyahanka ahaa) Xassan Sh. Muumin "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply