Waxaad la wada socoteen in sannadkii innaga tegay qaybihiisii danbe aad loogu howllanaa ururinta wixii loogu magac daray tabarrucii garoonka Biroole ee ku yaal Borama, iyada oo xamaasad iyo caadifad wakhtiyeed lagu abuuray muwaadiniinta reer Awdal ee ku nool qurbaha ee jecel inay dalkooda wax u qabtaan haddii ay helaan dad daacad ah oo gaadhsiiya ama meel lagu kalsoonyahay oo ay wax u mariyaan.
Haddaba tabarrucaasi garoonka Biroole waxa uu si xooggan uga socday dhammaanba qaaradaha Yurub, Maraykan iyo meelo ka tirsan bariga dhexe muddaddii uu socdayna waxa uu u muuqday mid laysku raacsanyahay oo daacad laga yahay haseyeeshee waxaa goor danbe soo ifbaxay in mashruucaasi la siyaasadeeyay oo dano gaar ah laga lahaa.
Mashruucan waxaa Maraykanka uga wakiil ahaa ninka la yidhaahdo Maxamuud C/Laahi Rooble(Colombo) oo ah masuulka webstika Saylac news, dalka Sweden-na waxaa u joogay oo qurbe-joogta reer Awdal ee halkaasi deggen si jogto ah u soo dhex-mari jiray ninka la yidhaahdo Jowhar Cabdi Samad Qalinle oo websiteka Harowo wax ku qora, halka uu Norwayna lacagta garoonka uga ururin jiray ninka la yidhaahdo Dacawo.
Lacagtaasi waxaa laysku ogaa marka ay gaadho intii lagu ballansanaa in Borama loo diro oo howsha garoonka la bilaabo, mar waxaa jirtay markii ay lacagtii dhamaystirantay qaar ka mid ah xubnaha lacagta ururinayay ay soo jeediyeen in lagu daro mashruuca jidka Dila iyo Borama, balse waxaa ka mid ahaa raggii sida kulul aragtidaasi u horjoogsaday Jowhar Qalinle oo ku guulaystay inuu aqlabiyadda tabarruc-ururiyaasha kasbado.
Waxaa yaab ah in muddo ku dhow 3 bilood ba lala aamusay mashruucii garoonka oo aan la garanayn meel uu ku danbeeyay, xamaasaddii ku meel gaadhka ahaydna mar kaliya uun ay dantay, islamarkaana hadal iyo hugun toona laga waayay nimankii mashruucan caynaanka u hayay.
Waxaase la sheegayaa in mashruucan oo ay hoggaanka u hayeen Maxamuud C/Laahi Rooble iyo Jowhar Cabdi Samad Qalinle oo wadaaga xidhiidh qaraabonimo uu ahaa mid looga dan lahaa in lagu taageero musharaxa M/xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan Aw Cali Farax oo ay is xigaan nimanka mashruuca isku xilsaaray ee kala ah Maxamuud (Colombo) oo deggen Seattle-USA iyo Jowhar C/Samad Qalinle oo illaa waagii uu curtay xisbigii ay dabayshu qaadday ee ASAD isku xiijin jiray badhi-gantaalidda Cabdiraxmaan Aw Cali oo ku xigeen ka ahaa xisbigaasi.
Si kastaba ha ahaatee arrintani waxa ay noqon doontaa mid meesha ka saarta qurba joogga reer Awdal oo dib isku aamina, waxayna inna dhaxalsiin doontaa kala fogaansho iyo kala daadsanaan ayna maanta dani innoogu jirin, haddii ayna arrimahan la isla dhexmarayo waxba ka jirin oo lacagtii garoonka wali la hayana waxaa daruuri ah in sida ugu dhakhsaha badan dhismihii garoonka loo billaabo, si uu tuhun kasta oo ayna dani innoogu jirin meesha uga baxo.
Waxa kale oo dhowr jeerba dhagxaan dhigtay garoonka Afada Madaxwanye Rayaale marwo Huda Barkhad Aadan oo ku ballanqaaday inay dhisi doonto garoonka, waxaana la odhan karaa waa arrinta fududaysay in lacagtan lala aamuso oo saxaafadda iyo shacbigaba loo jaakidho haddii ay sida ay xantu u socoto wax u jiraan, waxaase loo baahanyahay inay walaaleheennii mashruuca sida sharaftale ugu guntaday maanta innaga qanciyaan halkii ay wax mariyeen iyo waxay damacsanyihiinba.
Ugu danbayn anigu haddii inuun wax la iga qorayo waxaan kula talin lahaa ummadda samaroon inay madaxwayne Rayaale ku dabo faylaan ama ciddii kale ee ay barnaamijkeeda ku qancaan ee aan C/raxmaan tollaawe ahayn.
Maxaayeelay C/raxmaan Aw Cali wali lama illaawin dadkii uu laayay ee madax iyo shacab ba lahaa, sannadkii inna dhaafay mar uu Ingiriiska tegay oo la waydiiyay qabiilkiisa waxa uu ku jawaabay “anigu waxaan ahay wiil ay (SNM) dhashay oo aan reer lahayn”, markaa ilaahay baan idinku dhaarshee ninka noocaas ah ee innaga faanaya ee sheeganaya ina (SNM), miyuu istaahilaa inaynu cod iyo taageero siinno? Isaguse indho adagaa marka dadkii uu dorraad laayay ee uu shalay ka faanay maanta I doorta leeyahay.
Cabdiraxmaan Aw Cali inkasta oo uu wakhtiyadii uu ardayga ahaa ee waxbarshada ciidanka ku jiray ahaa nin geesi ah oo loo hanwayn yahay oo ciilkii uu ka qaaday maamulkii Ziyaad ugu biiray SNM, haddana waxaa la sheegaa inay ragonimo ugu danbaysay habeen sida la sheegay ay xubno jabahaddii SNM ka tirsanaa ay sixir u walaaqeen iyaga oo ku sugan meel baadiye ah oo u dhow magaalada Xarshin ee ismaamulka Ethiopia dabayaaqadii sannadkii 1989kii, dabadeena ay biyo ugu dareen oo ay waraabiyeen, waxaana arrintaa soo agaasimay baa la yidhi guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo alle ha u naxariistee Jeneral Xasan Yonis Habane.
Siciid Aadan
Rotterdam, Nederlands.
siciid78@yahoo.com
Fikrada Qoraagu Kama Turjumayso Aragtida Lughaya News


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xagguu Ku Danbeeyay Mashruucii Garoonka Biroole?Maxaa Ka Jira In Lacagtii Garoonka Cabdiraxmaan Aw Cali Lagu Taageerayo Doorashadan Dhow? "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply