Boorama-(Lug)-Duqa degmada Saylac ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Hotel Borama ee Magaalada Borama ayaa waxa uu kaga waramay ujeedada socdaalkiisan Borama inuu ku salaysan yahay dacwad ka dhan ah badhasaabka G/Awdal ka dib markii uu ku kacay waxyaabo aanu jidhku ogolaanayn sharciguna aanu farin oo uu ka fuliyay magaalada Xariirad oo ka tirsan degmada Saylac.
Waxaana Maayarku isaga oo arintasi ka waramaya uu yidhi” waxaa na soo gaadhay warqad nagu socota oo uu badhasaabka G/Awdal u soo qoray nin la yidhaahdo Siciid Cindi oo hore u ahaan jiray Madaxa Tuulada Xariirad taasi oo ujeedadeedu ahayd in lagu wareejiyo Maamulka Biyaha ee Magaalada, Anaguna arintaasi khalad baan u aragnay waana taasi taan u nimadnay caasimada Gobolka”.
Mar uu ka waramayay Maayarku xidhiidhka wada shaqaynayd ee ka dhexeeya Badhasaabka ayuu yidhi “Badhasaabka Talo iyo Tusaale ayuu nagu leeyahay mana ogolin in uu isagu cid noo soo magacaabo”.
Mar uu Maayarku ka waramayay Arintan Muranka dhalisay ee la xidhiidha Biyaha Xariirad ayaa waxa uu tilmaamay ina y Magaalada Xariirad Biyo la’aani la soo daristay Dhowr Bilood ka dib markii mushiinkii hore ee u saarnaa Ceelka uu xumaaday isla markaana Golaha degaanka ee degmadu ay dadaal ka galeen si oo ay Mushiin ka soo fureen Magaalada Xariirad si dadka loo waraabiyo, waxaana uu intaasi daba dhigay in isaga oo ku maqan Djibouti uu mar kale xumaaday Mushiinkii ay keeneen isla markaana lagu rakibay ceelkii mid ay leedahay Shirkada Telesom Isla wakhtigaasi uu Siciid Cindi yimid Borama halkii uu ka iman lahaa magaalada Saylac ee xarunta degmada.
Mar uu ka waramayay Wakhtigii uu khilaafkani soo bilaabmay ayaa waxa uu yidhi 29/07/2007 ayuu badhasaabku warqad la mid ah tan soo qoray oo uu ku sheegayo in ninkan (Siciid Cindi) lagu wareejiyo Biyaha Saylac wakhtigaasina waan ka diiday sabobtoo ah Saylac gole degaan ayaa ka taliya,Siciid Cindina waa ninkii hore u baabiiyay Biyaha Magaalada Xariirad arintan imikuna taasi ayay daba socotaa.
Mar uu ka waramayay dareenada ay ka bixiyeen Waraaqahaasi ayaa waxa uu yidhi “16/02/2008 ayaan qoray warqad aan ku casiley Siciid Cindi mar hadii uu u hogaansami waayay Maamulkayagii isla markaana aan raaciyay in la soo xidho Siciid Cindi waxaanan ku lifaaqay warqad aan ku magacaabayo Jaamac Ciye”.
Isagoo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Badhasaabka ayaa durtadiiba ka soo jawaabay Wasiirka Dalxiiskuna wuu nala soo hadlay waxana ay yidhaahdeen Faraha ka qaada Siciid Cindi isaga ayaana u madax banaan waxa uu samaynayo”.
Intaasi ka dib waanu shirnay Golaha degaanka ahaan Arintana faro dhaaf ayay noola muuqatay waxaanan qornay warqad ay ku saxeexan yihiin 12 Xildhibaan oo Golaha degaanka Degmada Saylac ah waxaanay nala tahay in Badhasaabku uu naga daayo Faro Dhaafka ama uu xilka Si sharaf leh nagala wareego waxaanan Codsanaynaa in Badhasaabku uu ka noqdo Arintan hadii aan Anagu khaladan nahay waxaan arintayada u soo bandhigaynaa Salaadiinta iyo Cuqaasha Gobolka jirta waxaanan cadaynaynaa in aanan reer-nimo isku haysan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa uu Maayarku hadalkiisa ku soo gabogabeeyey in uu Badhasaabka markii ay is arkeen uu ku yidhi ku noqo degmadii isla markaana uu ka diiday arintaasi sabobto oo ah ayuu yidhi “Kuma noqon karo degmo aanay taliyaheedii Booliisku iyo Maamuladii jirayba iga Amar qaadanayn waxaanan ku noqonayaa marka uu Badhasaabku Xal u helo Mushkiladan uu isagu abuuray.
Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maayarka Degmada Saylac Oo Ku Eedeeyey Badhasaabka G/Awdal Inuu Ku Kacay Falal Bini’aadam-nimada Iyo Sharciga Ka Baxsan Oo Uu Ka Fuliyay Degmada Saylac. "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply