Dadyahow waxa jira laba boolis: Midi waa kan dadka ah ee aad wada taqaanaan ee dadku/dawladuhu samaystaan,midna waa mid dabiici ah(Rabaani) oo waa damiirka.Maamuladu waxay ciidanka nabadgalyada usamasytaan inay kaga hortagaan wixii sharciga ay dhigteen ku xadgudba iyo wixii si xun usocdaIWM.
Labadan boolis waxa qaalisan kan dabiiciga ah.Booliska Rabaaniga ah hadduu kuu fayowyahay kan dadku samaysteen is arki maysaan. Damiirku waa hogaan wanaagsan waa kan mar walba kaa warhaya ee habeen iyo dharaarba heeganka kuu ah,haddii uu kaasi kaa dhinto xaqiiqatan xayaatadaadu ma noola.
Maqaalkeygani cidna jawaab uma aha laakiin waxan jeclaystay inaan dadka la socodsiiyo inay jiraan shakhsiyaad damiirku ka dhintay oo qalinka si xun ufahmay oo cinwaanno bug ah wata,dhinaca kalana wuxu hoga tusaaleyn iyo talo walaal uyahay tafatirayaasha shabakadaha qaarkood.Kun iyo kow Email iyo magacyo been ah haddii aan is idhaahdo samayso internetku ima diidayo laakiin damiirkeygaan ogolayn.Waxa jira ashkhaas qalinka iyo qaayihiisa ugafaya oo ilbaxnimo moodaya addareysyo iyo magacaan beena in lala baxo si ay dadka duntooda iyo shakhsiyadooda ay ugu aflagaadeeyaan iyagoo ka faa’iidaysanaya baylahda dhinaca warbaahinta gobolka.
Dadkan haddii uu boolisku ka dhintay miyeyna ogayn sida telefonku uleeyahay “Country code,Area code iyo addareys inuu internetkuna intaasoo dhan leeyahay “IP”(Internet Protocol address)miyeyna ogayn in ugu danbeynta la helayo goobta uu kasoo diray emailka jidka ay ku taalo.
Qaar maskaxda maynis(minus) kaga jira oo aan badheedhi karin oo magacyo beena wata ayaa bulshadii xumaan ku kala beeraya,bogagii wararka iyo fikradaha loo doonanayeyna wasakheeyey,shabakadihii reer awdal qaarkoodna waxay noqdeen baaltoogii ceyda (chat rooms) iyo wax ka daran.Waxay baahinayaan fikradaha buka.
Waxan filayaa nimanka mareegaha maamulaa malaha hoosba uma eegaan mise waxanayba ka xaraabaystaan oo way ugu talo galeen.Waar dadka ceynkan uhadlayaa kuwo wajiyadoodii saxda ahaa wata maaha,kuwo la yaqaan maaha,waa qaar magacyo iyo emailo bug ah samaysatay,damiirkooduna siiyey inay sidaa yeelaan.
Shabakadaha idinkaa ka masuul ah,koley waxan aaminsanahay inaad wax badan oo faa’iido ah soo kordhiseen laakiin sida aad wax uwaddaan khasaaraa ku jira.
Waxyaalaha la idiin soo qoro intaydaan update-gareyn isha mariya,idinkoon baadhitaan kalaba samayn waxad kala ogaanaysaan in qoraalkani ka yimid qof jira iyo inkale.Haddii kale haddeed dadka waxan qoraya idinka(tafatirayaasha) oo kolba magac la baxaya uunbaan uqaadanaynaa.
Dadkan idin bahdilaya ee sawirka qaldan idinka bixinaya miyaad baadhaan,waxa ay idiin soo qoraanna miyaad iska baandheysaan.
Tuuga waxan unaqaan uun kan jeebadaha iyo alaabooyinka xada.Tuug casriyaa soo baxday.Magacdan yaa yaqaan halkey joogaan?
1)-Xassan Cumar (xassan yare)
Degmada Boon, Awdal
xassan_somali@yahoo.com
February 18, 2008 (SAYLICIPRESS.NET)http://saylaci.com/2008/02/18/jawhar-iyo-jiinlow-oo-ay-ka-dhex-muuqato-farshaxankii-oday-biqay/
iyo (LUGHAYA.COM)http://lughaya.com/lug/2008/02/18/jawhar-iyo-jiinlow-oo-ay-ka-dhex-muuqato-farshaxankii-oday-biqay/#comment-19
Bal ha isa sheego haddii uu sito waji dhab ah.Waar yaa ku garanaya,halkeed joogtaa bal dadka usheeg oo anigaba waadiga igaranaya ee leh garoonbaad lacag u ururisaa oo scandanivankaad joogtaa”waa runtaa” ee bal adiguna isu key sheeg.Maxaad magaca beenta ah iyo cinwaanka bugta ah ku falaysaa.London inaad joogto waan ogahay iska caytan cid wax kuu haysataa ma jirto laakiin ismuuji.
