Boorama-(Lug)-Saaka Waaberigii ayaa magaalada Borama waxaa lagu arkay ilaa 5 goobood oo ah goobaha lagaga ganacsado Jaadka ay leeyihiin dadka danyarta ahi oo la qabadsiiyay dab goobahan dabka qabadsiiyay ayaa waxa ay
Booliisku sheegeen in khasaaraha gaadhay uu kooban yahay ka dib markii uu dabku noqday mid iskii isku damiyay.
Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Saldhiga dhexe ee Magaalada Borama Muuse C/laahi Hanfi oo Saxaafada u waramayay ayaa sheegay inay wali Baadhitaan hayaan kuna samaynayaan Arintan isla markaana ay waraysteen dadkii danyarta ahaa ee lahaa goobahan dabka la sudhay si ay bal u ogaadaan wax walba oo suurto gal ah oo sabobi kari in falkan Argagaxa leh la gaysto.
Taliyaha ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay Magaalada u qaybiyeen Hal Baabuur iyo 10 Askari oo ilaalisa Nabadgalyada oo ku wareega inta u dhaxaysa 11 habeenimo ilaa 4 subaxnimo waxaana uu ku tilmaamay falkan dhacay mid lala beegsaday Goobahan waxii ka dambeeyey Wakhtigaasi.
Falkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka dhaca magaalada Borama waxaana ay atni tusaale u tahay in Amniga Magaalada Borama uu yahay mid u baahan Foojignaan gaar ah falkan dhacay Saaka Waaberigii ma jirto cid ku noqotay iyo inkastoo uu yar yahay ma jirto wali Cid loo soo xidh xidhay.
Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dab La Qabadsiiyay Goobo Qaybo Ka Mid Ah Goobaha Ganacsiga Jaadka Ee Magaalada Borama. "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply