Hargeysa-(Lug)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa manta daboolka ka qaaday in maalinta Axada ee fooda inagu soo haysa la bilaabi doono wejigii ugu horeeyay ee loogu gurmanayo dadka abaaruhu  ee gobolada dalka, waxana uu sheegay in xukuumad ahaan ay bixin doonaan 270 kun oo dollar, oo loogu talo galay in biyo iyo raashin loo siiyo dadkaasi.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sidaasi ka sheegay  ka dib markii manta kulan saacado badan qaatay uu la yeeshay Haa’yadaha samofalka ee dalka ku sugan, waxana uu yidhi “Markaa hay’adihii  waanu isugu yeedhnay , waxana aanu dalwad ahaan go’aansanay  ugu dambayn maalinta Axada in Hargeysa  laga baxo , xataa haddii ay kelifayso in aan  anigu baxo ,  oo sidii dadkaas biyo loola gaadhi lahaa aanu isku dayno , waxay  marayaan xoolihii heer aanay dhaqaaqi karin , imika waxa la ii sheegay  in  gobolka  Sanaag in  dad badani  ay ka soo hoydeen  xoolihii , hay’adihii  waanu la hadalnay  oo wanaag xafiiska isku  haysana ee aanu leenahay  miiska  ka kicimaysaan ilaa aad  wax balan qaadaan’’.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlayay baaxada abaaraha waxa uu yidhi“Kolay haddii aanu  nahay guddidii taakulaynta gobollada  Bari mudaba waanu ku jirnay  ururinta  deeqaha  , waxana aanu ugu  tallo galnay  in wax loogu  qabto gobolada  Bari , laakiin wixii aanu ururinay  waxa ku soo beegmay abaaro khatar ah oo xoolihii way dhaaftay oo dadkii ayay maraysaa , markaa dawlad ahaan  waanu isku  tagnay oo lacagtii aanu  dadka ka ururinay waxa aanu ka soo qaadnay 100 kun oo Doollar , miisaaniyadii 2007  waxaanu ka soo  qaadnay 170 kun Doollar , 270 kun ee Doollar ayaanu ugu tallo galnay  inaanu kaga qayb qaadano wajiga hore ee Abaaraha”.

“Waxaanu  u qaybinay laba qaybood  Hargeysa iyo Awdal  waanu is raacinay  waxa aanu  ka dhignay qayb gurmadkeeda , 4 gobol  ee barina waxaan la  dhignay qayb , gobolka  xooga la saarayaa waa gobolka  Sanaag , waana gobol aad u  balaadhan 40% waxa aanu  bixinayno waxa la gayn doonaa Sanaag’’ Ayuu intaasi ku daray Madaxweyne ku xigeenku.

Sidoo kale, Haayadaha Candle light iyo CCS, ayaa sheegay in ay gurmadka abaaraha kaga qeyb galayaan 13 kun oo foosto oo biyo ah, oo loogu deeqayo shacbiga ku dhaqan gobolada bariga Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Cumarfaarax2@hotmail.com