logo.jpgMadaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
Warsaxaafadeed                 26/04/08
Aniga oo tix-raacaya hadalkii ay jaraa’idka qaarkood ku qoreen Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland , laguna baahiyay Baraha Internetka qaarkood , kuwaasi oo ay ugu  baaqeen Shacbiga Somaliland  in aanay Cashuurta Bixin.

Waxa haddaba aanu Leenahay Hadaladaasi ka soo yeedhay Guddidaasi oo uu hogaaminayo Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi , waxa cadaan ah  oo aan cidna ka qarsoonayn in ay yihiin khiyaamo Qaran oo dhaawac weyn gaadhsiin karta jiritaanka iyo Nabada Somaliland.

Waxa aynu wada ognahay in dalalka caalamka oo dhami ay ku socdaan Cashuurta shacbigoodu bixiyo , iyada oo ay Somalilandna ay kaba sii xag jirto oo ay tahay dal curdin ah oo  aan weli la aqoonsan , wax dhaqaale ahna ka helin deeq bixiyayaasha Caalamka.

Haddaba , haddii la bixin waayo cashuurta yar ee aynu dalka ku maamulno , Maxay ku danbayn doontaa Somaliland haddii aynu is weydiino .

Waxa haddaba wax lala yaabo lagana yaq-yaqsoodo ah in nin Xildhibaan ah oo ummadu soo dooratay  hadalada noocaasi ah shacbiga Somaliland uu ugu baaqo.

Iyada oo sida aynu wada ognahay caalamku inoo soo jeedo , fartana ku fiiqayo in Somaliland ay xaq u leedahay aqoonsi , maadama uu ka hana qaaday nidaam dimuqraadi ah , Nabad gelyo iyo Xasilooni aan ka jirin Geeska Afrika , isla markaana aqoonsiga Somaliland lagu soo qaaday shirar badan oo caalami ah oo ay ugu danbeeyeen shirkii ay ka soo qayb galeen Aqoonyahanada u dhaq dhaqaaqa horumarinta iyo Amaanka oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano SENLIS , Shirkaasi oo ka dhacay Magaalada London waxa uu ku baaqay in ay Somaliland Mutaysatay in la aqoonsado, isla markaana aanay cidina kaga xidhnayn , maadaama ay Somaliland ahayd dal madax banaan oo  ka qaaday xorriyadeedii dalka Ingiriska 1960-kii.

Waxa Kale oo isna ka mid ahaa shirkii lagu qabtay Magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway oo lagu falan qaynayay arrimaha Amaanka ee Somalilnad iyo Soomaaliya , oo ay soo qaban qaabisay Ururka loo yaqaano SVS African Group , kaasi oo isna taageero buuxda siiyay qaddiyada gooni isu taaga Somaliland .

Haddaba, iyada oo Arrimahaasi oo dhami dunida ka socdaan , waxa ayaan darro ah in Xildhibaan ummadu ay soo dooratay iyo kuwa la midka ahba in ay ka soo yeedhaan hadalo fawdad iyo khal khal ummada galinaya halis weyna ku ah Qaranka iyo jiritaanka ummada.

Ugu danbayntii , waxa aanu ku talinaynaa Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi iyo inta la mid ahba in ay raali gelin ummada ka siiyaan hadaladaasi ka soo yeedhay, isla markaana  ay bixiyaan cashuuraha ku biiray ee guryahooda lagu leeyahay.

Alla Mahad leh,

Siciid Cadaani Mooge,
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland