Hargeysa-(Lug)-Shirweynaha labaad ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa sabtida fooda inagu soo haysa si rasmi ah uga furmaya Huteelka Ambaasador ee Magaalada Hargeysa, waxana Gudoomiyaha xisbigaasi Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] uu guddi cusub u magacaabay hoggaaminta shirka.

Guddidaasi oo loogu talo galay hoggaaminta shirweynaha  isla markaana la doonayo in la horgeeyo ergada shirweynaha si ay cod ugu ansixiyaan, waxa loo magacaabay xubno ka mid ah baalasha gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, kuwaasi oo kala ah Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada Somaliland, Md Cabdi-Casiis Maxamed Samaale, Gudoomiyihii Komishinkii hore, Md Axmed X Cali Cadami, Xuseen Axmed Caydiid iyo Gabadh la yidhaahdo Layla Cismaan.

Guddidan ayaa sida la sheegay waxay guddidii qaban qaabada kala wareegi doonaan hoggaaminta shirweynaha, waxana dhamaantood wata oo soo jeediyay Gudoomiyaha xisbiga kulmiye, xarunta xisbiga oo aan maanta booqday ayaa waxa ka socday dhaq-dhaqaaq xoog leh, iyadoo ay caasimada Hargeysa ay soo wada gaadheen 500 oo ergo oo shirweynaha ka qeyb galaya.

Shirweynaha KULMIYE oo socon doona muddo sadex cisho ah, ayaa waxa lagu dooran doonaa 150 xubnood oo ah golaha dhexe ee Xisbiga, waxana Hoggaanka xisbigaasi hore u sheegeen in aan  murashixiinta madaxtinimo ee xisbiga lagu dooran doonin shirweynaha, hase yeeshee ay murashixiinta kala saari doonaan fadhi ay golaha dhexe yeelan doonaan dhawaan.

Ilaa inta la ogyahay, waxa jagada madaxweynenimo u taagan Gudoomiyaha xisbiga, Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo markii labaad u xusul duuban in dib loo doorto iyo Xoghayaha Arrimaha dibada xisbigaas Dr.Axmed Xuseen Ciise, halka jagada madaxweyne ku xigeenkana ay u tartamayaan afar xubnood oo kala ah C/raxmaan Aw-Cali Faarax, C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil [Saylici], Prof. Ismaaciil Muumin Aar iyo Muuse Biixi Cabdi, oo isagana aan cadayn inu ka tanaasulay iyo in kale mansabkaasi.

 

Cumar Maxamed Faarax
Cumarfaarax2@hotmail.com