Borama-(Lug)-Ururka samafalka ee magaciisa loo yaqaano Amoud Foundation ayaa wakiilkiisa gobolka Awdal Md.C/Wahaab Maxamuud Cige waxa uu maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hutei Rays ee magaalada Boorama faahfaahin kaga bixiyey raashin deeqa ah oo ay hay’adiisu gaadhsiiyey dadkii dhawaan ay duufaantii roobabka wadatay ay ku waxyeelaysay deegaano ka mid ah degmooyinka Saylac, Lughaya iyo Baki.
C/wahaab waxa uu ugu horayn ka hadlay in uu maalmihii ina soo dhaafay oo dhan ku maqanaa deegaanadaas, waxaanu sheegay in uu tagay markii ugu horaysay 20/02/08 una halkaas ku sugnaa ilaa 24 bishan febraury oo uu yidhi marka hore waxaan sahan ama u kuur galid ku samaynayey in aan ogaado waxyeeladu inta ay le’eg tahay runtiina dhibaatada meesha ka dhacday waa mid wayn oo u baahan kaalmo balaadhan oo inta yar ee ilaa hada la geeyey waxba kama tarayso ayuu yidhi Cabdi wahaab, waxaa kale oo uu intaas ku daray waxyaabaha la yaabka lahaa ee aan arkay waxaa ka mid ahaa ayuu yidhi in ay jireen dad ay ka dhamaadeen dhamaanba wixii ay xoolo haysteen oo aan maanta haba yaraatee waxba ka hayn, kuwa ay wax ugu hadheena ma ah kuwo wax laga manaafacaadsan karo oo qofka wax ugu filan, waxaa kale oo uu sheegay in goobaha dhibaatadu ka dhacday la tira koobay dadkana laga codsaday in ay isugu soo ururaan 29 goobood ama tuulo si ay u fududaato wax qaybintu, waxaana gargaarkan nidaamiya oo hay’adaha meelaha ay gaynayaan u tilmaama gudiga AKNA oo hawshaas u xilsaaran, waxa uu cabdiwahaab intaas raaciyey 24kii bisha in ay iyagu (AF) ahaan ay u qaybiyeeb dadka degan laba tuulo oo deegaankaas ka mid ah lana kala yidhaahdo Dhamasha 85km ka xigta dhinaca bari Garbodadar iyo tuulo kale oo loo yaqqano Teeda hadase ku caan ah Toora-Boora 15km dhinaca galbeed ka xigta taa hore raashinka aan gaynayna waxa uu ahaa 300 oo kiish oo Bariis ah iyo sadex boqol oo caag oo saliid ah, waxaa sheegay in ay si fiican dadkii ugu qaybiyeen oo aanu wax buuq ah ama rabash ah aanay ka dhicin meesha, waxaa kale oo cabdi carabka ku dhuftay in ay jiraan barnaamij loogu talo galay dadka xooluhu ka dhamaadeen in xoolo loo gado inkasta oo uu yidhi kaasi wali waa la daraasaynyaa wax aan diyaar ahayna in aan sheego ma fiicna dabcan loomana iibin karo dadkii xooluhu ka dhamaadeen xoolahoodii kuwo la mid ah.
waxaa kale oo uu sheegay in ay dawladu dhamaanba dhulkaas wada gaadhsiisay raashin oo ay 29 gooboodba u qaybisay mar hore has ayeeshee wali baahidu waa jirtaa waxaana loo baahan yahay in wax wayn dadkaas loo taro
Wariye:-
Caafi & Xasan
Lughaya News-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hay’ada Amoud Foundation Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay Meelihii Ay Dhibaatadu Ka Dhacday. "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply