Maansadan gaaban oo ah baraarujin duruufaha bulshadii awdal qayb ka mida la soo gudboonaaday taasi roobabkii duufaanada watay eek u habsaday dadkii iyo duunyadoodii iyo in Alla bari midaysan la sameeyo oo Ilaahay loo baryo badhaadhe iyo badel fiican iyo samir iyo adkayso loona muujiyo  walaaltinimo,taakulayn iyo naxariisba.

Runtii gabaygan waxa aan u tiriyay codsi aan ka helay saaxiibkay  Allaale Cabdilaahi Allaale.

Waa Tan  MaansadiiBulshadii dhulkaygoow
Barbaartii dadkaygoow
Bildhaantii samaantow
Alle barakadiisaan
Ku soo waa bariistee
Barinaye ma barideen
===================
Baki saylac boorama
Lughayiyo boggeediyo
Buurahaa sintoodiyo
Dooxii bariisliyo
Buqdhadii ilgoray iyo
Caada beeraheedii
Boon iyo gargooray
Garbo dadar boggeedii
Bulshadii ku noolayd
Baraf baa badhlaayoo
Cudurana ku beeroo
Duun yadiina baal tiray
Baahina dadkii biday
Duurjoog bahdeediyo
Biciidkiina dabarjaray
Balan baalistii dilay
Waayeelna bacadkiyo
Baladkii darxumo iyo
Dumarkii baroor biday
===================
Barbaartii dadkaygoow
Bustaantii akhyaartoow
Boqorkaa awoodlee
Bisinkaa quraankiyo
Baabacooyinkoo furan
Baryadeena oo mida
Barqo tahay dharaartuna
Barxad maw dareenaa
Rabbi maw bariinaa
Halmar maysku beegnaa
“Ilaahow badhaadhiyo
Badel kii ka rooniyo
Biyo caano oo kale
Beeruhu ku fiilaan
Baadkuna ku soo baxo
Xooluhu ku bokhokhaan
Caruurtuna busaylaan
Balayadu butaacaan
Barbaartuna dabaashaan
Dumarkuna bishaarada
Jabbo ay biyeeyaan
Sanjabiil ku biirshaan
Indhihii bildhaantiyo
Aragii bilaabaan
Bulshadii dhammaantood
Balaayadii iloobaan.


Khadar  Abdi    Khaire
BBA (Amoud University)
MBA student at moment
Dhaka, Bagladesh
khadarcago@hotmail.com