rayalle.jpgBorama-(Lug)-Maanta oo kale sannadkii  2002kii ,nin kastoo joogay dalka Soomaaliland ,gaar ahaanna G/Awdal  waxa uu xusuusan karaa sidii waagaa Soomaaliland shicibkeedu ka ahaayeen dhinaca nolosha ,dhaqaalaha ,iyo xidhiidhka dawladdii waagaa jirtay iyo dadweynaha Soomaaliland ,halka maantana  cid kasta oo joogtaayi garan karto fakhriga,dhaqaale darada,iibka xoolaha ee ninka carabka loo xidhay ,iyo mustaqbalxumada dhalinyaradii dalkan ku kelliftay maanta inay dalka uga cararaan shaqo la’aan ,iyo rajoxumada kasoo socota Soomaaliland  oo Daahir Rayaale sii xukumo,waxayna sidii reer Xamarka  isku biimeeyaan doonyo an meelna gaadhsiinayn oo badda dhexdeeda ku daadiya.
 
Wakhtigan oo kale isla waagaasi ,waxay reer Soomaalilandtii ka hadhay Marxuum Cigaal  ee uu dhaxlay Daahir Rayaale ,isku diyaarinayeen doorashooyin keeni kara isbeddel iyo horumar  iyo waa cusub ,iyagoo wakhtigaa maanka ku hayey  in kursiga dalka ugu sarreeya la keeno  nin ka  yimaadda ama laga keeno gobollo ka baxsan kuwii shicibkeedu SNMta taageri jiray , si an caalamku ugu arag in Soomaaliland tahay meel qolo keliya kursigeeda madaxweynenimadu u xidhanyahay .Waagaa ay u diyaar garoobayeen  doorashooyinkii ugu horreeyey ee ka dhaca Soomaaliland tan iyo markii ay ka xorowday Soomaaliya inteeda kale ,ayaa ahaa tijaabo ahayd bal in wax la dooran karo iyo inaan wax la dooran karin ,waxana caalamka la tusay in wax la dooran karo ,Soomaalilandna ay tahay  dal dimuqraadi ah .Kaddib doorashooyinkii golayaasha degaanada ee wakhtigoodii maanta lagasoo gudbay ,ayaa dhinaca kale waxa loo diyaargaroobay tijaabo kale oo ku saabsnayad doorashada madaxweyne an ahayn beelihii taageeri jiray SNM.
 
Rayaale oo waagaa ahaa madaxweyne kumeel gaadh ah  ayaa bishii April ee sanadkii 2003dii loo aqoonsaday madaxweynihii u horreeyey ee kasoo baxa Gobolka Awdal.

Su’aasha la isweydiin karo ayaa ah reer Soomaaliland ma gaadheen ujeedadii  ay ugu hiiliyeen Rayaale uguna doorteen inuu dalkan aqoonsi caalami ah u helo,horumarna gaadhsiiyo .Cid kasta way garan kartaa jawaabta su’aashaasi .
 
Waxa kale oo uu Rayaale ku dhaartay markii xilka loo dhaarinayey inuu daacad u ahaanayo dadkiisa iyo dalkiisa ,isla markaana uu ku maamulayo caddaalad ,jawaabta dhaartaasi inuu fuliyey iyo inaanu fulinna  cidkastaa ka jawaabi karta,ilaahaybaana ka abaalmarin runtii ama beentii uu waagaa shicibka u sheegayey inuu fuliyey iyo inaanu fulin.

Mar kale ayaa xamaasaddii siyaasadeed ee dalka soomaaliland dib usoo laabatay ,shan sano kaddib markii uu Rayaale xukunka qabsaday .Su’aasha la isweydiin karaa waxay tahay Rayaale  reer Soomaaliland ma ka kasbaday in dib loogu doorto madaxweyne?Rayaalese ma heli doonaa taageeradii an kala hadhka lahayn ee reer Soomaaliland ugaga hiiliyeen  hoggaamiyayaasha axsaabta Muxcaaradka ah  ee kula tartamaysay doorashooyinki madaxweynenimada ee lasoo dhaafay /  ,maantana diyaarka u ah inay kula tartamaan?Beelihii taageeri jiray Halgankii lagu ridayey Siyaad Barre  mar kale ma dafiri doonaan guushii  la tuhunsanaa in xisbiga Kulmiye kaga guuleystay  Rayaale ?qurbajoogga reer Soomaaliland maxay ka yeeli doonaan booqashooyinka Rayaale ugu imanayo?Guurtidu muddo kordhin ma ugu samayn karaan dagaalka lagu xoreynayo Sool  ee nabad lagu xoreyn waayey?

Salaadiintii ,cuqaashii ,guurtidii ,iyo waxgaradkii  ku khasbay Axmed Siilanyo inuu guuldarro qirto mar labaad ma ku khasbi doonaan ,mise doorkan wuu iska celin doonaa?Jawaabaha su’aalahaasi  waxay iman karaan markay  ogaadaan in Rayaale  iyo xukuumaddisuba daacad ka yihiin doorashooyinku inay dhacaan wakhtigoodii ,taasoo imika mugdi badani saran yahay ,horena dib loogu dhigay markii axsaabta mucaaradku u nuglaadeen sasabaha xukuumadda iyo xisbiga UDUB.
 
Dad badan oo reer Soomaaliland ah ayaa maanta jecel in dalkan la daba qabto,sabatoo ah bay leeyihiin Rayaale waxa uu lix sano ka badan u qaban waayey  toban sano oo kale hadduu sii fadhiyo inaanu waxba qabanayn,i xukunka Rayaale  oo sii daba dheeraadaana wax u dhimi karto nabadgelyada  dawladdu haatan ku faanayso balse shicibku gacanta  ku hayo haddii  xaaladda nololeed iyo baahida dadweynuhu xadkeeda dhaafto waxna dawladdu ka qaban weydo.
 
Qaar badan oo shicibka Soomaaliland ah ,ayaa og xaaladda dalku marayo ,kuwaasoo ku baaqaya in  la gaadhay wakhtigii xukunka Rayaale lasoo afjari lahaa .Waxayna aaminsan yihiin in  si kastaba ha u dhacdee ,haddii Rayaale xukunka sii haysto,Soomaaliland noqon doonto dal haawanaya  cid kasta oo  ka baxsan karaysaana ka baxday ,intii ilaahay ku dilayaana ugu dhimato macaluul ,iyo cudurro .,marka la eego xaaladda nololeed ee reer Soomaailand maanta,marka laga reebo qaybaha dadweynaha ee dadkooda debeduhu quudiyaan  ,lama odhan karo belaayo ayaa u hadhay.Lacagtii  Rayaale ka dhaxlay marxuum Cigaal  ,shilin soomaalilandkii ee dalkani lahaa ayaa maanta la laayahay meel ay martay ,lana ogyahay inay gacanta ugu jirto dawladda lana tuhunsan yahay inay  codadka dadka baahan  ugu talo gashay inay ku iibsato haddii ay dhacaan doorashooyin ay ka qayb geli doonaan gobollo cusub ,oo baahan ,iyo degmooyin lagu magacaabay nidaam qabyaaladeed iyo doorasho ku raadin.
 
sicirbararka dhacayna wuxu keenay in masaariiftii debedaha looga soo diri jiray qoysaska Soomaaliland waxba u goyn laadahay ,adhigii muwaadinku sida xorta u iibgeysan jirayna meel u  u iibgeeyo ma haysto,boqollaal dhallinyaro ah ayaa badda isku daadinaya.

Ugu dambayntiina ,su’aasha meesha taalla waxay tahay reer Soomaaliland ma aqbali doonaan duruufaha maanta taagan  ee dhinacyada siyaasadda ,dhaqaalaha ,iyo nolosha bulshadu  inay sii socdaan ,mise maanta way ka tashan doonaan shanta sannadood ee soo socota inay nolo tani dhaanta ku noolaadaan?.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyne).
Lughaya News-Borama.