mahamoud1.jpgMinnesota-(Lug)-Maanta oo ah Febtuary 21 waa maalin UNESCO u aqoonsatay maalinta afka hooyo ee caalamiga waxaa Minnesota ka dhacday xaflad heer sare ah oo gu xusayo afka Soomaaliga.  Waxaa lagu qabtay Xafiiska senator Norm Coleman.  Waxaa xafladdan si wada jir ah usoo wada qabanqaabiyey sanadkan 2008 Senator Norm Coleman oo isagu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu marti galiyo xuska af Soomaaliga  iyo Naadiga qalinlayda iyo hal abuurka SomaliPEN.
mahamoudd.jpg

Magaca SomaliPEN waxaa ku hadlay wakiilkooda Minnesota oo ah qoraaga weyn ee  Anwar Maxamed Diiriye oo ka warbixiyey sida ay ku timid in February 21 loo aqoonsado maalinta caalamiga ee afka hooyo.  Waxaa kale oo goobta ka hadlay abwaanka weyn ama macalinka weyn ee Siciid Saalax oo ka war bixiyeyey  taariikhdii iyo iyo halgankii uu soo maray qoraalka afka Soomaaliga iyo habaca hadda ku yimid.
 
Senator Coleman waxaa uu rasmi ah tacsi ku saabsan abwaanka weyn ee dhowaan geeriyooday Allah ha u naxariistee Marxuum Xasan Sheekh Muumin ugu gudbiyey fanaanadda weyn ee Hibo Nuura oo uu adeer u yahay iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed.
 
Caruurtii ay dhaleen abwaanada Soomaaaliyeed ee ku nool Minnesota oo kala ah Deeqo Maxamed Ali Kaariye iyo Absame Maxamuud Cabdillaahi Ciise Sangub ayaa aad u taageeray xuska maalinta afka hooyo iyo dhamaan dhaqanka soomaaliyeed

Xogta: Xafiiska Senator Norm Coleman