Borama-(Lug)-Shir Jaraa’id oo uu maanta qabtay Suldaanka Beesha Reer Nuur Suldaan Saleebaan Cali oo ay hareero joogeen Salaadiin iyo Cuqaalkale oo ka tirsan Beeshaasi iyo Musharaxa Jagada Madaxwayne ku xigeen-nimada ee xisbiga Kulmiye Ismaaciil Muumin Aar iyo waxgarad kale ayaa si kulul uga hadlay Mowqifka Beeshiisa ee ku aadan Magacaabida xunbaha noqon doona Madaxda Gudiyada,Diiwaangalinta iyo Doorashooyinka ee Gobolka Awdal iyo Degmooyinkiisaba.
Suldaanku mar uu ka waramayay Arintan oo uu ku tilmaamay mdi Xaq daro ah ayaa waxa uu yidhi waxan la magacaabay ma aha waxii aan ku heshiinay waxaanan u aragnaa xaqdaro ilama aha wax la aqbali karo mana aqbalayno reer Nuur ahaan.
Waxaa kale oo uu suldaan ku sheegay in Liiskani inuu ka biyo diidsan yahay Liiska wax lagu magacaabay oo uu tilmaamay inay suurto gal tahay inuu yahay mid hore loo qorsheeyey oo lagaga tashaday uun Maamulka Gobolka.
Waxaana uu yidhi Liiskani waa mid la soo qorsheeyey oo aan u adeegayn danta beesha Reer Nuur sidaasi darteed kuma kalsoonaan karayno.
Ilaa iyo hada liiskan cusub ee la magacaabay ayaa waxa xubnaha ku jira ee ka soo Beesha reer Nuur ay tiradoodu dhan tahay shan waana taas mid ah ka biyo diidsan yihiin Salaadiinta Beesha reer Nuur waxaanay wararku sheegayaan inay waxgaradka Beesha reer Nuur galinkii dambe ee Maanta shir Balaadhan Madaxa Is darayeen taasi oo ah mid ay kaga arinsanayaan mowqifkooda ku aadan Gudidan la magacaaban.
Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf.
Lughaya News-Borama.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Beesha Reer Nuur Oo Ka Biyo Diiday Sida Loo Magacaabay Xubnaha Golayaasha Diiwaan Galinka Iyo Doorashooyinka Gobolka. "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply