War-saxaafadeed 02/04/08
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane Ould-Cabdalla oo qiray in Somaliland ay tahay wadan ka duwan Soomaaliya Nabad gelyo iyo Xasiloonina ay ka jirto.
Iyada oo ah wax lala yaabo in aan warbixintii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay dhawaan siiyay Golaha Amaanka ee Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa , aan lagu soo qaadin arrimaha Somaliland , ayaa hadana wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya mar uu dhawaan kula hadlayay Saxaafada Magaalada Washington uu si cadaan ah u qiray in Somaliland ay tahay dal aad uga duwan Soomaaliya oo ay ka jirto Nabad iyo xasilooni.
Mudane Ould-Cabdalla isaga oo ka waramaya socdaalkii uu dhawaanta ku yimid Somaliland , waxa uu sheegay in uu si aad ah ugu riyaaqay maamulka habaysan ee Somaliland ka jira , isla markaana ay si aad ah u shaqaynayaan laamaha kala duwan ee xukuumada Somaliland.
Wakiilku isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi “Waxaan ku rajo weynahay in arrimaha wax ku oolka ah ee ka jira Somaliland ay Soomaaliyana kaga dayan doonto, Maadaama Somaliland ay tahay dal ka duwan Soomaaliya’’.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay , waxa uu ka gaabsaday in uu wax ka sheego isku dhicii Somaliland iyo Maamulka Putland ku dhex maray gobolka Sool, waxase uu mar kale ku celiyay in Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu u xaqiijiyay in Xuduudka Somaliland uu ku egyahay kii Ingiriisku u dhigay markii uu xukumayay Somaliland, taas oo ay tahay in ay Somalilandna xuduudkeeda mar walba sugto.
Allaa Mahad Leh,
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " War Saxaafadeed Ka Soo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback