Hargeysa-(Lug)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta Degreeto Madaxweyne Lr 310/032008  Cafis u Fidiyay  Dhamaan Sideed iyo Lixdankii (67)  Maxbuus  ee lagu soo qab qabtay dagaaladii ka dhacay  Laascaanood  iyo Dhaban-saar.
Madaxweynaha JSL Digreetada uu ku cafiyay waxa ay u qornayd sidan:
 
Degreeto Madaxwayne Lr.309/03/2008
Fidin Cafis Maxaabiis 
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland
 
Markuu arkay:  Dastuurka JSL qodobkiisa 90aad
Markuu tixgaliyey:Codsiga Odayaasha iyo wax garadka Beesha
Markuu Xaqiiqsaday:  In ay yihiin Muwadiniin la khalday
Markuu yaqiinsaday:  Inay dalkooda nabad ku joogi karaan
Markuu tixgaliyey:  wada tashigii Masuuliyiinta ay khusayo

Wuxuu go’aansaday
 
Laga bilaabo Taariikhda Degreetadan wuxuu cafiyey dhammaan Sideed iyo lixdanka (68) Maxbuus ee Magacyadoodu ku lifaaqan yihiin oo lagu soo qabqabtay dagaaladii ka dhacay Laas-canood iyo Dhaban-Saar’’.
 
Sidoo kale , Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin  waxa   Degreeto Madaxweyne Lr.310/032008  uu Cafis u fidiyay  dhamaan kow iyo toban (11) Maxbuus  oo Shisheeye ahaa (Majeerteen)  oo lagu soo qab qabtay  Dagaaladii ka dhacay  Laascaanood iyo Dhaban-saar.
 
Digreetada Madaxweynuhu ku cafiyay 11-ka Maxbuus ee Shisheeye waxa ay u qornayd sidan:
 
Degreeto Madaxwayne Lr.310/03/2008
Fidin Cafis Maxaabiis
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland
 
Markuu arkay:  Dastuurka JSL qodobkiisa 90aad
Markuu arkay: Sharciga Maxaabiista Dagaalka ee Geneva
Convention oo banaynaaya in layso celin karo
maxaabiista Dagaalka.  
Markuu Xaqiiqsaday:Inay dan u tahay Gobolka (Geeka Afrika) Xasilintiisa maadaama dhib badani ka jirto Somalia
Markuu tixgaliyey: wada tashigii masuuliyiinta ay khusayso.

Wuxuu go’aansaday
 
Laga bilaabo Taariikhda Degreetadan wuxuu cafiyey dhammaan kow iyo toban (11) Maxbuus ee  shisheeye ( Majeerteen) ee magacyadoodu ku lifaqan yihiin Degreetadan ee lagu soo qabqabtay dagaaladii ka dhacay Laas-caanood iyo Dhaban-Saar.
 
 
                              Allaa   Mahad   leh
 
 
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL