Fariin gaar; haddii aad aragtid nin tolnimo si xun u isticmaalaya oo ku leh dadkaan iska xignaa u fiirso marka ugu badan waa nin hadhay oo raba inuu cagaha kugu jiito.

Qofkuu markii kaligii shaqsiyan istaagi kari waayo ayuu wuxuu eedeeyaa jamac qabiil ama dad badan oo aan arinta waxba ka ogayn. waxa soo badanysa wararka gudaha ee la ‘ is dhaafsanayo oo dadka qaar faraha ku fiiqayaan dadkii mudnaa in la’ixtiraamo.

marka hore waxa afka gaalada lagu yidhaahdo “Private Citizen” qof aan xafiis dawladeed fadhiyin oo shaqsi iskii iska nool ah oo mudan ixtiraan in qoraalada lagu darsado waa khalad.

Waxaan ka tixraacayaa qoraal lagu sheegay in Col. Omar C. Hande (Shinbir) uu ka danbeeyey inuu diray alaabtii la loo diray xisbiga kulmiye; Isagoon la’waydiin arinta wuxuu ka og yahay.

Waxa jira war iyo fikrad gaar ah; waxa qaldantay sawirkii guud ee daacadnimada lahaa ee dadku waxa khaldan iyo waxa saxda ah isku si u arki jireen.

qofkasta oo aan qayrkii wax la qaybsan karayn wuxuu yeeshay tol uu ku gabado isagoo loo ceeb qarinaayo;

Fikrado aad u fara badan oo naga soo gaadha akhristayaasha ayaa mararka qarkood uu damiirkayagu diidaa inaan soo gudbino anagoo ka fogaanayna kala fogaansho bulshada ku wada nool dalkii iyo qurbahaba.

dadka qaar waxay soo qoraan qoraalo aad u xamaasadaysan oo sii badinaya nacaybka aan salka lahayn ee u dhexeeya kuwa hadhay ee qurbaha iyo dalkiiba wax ka keeni waayey. meel kastaba oo ay joogaanba.

Ilaahay ayaa kaa dhigay magacan aad sheeganayso wax shaqo ah oo aad qabatay ma jirto inaad noqoto reer hebel; odaygii iyo islaantii ku dhalay ayaa magacan kuu sheegay haddii ay maalintii kuu sheegi lahaayeen CANFARI baad tahay waad qaadan lahayd

in badan ayey dad badani arintan doorosho la’aanta qabiilka sheegeen markaa fikrad cusub oo aan alifayo ma’aha laakiin waa arin qof kasta oo fikirayaa fahmi karo.

bal is waydii nacayb oo dhan waan isku daynay ma isku dayi karnaa horumar inaan ku tartano. Qabiilka sida aad ugu jeceshahay u isticmaal laakiin maxaad ku qaban kartaa.

tusaale ahaan: reer hebel waxay qaateen inay jid wayn dhisaan. Ma dhiseen? anagoo reer hebel ah waxaan ka masuul nahay dhismaha Airport-ka Saylac iyo Lughaya; tartan hala’ galo wakhti ha’laqabsado iyadoon lugaha la’is goynayn ciyaar wanaagsan aan ciyaarno.

Maadama oo qabiil dadkeenu 85% wakhtigooda ku lumiyaan sidii ay wax uga sheegi lahaayeen ama u dhaawici lahaayeen dadkaa kale ee ay ood iyo iridba wadaagaan.

qaar ka mid ah weriyayaasha saylicipress ayaa dagaalada hortood yar ayaa macalinkii wax u dhigaayey ayaa wuxuu keenay inuu qabiil ku isticmaalo ardayda wax wada dhigata. wuu kala hor marmariyey isagoo qoloqolo u kala saaraya.

ardaygii la dulmay ayaa macalinkii waydiiyey isagoo suuqa maraya sobobta uu u sameeyey inuu ardayda u kala eexdo waayo waa qofkii waxa wanaagsan laga dayan lahaa.

macalinkii wuxuu ku jawaabay “SIYAAD BARE WUXUU ISTICMAALAA QABYAALAD MARKAA ANIGUNA HALKAN AYAAN QABYAALADA KU ISTICMAALAYAA” ardaygaa oo classka 9-laad ahaa siyaad iyo ardayga wax dhex maray ma
jirin. wax uu Siyaasada Siyaad Bare ka’ogaana majirin.

