” Mararka Qaar Daalka Maskaxda Ah Ayaa Ka Dhib Badan Kan Jidhka Waxana Dhici Jirtay In ay Naftaydu Khatar Gasho” Prof. Cawil
“In Ku Dhow 1000 Maalmood Ayuu isku Go’doomiyay In Uu Ka Midho Dhaliyo Qorida Qamuus Aanu Filayn In Uu Noqdo ” The Best Seller Somali Dictionary”
Borama-(Lug)-Waxa hubaal ah in Qaamuuska Aasaasiga ah ee isaga tarjumaya lugadaha Ingriiska iyo Soomaaligu uu yahay midka ugu iibsiga badan (Best Seller English-Somali Dictionary) isla markaana ugu faaiidada badan ee ay isticmaalaan bulshada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogtoba marka ay rabto in ay luqada qalaad ee Ingriisiga hesho micne kalmad walba dhigiisa ah oo Soomaali ah.
Buugaasi oo uu qoray Prof. Cawil Cali Xaashi oo mudo ku noolaa dalka Kanada ayaa waxa shabakada Lughayanews u suurto gashay
in ay ka bogato sheeko aad u dheer uu ku saabsanayd mudadii ku dhawayd 1000ka maalmood ee uu ku mashquulsanaa qorida qaamuuskaasi maalmo ka mid ah sheekadooda.
waxa uu yidhi Prof. Cawil isaga oo ka waramaya sidii uu ku bilaabay qaamuuskaas ” waxa aan Alle uga mahadnaqayaa haybada qoraanimo ee uu igu abuuray taasi oo iga yeeshay in aan wax badan oo luqada ah u fiirfiirsado, waxa igu waynayd in aad bal xal u helo sidii aan isugu tarjumi lahaa labada luqadood ee taydii hooyo iyo tan Ingriiska ee Kanada lagaga hadlo”.Inta uu muujiyay dareen shucuur qoto dheeri ay ka muuqato oo laga dheehan karo wajigiisa ayuu yidhi ” (Burning Fire!) dab ka dhex ololaya gudaha laabtayda ayay arintu igu ahayd mana jirin xal kale oo aan ka ahayn in aan ka midho dhaliyo si aan u qaboobo”.
Waxa aan bilaabay qoridiisa sanadkii 1991kii aniga oo ku sugan Toronto-Kanada, wax yar ka bacdi waxa aan isku wadi waayay qorida Qaamuuska iyo Waxbarashadaydii Kolejka-ka waxana aan halkaasi kaga tagay waxbarashadii, waxa aan isku soo xidhay qol uu aad u yaraa buuqiisu si aan ugu helo qorida meel ku haboon.
Waxan la saaxiib noqday buugta i hortaal, waxa ii wehel ahaa qalinka iyo warqada aan erey walba ku hobsanayo marka uu maskaxdayda ka soo maaxdo, waxa intaasi ii dheeraa duruufo badan oo igu xeernaa oo aan aad u dareemayay in aan halgan la galayo oo ay ka mid ahaayeen Asaxaabta, Ehelada,Dhalinyaronomada,Cimilada, iyo kuwo kale oo nolosha ku xeeran.
Marnaba Prof. Cawil intii uu sheekada ii waday kama jeesan wajigiisan shucuurtu ay ku dheehan tahay, waxana aad dareemaysay in uu kolba kolka ka dambaysa u sii gudbayo xaalado aanan sawiran karin, Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu igu yidhi ” Waxa jirta mararka qaar inta uu daalka jidhka iyo kan maskaxduba kaa bato aad la mid noqoto qof aan iska garanayn,waxaan isku soo uruuriyay Qaamuusyo faro badan oo ku qoran luuqada Ingiriisiga ah waxaanan ugu talo galay inaan inta erey ee badana la isticmaalo aan rugo Somali kama fikirayn inaan hal lahjad oo qudha ku fasiro balse erey waxan isku taxaluujiyay inaan u raadiyo dhow micne oo isdaba yaala oo dadka somalida ah ee kala duwani ku fahmi karaan.
Waxa isaga oo Prof. Cawil aad dareemayso in uu sheekada ii dul xaadinayo si uu iigu soo koobo uu igu yidhi ” Waxii ka dambeeyay dhacdadaas waxa aan bilaabay in aan la macamilo cabida Bunka iskuna diyaariyo si aan ugu guuro meel Toronto ka buuq yar, waanan ku guulaystay oo waxa aan u guuray Vancouver oo ka buuq yar, intaasi ka dib waxa aan halkaygii ka sii ambo qaaday shaqadaydii, waqtigu marka aan wax qorayo waa igu gaabnaa marka aan hurdana waa igu gaabnaa, maalinta aan ugu yarahay waxa aan meel qudha fadhiyi jiray ugu yaraan 8eed saac, maalinta aan ugu dheerahayna waxa ay ila gaadhi jirtay 13-14 saac, si kasta ha ahaatee inkasta oo uu ahaa waqto dheer hadana waxa aan ku gulaystay qorshahaygii sanadkii 1993kii.
Waxa uu ka tagi waayay Prof. Cawil in uu ii xuso inta qof ee garab siisay hadana way badnaayeen oo wuu soo koobi kari waayay waxana uu igu yiri ” Anigu daqiiqad kasta oo ay dhacdo in qof Soomaaliyeed uu ka faa’iidaysto Qaamuuskaas waxa ay iila qiimo tahay oo aan ku kabaa dadaalkii, cidladii iyo fekerkii dheeraa ee aan u soo maray qoridiisa waxanan arintan u hibeeyaa intii qof ee i caawisay, i dhiiri galisay, i taageeratay, ii adeegtay aniga oo mashquulsan,iina noqotay fududeeye, ugu dambayntiina ii suurto galiyay in aan damiyo Dabkii ka dhex baxaayay laabtayda.
Prof. Cawil wixii ka dambeeyay sanadii 1993-kii ayuu dib ugu soo laabtay majaraha waxbarashada waxana uu Degree-giisii u horeeyey ku diyaariyay dalkaasi Kanada halkaas oo uu uga wareegay wadanka Maraykanka oo uu ku soo Diyaariyay Degree-giisii Mastarta waxana uu ku takhasusay Luqadaha. Waxa uu u soo wareegay Prof. Cawil Jaamacada Zayad ee dalka Imaaraatka Carabta halkaasi oo uu wax ka dhigo kuna nool yahay.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maalmo Ka mid Ah Maalmihii Lagu Mashquulsanaa Buuga Soomaali Qoray Ee Ugu Iibsiga Badan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback