Borama-(Lug)-Waftigan ayaa waxa uu ka kooban yahay Xubno ka tirsan Komishanka,Golaha Guurtida,Axsaabta Qaranka iyo Wasaarada Arimaha Gudaha.
Shabakada Wararka ee Lughaya News oo ay u suurto gashay inay la kulanto Waftigan ayaa ugu horeyn wax ka waydiiyay Gudoomiyaha Komishanka ujeedooyinka safarkiisa waxana uu tilmaamay inay u yimaadeen halkan inay magacaabaan labo gudi oo kala ah
Gudiga doorashooyinka iyo Gudiga Diiwaangalinta ee Gobolka iyo Degmooyinka.
Waxaana uu intaasi ku daray inay ku sugnaan doonaan Magaalada Borama ilaa Habeen dambe ayna isla markaasna ay la kulmi doonaan maalinta Bari ah Siyaasiyiinta Xisbiyada Qaran,Maamulka Gobolka,Culumaa’udiinka iyo qaybo ka mid ah dadwaynaha.
Mar wax laga waydiiyay Gudoomiyaha sida wakhtigan kooban ee maalinta qudha ah ay howlahaasi oo dhan ugu qabanayan ayaa waxa uu tilmaamay inay howshu tahay mid fudud waxaan la kulmaynaa Maamulka,Axsaabta iyo Waxgaradka , waxa aan u sheegaynaa waxa aan u socono iyo xubnaha aan doonayno in la dhiso waxaanan ku dadaalaynaa inaan Magacowno xubno la isla gartay oo raali laga wada yahay kuwaasi oo aah indheer garad.
Sidoo kale mar ay Lughaya News markale waydiisay in wakhtigan kooban ay ugu talo galeen inay magacaabaan mid hoosta ay ku wataan oo u sii calaamadaysan ayaa waxa Gudoomiyaha waxa uu yidhi Anagu cidna jeebada kuma wadano ee iyaga ayan hor dhigaynaa inay iska soo saaraan mid mudakar ah hadiise ay soo saari waayaan waan ku dhex jirnaa anaga ayaa soo saari doona.
Waxaa kale oo Gudoomiyuhu sheegay mar hadii wakhtigu uu ku yaraado ay xaga dambe ka biirsan doonaan.
Waftigan ayaa waxaa uu u kicitimi doonaa Badwaynta Saylac,Baki iyo Lughaya waxaana ay howshani wadi doonaan Mudo 10 cisho oo ay u qorsheeyeen in 23 degmo ee uu dalku ka kooban yahay oo dhan ay ka suurto galiyaan in laga dhiso Gudiyadii doorashooyinka ee diiwaan galinta.
Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wafti Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gudiga Komishanka Qaranka Maxamed Yuusuf Axmed Ayaa Xalay Cawaysnimadii Soo Gaadhay Magaalada Borama. "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply