JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
??? ??????? ???????
___________________________________
War-Saxaafadeed Date, April 16, 2008
Ujeeddo: Xaladda Guud ee Dalka
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) waxaa u caado ah in Bishiiba mar uu ka soo saaro xaaladda guud ee dalka warsaxaafadeed waxaanu maanta ka hadlayaa arrimaha hoos ku qoran:
Fadhigii G/fulinta iyo G/dhexe ee xisbiga UCID waxaa laga dooday xaalada guud ee uu dalku maraayo sida siyaasada, dhaqaalaha, nabadgelyda, sicir bararkan ka taagan maciishada iyo arrimaha bulshada.
Dood iyo falanqayn dheer kadib waxa laysla qaatay arrimahan hoos ku qoran:-
1.Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) waxa u si xoogan uga soo hor jeedaa kuwa ku dhaqmaya in ay ka fuliyaan qaraxyada yaryar ee shaanida ah ee beryahan danbe la caadaystay kuwaas oo sumcadii Somaliland wax u dhimaya, aduunkii ictiraafka iyo mucaawimada la soo socdayna hakad gelinaya, shacbigii Somaliland ee gudaha iyo debadana calool xumo iyo niyad jab ku abuuraya, isla markaasna ka farxinaaya cadwgeeni dibada iyo gudahaba.
2.Waxa xisbiga UCID si kulul u deedafeenayaa go’aankii ay guurtidu ku laashay heshiiskii (3) sadexda xisbi Qaran, komishinka iyohaya’daha caalamiguba isla gaadheen, waxaanay hogaanka xisbigu u arkaa go’aankaas mid qadiyada Somaliland iyo geedi socodkii dimuqraadiyadaba mugdi geliyay, waxaanay G/guurtidu moogyihiin in qorshe misaaniyeedka caalamku uu ku saleysanyahay wakhti cayiman oo leh bilow ilaa dhamaad taas oo micneheedu yahay haddii aynaan ka faa’idaysan lacagta laynugu tala galay hergelinta doorashooyinka sanadkan 2008 ee ayna suurta gal ahayn in sanadka 2009 dib loogu riixo, isla markaasna ay niyad jabi ku dhacayso dadkii sida niyad samida leh inoogu soo yaboohay.
3.Waxa hogaanka xisbiga UCID si kulul u canbaaraybnayaan hadaladii qayrul masuuliyada ahayd,ee uu wasiirka arimaha dibadu ku canbaareeyay bulshada caalamka,taasoo ina tusaysa inay xukumada talada heysaa aanay shacbiga Somaliland iyo bulshada caalamkaba midna ka xishoon (accountible-na) u ahayn ciddii kula talisa inay hagaajiyaan oo qaladkooda u sheegtana ay aflagaadaynayaan.
Xisbiga UCID wuxuu ka Raali gelinayaa bulshada caalamka hadaladii ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha dibadda somaliland ee uu BBC-da ka sheegay waxaanu leenahay waxaad ogaataan in shacbiga somaliland aanany la qabin fidmadda ay wadaan, sidii uu wasiirku sheegay maaha.ee haanaanka geedi socodka dimuqraadiyada somaliland in aad bixisaan 75% kharashka ku baxa, wananu idin haynaa abaalkeeda waanad ku mahadsantihiin.
4.Sidoo kale waxa uu hogaanka sare ee xisbiga UCID si kulul u canbaaraynayaa xil ka qaadistii badhasaabka G/Togdheer, ka dib markii uu waajibkiisii xil uu gutay, waxaanu ku amaanaynaa geesinimadii uu muujiyay badhasaabku, waxaan ka tacsiyadaynaynaa shacbiga G/Togdheer.
5.Waxa G/Fulinya iyo G/dhexe ee xisbiga UCID si buuxda u taageerayaa qorshihii (3) sadexda xisbi Qaaran, komishannka iyo deeqbixiyayaashuba isla qaateen iyo waliba mawqifkii ay wada gaadheen xisbiga kulmiye ee ka koobnaa 3-daqodob ee kala ah:-
• In la fuliyo time line-kii sadexda xisbi qaran iyo komishanku isla qaateen.
• In doorashad madaxtooyadu ay noqoto ta dhacys 6/10/08, maadaama ay tahay doorashada. ahmiyada wayn u leh dalka iyo dadkaba.
• In dawlad ku meel gaadh ah (care taker government) la sameeyo oo wadanka gaadhsiisa doorashooyinka
6.Waxa G/Fulinta iyo G/dhexe ee xisbiga UCID ugu baaqayaan dawlada inay joojiyaan xaalad abuurka iyo dagaalka afka ah ee beelaha Reer Somaliland laysaga horkeenaayo waana inuu maadxweynuhu xakameeyo wasiiradiisa, waxa kale oo uu xisbigu ugu baaqayaa in ay xukuumadu wax ka qabato maciishadan kacday ee cirka isku shareertay wakhtigan kulul, inta ay wakhigoodi ku luminayaan yoo-yootanka iyo xaalad abuurkana joojiyaan oo ay ummadda u qabtaan wixii ay u dooratay ee ay ka balan qaaday.
7.Waxa kale oo ay G/fulinta xisbiga UCID iyo G/dhexeba soo dhaweynayan casuumnadaha xisbiga uga timi Degmada gebiilay degmada bali-gunbadle ,degmada wajaale, degmada saylac, Degmada Burco, Degmada laascaanood, Degmada berbera, waxaana la go’aamiyay in si deg deg ah loo qorsheeyo sidii magaalooyinkaa loo tagi lahaa.
8.Waxa kale oo xisbiga UCID si aada u canbaaraynayaa ugana soo horjeedaa falkii waxashnimada ahaa ee uu badhasaabka G/Sool kula kacay ciyaartoyga xisbiga UCID ee magalaada laascaabood iyo xafiiska UCID ee G/Sool ee ku yaala magaalada laascaanood,waxaanu qabnaa xisbi ahan in xafiiska UCID ee ka furan magaalada laascaanood oo wax weyn ka taray nabadgelyada iyo xasiloonida G/Sool, taaas oo bulshada caalamkuna u arkeen magaalada laascaanood, kadib markii laga furay xafiiska UCID meel xasilan oo ay durtadiiba gaadhaydimuqraadiyada Somaliland ku naaaloonayso, waxa kale oo aanu kasoo horjeedna hananka xun ee loo isticmaalaayo (media-ha) waliba warbaahinta Xukuumada ee Radio hargaysa iyo TV-Qaranka oo beryahan danbe caadystay cayda xisbiyada mucaaradka ah, waxaanu ku talinaynaa in arrimahaa laga fugaado.
9.Xisbiga UCID wuxu soo jeedinaya in naafada iyo curyaaminta Somaliland la daryeelo waxna loo qabto.
Alla Mahad Leh
Afahayeenka Xisbiga UCID
Md, Xasan Xuseen Codyare


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " War-Saxaafadeed Uu Soo Saaray Xisbiga UCID. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback