booliis.JPGHargeysa-(Lug)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md.C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro),ayaa maanta Tabobar ugu  xidhay Dugsiga Tabobar ee Mandheera 181 Askari, oo iskugu jiray Booliis iyo Asluub.

Xafladii Xidhitaanka Tabobarkaa oo ay ka soo qayb galeen Taliyaha Ciidanka Booliiska,Badhasaabka G/Saaxil , Maayarka Berbera,Saraakiil ka socday Hayada UNDP iyo Marti sharaf kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane C/laahi Ismaaciil Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray Ciidamada Tabobarkan loo xidhay ee Booliiska iyo Asluubta Isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan tahniyad u dirayaa 181 Askari ee Booliiska iyo Asluubta ka kooban oo muddo 3 bilood ah Tabobar Ciidan ku dhamaystay, Waxaan idin leeyahay Aqoon Xirfadeed way idiin Dhiman tahay shaqo badanina way idiin taalaa oo dadkiinu wax qabad buu idinka Sugayaa”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaa la idinka filayaa idinka oo dalkiina iyo dadkiinaba u shaqaynaya oo saaxiib la ah inaad hadana hadii loo baahdo aad Difaaca dalka ka qayb qaadataan, oo Difaaca Dalka waxaa ka mid ah Cadowga Gudaha ku sugan sida Kooxihii Budhcad Badeeda ahaa ee dhawaan la qabtay oo kale,Waana kuwa loo baahan yahay inaad ka foojignaataan”.

 Mudane C/laahi Ismaaciil oo ka hadlayay Dhinaca Doorashooyinka waxa uu yidhi “Howlaha badan ee idin sugaya waxaa ka mid ah Doorashooyinka inagu soo fool leh, Dalku imika abaar buu ku jiraa waxaana la inaga doonayaa in aynu gacana ku codayno,dhinacna dadkeena Abaaraha uga gurmano”.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Gen.Maxamed Saqadhi Dubad oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay ciidamada tabobarka dhamaystay waxaana uu sheegay inay ka kooban yihiin 152 Askari oo Booliis ah iyo 29 Asluub ah.

Taliyaha Ciidanka Booliisku waxa uu sheegay in sanadba sanadka ka dambeeya kor loo sii qaadayo  Tayada Taborada Booliiska waxa uu ku dooday inay ku filan yihiin Sugida Nabad galyada Dalka waxana uu yidhi “Waxaanu Shacbiga u balan qaadaynaa inaanu la tacaalno Dambiilayaasha isla markaana aanu sugno Nabad Galyada dalka,Anagoo mar walba gacan ka helayna Bulshada Somaliland”.

Gen.Maxamed Saqadhi Dubad waxa uu sheegay in Askartan Tabobarku u xidhmay ay yihiin Dufcadii 15aad ee ka baxda Dugsiga Tabobarka Mandheera.

Taliyaha Dugsiga Tabobarka Mandheera Daahir Muuse Abraar ayaa hadal uu ka jeediyay Xafladaasi waxa uu ka waramay in Ciidankaasi ay siiyeen Tabobaro jidheed iyo kuwo Xirfadeed Muddo 3 bilood oo ay gacanta ku hayeen.

Taliyaha Dugsigu waxa uu Ciidamadaasi ugu baaqay inay shaqadooda ku dabaqaan Aqoontii ay qaateen.

Waxaa kale oo Xafladaasi ka hadlay Wasiirkii Hore ee Gaashaan dhiga Somaliland ee Xiligii Madaxwayne Cigaal Col.Cumar Maxamed Nimcaale iyo Gudoomiyaha Degmada Mandheera Yaasiin Dhamac.

Dhinaca kalena Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliisku waxa ay ku soo wareegeen dhamaan qaybaha Dugsiga uu ka kooban yahay iyagoo Salaan sharaf halkaasi kaga qaabtay Ciidankii Tabobarka loo xidhay.

Cumar Maxamed Faarax
cumarfaarax2@hotmail.com