Hargeysa-(Lug)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa galabta gacanta ku dhigay 5 ka mid ah Budhcad Badeeda Maraakiibta Ku afduuba Xeebaha Puntland.
Shantan Nin oo Ciidanka Booliisku ay ku qabteen Magaalada Xadka ku taala ee Wajaale iyagoo doonayay inay u gudbaan Dalka Ethiopia.
Shanta Nin oo sida la sheegay sitay Lacago aad u badan oo Dollar ah waxa caawa la keenay Magaalada Hargeysa .
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mudane C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo caawa ka hadlay dhacdadan ayaa yidhi “Waxa aanu soo qabanay Shan ka mid ah Budhcad Badeeda Maraakiibta ku Qafaasha Xeebaha Puntland kuwaasoo doonayay inay u gudbaan dalka aynu dariska nahay ee Ethiopia,waxana aanu ku qabanay Lacago aad u badan”.
Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa ku dooday in Nimankaasi ay ka war heleen Xalay inay soo galeen Magaalada Hargeysa ka dib howlgal balaadhan oo ay Booliisku qaadeen maanta lagu qabtay Degmada Wajaale.
Cumar Maxamed Faarax
Cumarfaarax2@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ciidamada Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay 5 Ka Mid Ah Budhcad Badeeda Puntland. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback