Borama-(Lug)-Waxaa Hambalyo iyo Bogaadin ay naga soo gaadhay Beesha Garba Dadar waxaanay Hambalyadaasi u dirayaan Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Magacaabistii uu u magacaabay Garbo dadar inay noqoto Degmo isla markaasina ka mid noqoto Gobolka Cusub ee Salal.
Taasi oo ay tilmaameen in mudo badan Beesha Degmada Garbo Dadar ay sugayeen in laga aqbalo codsigoodii mudada dheer socday kuna dalbanayeen in degmo laga dhigo taasi oo ay aad ugu faraxsan yihiin dadka ku nool degaanka Garbo dadar.
Waxaanay Duqayda,Waxgaradka,iyo Dhalinyaradu ay balan qaadayaan inay ka soo bixi doonaan Xilka Cusub ee la saaray Bulshada Garbo dadar oo aanay waxba kala hadhi doonin kuna dadaali doonaan inay noqoto degmo Iskaafida oo gaadha heer qiimayn iyo shaqo iyo wax qabadba hanata.
Waxaanay Hambalyadoodaasi raaciyeen inay balan qaadayeen in degmada Garbo dadar ee cusub ay fulin doonto shuruuradaha looga baahan yahay degmo ahaan dhinaca dhaqaale iyo Maamulba iyadoo waliba aan ku dadaalayno inaan Gobolkana arimihiisa kaalin firfircoon ay ka qaadan doonaan dadka ka soo jeeda deegaanka Garbo dadar ee ka tirsan gobolka Salal.
Madaxwaynaha waan ka gudoonay Hadyada Qaaliga ah ee magacda qadiyada Garbo Dadar waxaana ka mid dadka Hambalyada Diraya:-
Xildhibaan Diini C/laahi Hande.
Suldaan Ciise Cilmi Geedi (Ciise Dhameeye).
Caaqil Xuseen Cilmi Towlane (Xuseen Quulle).
Caaqil Axmed Xasan Araye.
Caaqil Muuse Cabdi Aadan (Food Cade).
Caaqil Maxamed C/laahi Cilmi (Kalluunle).
Caaqil Siciid Maxamed Cali.
Caaqil Nuux Jaamac Aye
Caaqil Maxamed Qalinle.
Caaqil Maxamed Ibraahim Hufane.
Caruus Cumar Araye.
Nuux Cabdi Aadan.
Xuseen Cali Qolombi.
Maxamed Ibraahim Hufane.
Maxamed Maal Suldaan.
Wariye:-
Abokor Hassan Affi.
Lughaya News-Borama.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Waxaa Baryahanba Websiteka Lughaya Soo Gaadhayay Hambalyooyin Loo Dirayo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback