Dila-(Lug)-Magaalada Dila waa magaalo aan da’waynayn hadana ay ka muuqdaan diiftii ay ka tageen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay dabayaaqadii 80aadkii iyo horaantii 90′aadkii. Raadadkaasi waa kuwo wali sii jira oo aan tirtirmin sababta oo ah marka aad indhaha la raacdo farasmagaalaha Dilaad waa meel ay wali guryaheedu burbursan yihiin oo aanay helin wax dayactir ah waxana ka sii muuqda ma hadhooyinkii ay ku reebeen boobkii,bililiqadii iyo burburintii ay u gaysteen dagaaladu.
Inkasta oo dib loo dhistay qaybaha xaafadaha ah ee magaalada ayaa hadana waxa muuqata in farasmagaaluhu uu yahay meel dayacan oo aan loo qorshayn in dib loo dhiso. Muwaadin reer Dilaad ah oo ka gaabsaday in uu magaciisa xuso ayaa u sheegay Lughayanews sabata ay isaga la tahay ee loo dhisi waayay farsmagaalahan ah muuqaalkii magaalada waxana uu ” Waa xaqiiq in aan la dhisan halkan intii uu dalku dhismayay, waxa ay ku gacansaydheen in ay ka iibiyaan dad kale waxana ay iyagu dhisteen Xaafada Kuwait ee Boorama iyo Magaalada Hargaysa, ma jirto sabab loogu qasbi karaa hadii aanu go’aanku iyaga ka soo gu’in.
Ma aha intaas oo qudha balse duleedada magaalada Dila waxa wali yaala Taangiyo iyo qalab milatari oo hadhaa ah kuwaas oo ku xusuusinaya in ay goobtani waa Dila’e mar ahayd meel uu dagaal xoogani soo maray, Qalabkaasi ciidan ee dhooban hareereha magaalada Dila ayaan wali la qaadin waxana aad moodaa in uu yahay taalo iyo astaan taariikhi ah oo u taagan xasuuqyadii ay SNM-tu ka gaysatay deegaanka Dila iyo halyeeyadii reer Awdal ee naftooda ku waayay dagaaladii sokeeye,
Dhinaca nolosha waxa Dila ragaadiyay jiilaal dabo dheeraaday oo sababay biyo yaraan, waxana ay magaaladu ka cabtaa ceelal ku yaala degaamada Cad-cad iyo Burdi waxana qiimaha halka foosto ee biyaha ahi uu ka joogaa magaalada Dila lacag dhan 10,000 kun oo shilin Somaliland ah, wayse adagtahay sida ay xaafaduhu ku helaan maalin walba biyo.
Magaaladu ma laha xarumo ganacsi oo haba yaraatee ay indhahaagu qabanayaan marka laga reebo dukaano yaryar oo wadhatooyin ah, dhawr maqaaxi oo aan nasasho loogu talo galin oo loogu talo galay in ay dadka safarka ahi wax ka cunaan iyo dumar caano diiq ah oocaanaha ka soo waarida degaamada xoolodhaqatada ah eek u xeeran magaalada, sidaasi oo ay tahay ayaa hadana waxa dadka la dagay sixirbararka maciishada asaasiga ah oo ka dhigay mid iibsiga quutal daruurigu uu aad u sareeyo, waxa ugu badan ee sida joogtada ah loo iibsadaana waa Jaadka oo 10ka subaxnimaba laga keeno jigjiga.
Dila dugsigeedii sare waxa uu unkan yahay mudo ku dhow 5 sano mana jirto wax arday ah oo dhigata sababtuna waxa ay tahay macalin la’aan iyo ardaydii oo kolka ay gaadhaan dugsiga sare u soo hayaama dhinaca magaalooyinka waawayn si ay noloshooda waxbarasho sare ugu sii qaadaan.
Inkasta oo ay Dili leedahay laami hadana wuu burbursan yahay oo safarku ha u socadaan labada dhinaba waxa aad kala kulmaysaa dhibaato dhinaca Borama waxa aad kala kulmaysaa 28km oo raf ah oo ay reer Awdal oo dhami u maaro waaayeen dhinaca kalana waxa aad kala kulmaysaa laami ku sheeg duug ah oo uu rafku ka raaxo badan yahay.
Dila waxa ay wali tahay astaan u taagan dagaaladii sokeeye , raadkii ay ka tageenina waa mid wali ka sii muuqda deegaanka ay ku taalo magaaladu waxana aad xasuusanaysaa halhayskii reer Galkacayo ee ahaa ”Dagaal Muu Dhamaan Ee Ha Ii Dunsanaato”ayay maanta Dila ku sugan tahay.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Dila


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dila: Magaalo Ay Wali Kasii Muuqdaan Raadadkii Dagaaladii Sokeeye "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback