Borama-(Lug)-Badhasaabka G/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige oo isagu ka hadlayay Xaflad loogu talo galay Todobaadka TB oo lagu qabtay Hotelka Rays ayaa maanta si kulul u cambaareeyey Saxaafada Gobolka waxaa uuna ku tilmaamay inay Suxufiyiintu yihiin kuwo aanan hadalkooda ka fiirsan waxa uuna yidhi “Baryahan dambe kuwo yar yar oo meelahaas ka had hadla oo Saxaafada ah ilaahay Caqliga ha u soo celiyee ayaa waxa ay qoreen wax aanu qorayn qof damiir lihi,Anshaxa Saxaafadana wax u dhimaya”.

Badhasaabku waxa uu hadaladan xusay mar uu ka hadlayay in saxaafadu baryahan dambe ay qortay warar wax u dhimaya Horumarka uu Isbitaalka Guud ee Borama sameeyey kuwaasi oo uu sheegay in aanay ahayn markii koowaad iyo markii labaad ee la qoro ee ay tahay Markii 80 aad ee la qoro waa sida uu hadalka u yidhiye.

Badhasaabku inkasta oo suxufiyiintii goobta joogtay uu badhasaabku sheegay inaanuu hadalkan iyaga ula jeedin balse waxa uu u sheegay in hadaladani iyagana digniin u yihiin.

Badhasaabka isaga oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu tilmaamay inay xaaraan tahay  Cayda dhakhaatiirku mar uu tilmaamay sida uu arintan ku ogaadayna waxa uu yidhi Saaka subaxnimadii ayaan Dr.Gees uu igu salaamay ubaxa ayaad cuntaan ayaa nalagu yidhi waxa aan qabaa kan waxaasi qoray waa bilaa damiir iyo Bilaa akhlaaq, ma garanayaan waxa ay ka shaqaynayaan arintooduna waa ku xumee, Waxuuna intaasi sii raaciyay Abaalkiisa ayaanu mar siin doonaa cidii waxan qortay.

Badhasaabku kama uu tagin inuu tilmaamo sida uu ugu kalsoon yahay dhakhaatiirta ka howl gasha Isbitaalka waxuuna yidhi “Markhaati ayaan ka ahay Isbitaalku halka uu gaadhay ha noqdaan dhinaca shaqada iyo dhinaca bilicda guud ee Isbitaalka iyo isku duubnaanta dhakhaatiirta isaga oo hadlkiisii sii wata isla markaana u muujinaya dhakhaatiirka in hadaladan saxaafadu qortay aanay iyaga uun taaban ayaa waxa uu yidhi aniga laf ahaantayda Aniga oo xariirad jooga ayay iga qoreen maqaal been abuur ah oo ay ku sheegayaan inaan Cinqalilaab samaynayo isla markaana dadka reer Awdal aan ku baraarujinayo inay banaanbaxyo ka sameeyaan arimaha Saami Qaybsiga, taasi oon ahayn waxii aan Xariirad u joogay, Anshaxa Saxaafadana wax u dhimaysa.

Wariye:-
Abokor Hassan Affi.
Lughaya News-Borama.