Laakiin ardaygii wax calool xumaha ah muu qaadin laakiin wuxuu ugu jawaabay; shaqo qaran ayaad tahay waad naga tagaysaa aniga iyo ardayda ayaa isku hadhi doona.

ardaygii ayaa ka caqli batay macalinkii waayo ardaygii muu raadin cid tol la’yidhaahdo oo uu ku dacweeyo waayo waxa laga yaabi lahaa inay arintu siii xumaan lahayd.

inta badan “system-ka” dadkeena maamulaya ayaa suurto galiya in macalin wuxuu doono sameeyo; nin xafiis loo dhiibay siduu doono ugu takri falo.

Ugu danbaysta waxan oo dhami waa ay iska dhamaanayaan oo waxa isku soo hadhaya dadka caadiga ah.

Dadka qaar dadsanaa;

Dadka qaar ayaa waxay jecel yihiin inay ka hadlaan qadiya ka dhaxaysa qabiilada wada dega somaliland iyagoo ka walwalsan sida ay dadka qaar u arkaan taariikhdii dagaalkii sokeeye ka tagay.

su’aashu waxay tahay dagaal aad dagaalanto  e dagaalkee ayaa ugu qurux badan. Ilaahay dadkiisa wuu kala duway laakiin waxaa sharaf mudan kuwa u dagaalama xuquuqda dadka iyo horumarka bulshada.

ma’aha kuwa u dagaalama horumarka qabiilka; eedaynaya dad ka mudnaa sharaf iyagoo iska indho tiraya dhibta runta ah ee dadkeena haysata. Wadamadan qurbaha faa’iidada ugu wayn ee aan ku haysano waxay tahay; askari inta uu guriga kugu soo garaaco ku xidhayaa ma jiro. Handitaada cid kaa dhici kartaa ma jirto; Amaanka ayaa wax loo dhigaa jirin. Jaar jaarka kale dhul ku haystaa ma jiro. Waxay leeyihiin dawlado wax maamulo iyo dad wax maamula oo maamulka aqoon u leh.Dadku waxay dadku yihiin kala danbayta iyo xeerarka haddii kale dugaaga ayey ku biirayaan. Dawladu waxay dawldad ku tahay inay umada siiso waxyaalaha aasaaska u ah umada sida cadaalada, kala danbayta, iyo horumarinta bulshada.Ibnu aadanku waa xayawaan haddii uusan lahayn xeerar kala wada iyo caqli toosan oo u saamaxa kuwa soo kacaya inay ka tusaalo qaataan.

Dadka ugu sharaf badan ee noosoo qora qoraalada wax ku ool ka ah amaan gaar ah ayey mudan yihiin waanan ugu hanbalyeynaynaa inay halkaa kasii wadaan iyagoo dadka qaar uga digaya dhibka uu warxumo tashiilku lee yahay.

Qof kasta oo dawlada ku jira ama raba inuu dawlada u tartamo waxa qof kasta u banaan inuu qofkaas si cilmiyeysan baadhitaan ugu sameeyo. Ma’aha in la weeraro qof sharaf mudan oo dadka ku dhex jira.

Waxaad is waydiinaysaa dadka qaar dadsanaa markay samaysteen dhalaalkaa aan dhamaan usoo hiloobayno ee wadamada qurbuhu haysto; waxaa nasiib daro ah in horumar la’taaban karo ayna aabayaasheenii inaga horeeyey ay samaysan kari waayeen. inta ay iyaguna ku loolamayeen fikrado ducfi ah oo qabiil ku salaysan. Kuwan maanta noolina jidjii ayey daba hayaan.

Gabo Gabo:

Horta qof kasta oo iska hadlayaa maanta oo aan u fiirsanayn qoraalka uu qoraayo ha’ogaado in aduunku is badalay wax lumayaa ma jiro. sida aad maanta u hadashay ayaa bari lagula xisaabtami. Jid dheer ayaa sugaya kuwa danaynaya horumarka iyo kuwa ka danbeeya bari. kuwa raba inay wax ka badalaan dhibkan dedkeena haysta.Kuwa sid caadigaha u fikiraya ee dad badani ka hadleen. waxa kale oo haboon in laga foojignaado kuwa ku nool qoqobaha sokeeyaha iyo dadka meel ku wada nool. Sokeeye micnaheedu ma’aha cidaad isku qabiilka tihiin ee waa dadka aad isku fikrada tihiin. waa dadka jiidhku u damqanaayo kuwa ka danbeeya ee raba in da’yarta bari soo kacaysaa hesho tusaale ay ku dayato.Saylicipress Editorial
Saylicpress@gmail.com

F.G. Weli shaqo ayaa ka socota saylicipress haddii aad arki waydo soo noqo markale mida kale waxaad naga heli lughaya.com; Riix (Click) Saylici blog