Kolay anuu sheegi maayo
Aqoon ini kaafiyaysee
Itaalkaygii tixeed
Ilhaaminta eebahay
Intuu igu deeqaybaan
Afkayga kasheegayaa
Iftiinka usaarayaa
Shabaab andacoonayoo
U,ooman inay gartaan
Abuurka jacayl runtii
Maxaa u,ahaa asaas
Ayaan ujawaabayaa

Afgarashaa lagu dhisaa
Isfahanbuu tiirsadaa
Is,aaminidaa kabtoo
Ixtiraamkaa kasbada
Jacaylka abuuridii
Jacaylka abuuridii
Amaantaa biirisoo
Inaan is adeecna.oon
Ul iyo diirkeed nunahay
Inaa istareex lahelo
Jacaylkay awoodisaa

Hadal ad adayg ahayn
Abaal iiceli ahayn
Runtoo iga qari lahayn
Ilbaxnimo ani ahayn
Istiirsi afkuun ahayn
Aroos been kaa ahayn
Abaabul I,arag ahayn
Adoo uurdaacadaa
Jacaylka abuuri kara

Ogaal guubaaba liyo
Hubsiimo ufiirsi liyo
Indheergarad guur rabaa
Aayaha saadaalin kara
Abuura jacayl gundheer
Anoon inkirayn inay
Albaabadu tira bateen

Manihin ehelkeed runtiii
Ergana wali looma dirin
Hadaan ereygaa qaldamay
Astaqfurulaah ka,idhi

Dhalinta ololaha wadee
Uheelan inay hantaan
Asaagood daacad qaba
Anaanidu yay ahaan
Afkaar aad kuduulaysaan
Siloo helo aaminaad
Afkaa qorshe lagu dejaa
Axdaa lala qaybsadaa
Umad looguma dhex tago
Isbaa loowaaniyaa

Ifkaa dhibta lagu ogyahay
Afuufday kaatidhaa
Irideed laguma xidho
Sidii ubad oo kalaa
Lil mada looga amsaxaa
Jacayl lagu ababiyaa
Hadaad oday maanta tahay
Ushii adigaa hayee
Abuuro jacayl rasmiya

Jacaylkaan abuuri lahayn
Ilmaadeer baan nunahay
Anaa guursanida eed
Aabaa nin isiiyay eed
Islaanbaad noqotay iyo
Oday aan da,I ,uhadhin
Anaa kaatagayda eed
Ameerikadaan jeclahay
Afrikaanimada eed
Adoo lacag sheegashiyo
Adaa jeeb madhahta eed
Afmiishaarbaan u,ahay
Ambaa tahay adigu eed
Ishaara qudhaata,oo
Aduunya kufaanaysiyo
Ana abidkay jeclaa
Jacaylkii maanta eed.
C/fatax Daahir Cige
Mudane_22@hotmail.com
Lughaya News-Cairo