2)-Maxamuud Nuur - (Jiinbalow)
Stockholm, Sweden
Email: nuurow99@hotmail.com
feb-16-2008(HAROWO.COM)http://harowo.com/2008/02/16/jawaab-10-jeer-istaaqfuralayso-rashid-abdow/
Bal ha isa sheego haddii uu sito waji dhab ah. Waar yaa ku garanaya,halkeed joogtaa?Baadhisbaan ku wadnaa halka aad emailka kasoo dirtayna waan soo sheegaynaa dhawaan.Adigu halkaad joogto imika ma sheegi karo laakiin magaca aad wadataa waa been Stockhlom kuma noolid.Marbaan xagaagii hore halkaa tegay(Stkhlm) oo aan shir kulahayn.Inta badanna dhalinyarada dhulkii kasoo jeedda ee halkaa ku nool waan kulannay,ma maqal magacan iyo naanaystan.Midda kale magacani kuma jiro liiska dadkii lacagta garoonka bixiyey ee Stockholm la iiga soo diray,hadana lacag iyo garoonbuu ka hadlay waa laba aan isgayin.
3)-CIYE AXMED-LONDON-UK
ciyeahmed@gmail.com
February 19, 2008 (SAYLICIPRESS.NET) http://saylaci.com/2008/02/19/dameeri-isku-halaynbay-hooyadeed-dabada-uga-nuugtaa/
Bal ha isa sheego haddii uu sito waji dhab ah.Waar yaa ku garanaya,halkeed joogtaa?Adiga ciddii maqaalkaaga soo gudbisaybaa ku sheegi.
Dadkan boolisku ka dhintay miyaanay ogayn sida telefonku uleeyahay country code iyo area code iyo addareys inuu internetkuna uleeyahay “IP”(Internet Protocol address)miyeyna ogayn in ugu danbeynta la helayo goobta uu kasoo diray emailka jidka ay ku taalo.
4)-abdi waal said,(LUGHAYA.COM)
in February 19th, 2008 at 12:19 pm
MULACOW AWALBA FAROOLAAD AHAYD INAAD TAHAY SAMAROON WAXAA KU JIRTEY SHAKI.
XATAA MATIHID DHALAD SAMAROONA..
MARKAA AFKAAGA KA JEEDI AXMED SHEEKH FARAX.
Cabdi waal diid said,
in February 21st, 2008 at 7:12 am
waxa la gaadhay goortii aad beenta isku sheegayseen.
5-6)- (LUGHAYA.COM)2 users commented in ” Jawhar iyo Jiinbalow oo ay ka dhex muuqato farshaxankii oday biiqay ”
Follow-up comment rss or Leave a Trackback
cumar said,
in February 19th, 2008 at 3:27 pm
waad kumahad santahay maqalkanwanaagsan ee aad ku qortay lughaay waana ku hanablyaynayaa sidaa aad wax uqortay mahadsanid
5-6)-(LUGHAYA.COM)
nuur said,
in February 19th, 2008 at 8:41 pm
Su aal: markaad qof lahadlayso maxad rayaale dhakada uga fuushaa mise waxaad ku qarinaysaa ceebta aad udhantihiin horta waad xanuunsanaysaaye illaahay caafimaad waydiiso marlabaad cid idin dooranaysaa majirto ee hadaalina jaamacadii xinka iyo xaasidkuna masoconayso jaahil yohow adhi laraaco ceeb u haysta orodoo u adeeg kulmiye, kulmis iyo kufaartiiwaan ku ognahay oo waxa doonaysaa inaad kaliya iska caydo rayaale sick baa tahay midkaliya oo rayaale kabihiisa gaadhaya malihidin. habarta odayga waxloo saar.
Waxani ma shabakadaa mise waa qolalka baaltooga la yidhaa ee dadka qaar isticmaalaan.Makuwa waxaa qorayaan qaladka saarnaa mise kuwa dadka usoo gudbinaya? Fadlan su’aashaa haka aamusin ee Emailka iigu soo dir ra’yigaaga,ka dibna aan soo bandhigno.
Waxaad doontaan qora haddii damiirkiinnu idin siiyey laakiin bal isa sheega.Magacyo iyo Emailo iyo addreysyo beenaad wadataan,taasina ragannimo maaha.Waxaad doontaan qora ciddaad doontaan wax ka sheega haddii aad rabtaan aniga isoo caaya,laakiin qalinka tuugada ka daaya.Imikaba qaarbaa toos iila soo xidhiidha oo intay aniga idhaafeen waalidka sii socda,waxay iisoo qoraan hooyadaa waxaa kusamee.Kuwan wax qor qoraya uunbaa kolba email samaysta oo midna shabakadaha wax ugu dira midna qofka toos ugu soo caaya.Macno male waan iskala qabsan doonnaa wax qorista !!!!
Tafatirayaasha waxan odhan lahaa ma xuma inaad fikradda qofka soo gudbisaan hadduu doono haba caytamo,laakiin horta ogow qofkani inuu meel loo raaco leeyahay iyo inkale.
Waxa dhacda tusaale ahaan adigoo dhuldillaacay@html isticmaala ayuu mid intuu magacaaga runta ah qaato ka dibna uu email kale oo kaaga aan laga garan samaysanayaa tusaale:dhuldilaacay@html ama Yahoo ama mid kaluuba ka furanayaa illeyn waa tuuge.
Jawhar cabdi qalinle (korwaayeel@hotmail.com) iyo Jawhar Cabdi qalinle (Korwayeel@yahoo.se)


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Damiirku waa Boolis "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply