Lacagaha soo gaadhay gudida aafada musiibadii bishii hore dabayaaqadeedii ku habsatay gobolka Awdal ayaa sii kordhaysa. Waxa ilaa immika soo gaadhay lacag dhan 31 kun oo dollar oo qurbaha ka yimid.
Dr. Hadi waxa kale oo uu noo sheegay in 17 magaalo iyo tuulooyinkii aadka musiibadu u taabatay in loo qoondeeyey in sida ugu dhakhso badan loo gaadhsiiyo mucaamo.
Shirkada African Relief Organization oo dalka Kuwiat laga leeyayahay ayaa loo xil saaray in saddex magaalo masuul ka noqoto oo kala ah: Xooray, Carowayne, iyo Gab; shirkadani oo ay la socdoon xubno gudida aafada ka mid ahi waxay soo qaadeen tiro koob. Waxay gudida u cadeeyeen in ilaa 300 boqol oo qoys ay ku baro kaceen aafada seddexdaa magaalo ee ay soo mareen. waxa kale oo hawsha iyaguna bilaabay Camuud Foundation oo loo xil saaray in ay ka masuul noqdaan Calixaydh iyo tuulo u dhow. Shantan magaalo oo ka mid ah meelihii ay dhibtu sida daran u taabatay.
Dr. Hadi wuxuu noo cadeeyey in ay hadheen ilaa 12 ilaa 14 magaalo intii ay masuubadu aadka u taabatay markaa wuxuu noo sheegay in ay sida ugu dhakhsaha badan ay u hawl gali doonaan iyagoo waliba sheegay in balanqaadyo maqan yihiin suganaya lacago intaas ka badan.
Lughaya News Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dr. Cabdirahman Hadi oo noo cadeeyey inay hayaan ilaa $31000 Lacag dhan "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply