”15ka May Wixii Ka Dambeeya Rayaale Waxan U Aqoonsan Doonaa Guddoomiyaha Xisbiga UDUB” Wakiilka Kmg Ee Xisbiga Kulmiye Ee G/Awdal.
Borama-(Lug)-C/laahi Ismaaciil Oogle,(ina xiirane),kana mid ahaa Guddiga Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye Ee G/Awdal,haatan sheegtay inuu yahay wakiilka kumeel gaadhka ah ee xisbigaasi ee G/Awdal ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 15 May uu xisbigiisa iyo taageerayaashiisuba Daahir Rayaale u aqoonsan doonaan guddoomiyaha xisbiga UDUB ee Soomaaliland ,una aqoonsan doonin madaxweynaha Soomaaliland.
Shir Jaraa’id oo uu Cabdilaahi Ismaaciil Oogle ku qabtay Boorama maanta ayaa waxa kale oo uu kaga warramay arrimo ay ka mid yihiin eedeymaha xukuumaddu xisbiga kulmiye ugu soo jeedisay qaraxyadii ka dhacay Hargeysa ,arrimaha muddo kordhinta Guurtidu ku kacday ,sida sida gaarka ah ee maamulka G/Awdal u beegsado taageerayaasha amaba masuuliyiinta Xisbigaasi ee Gobolka , waxa ka jira dib udhac la sheegay inuu ku yimid qaybtii labaad ee ka hadhay shirweynihii xisbiga Kulmiye iyo kala saarista musharraxiinta reer Awdal ee mansabka madaxweyne kuxigeenka haddiiba ay doorashooyin dalka ka dhacaan ,isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:-
“Wakhti xun ayey Soomaaliland maraysaa waxana ilaahay uga baryayaa inuu inaga dulqaado .Intaa kaddib Anigoo ku hadlaya magaca Guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee Xisbiga Kulmiye ee G/Awdal ,maadaama Wakiilkii iyo Maamulkii hore ee Xisbiga ee gobolku meesha ka baxeen markii uu bilowday shirweynihii xisbiga Kulmiye ee Hargeysa ka dhacay, waxaan Aniga iyo taageerayaasha Xisbiga ee gobolkuba raacsan nahay go’aankii labada Xisbi ee mucaaradku kasoo saareen muddo kordhinta Guurtidu Daahir Rayaale sannadka ugu dareeni tahay mid xaaraan ah oo ka baxsan sharciga ,isla markaana marka uu dhammaado wakhtiii sharciga dalku u banneeyey inuu xilka hayo oo ku eg 15may wixii ka dambeeya an Daahir Rayaale u aqoonsan doonno Guddoomiyaha Xisbiga Dawladda ee UDUB.
Arimaha ku saabbsan qaraxyadii Hargeysa ka dhacay dhawaanta ee lagu eedeeyey Xisbiga Kulmiye ,waxan leehay xukuumaddii Siyaad Barre intay laba beelood ama laba reer dab kala dhex dhigto ayey haddana mid kasta kan kale farta ugu fiiqi jirtay si ay isku dilaan ,arrintaasi iyadaa og ,oo nabadgelyada xil ka saran yahay,Golaha guurtiduna waxay ku dhaqaaqeen inay dalkan khatar geliyaan markii ay u kordhiyeen Rayaale.,wixii arrintaa aan ka yeelaynana hoggaanka xisbiga ayey u taallaa.
Anigoo ka hadlaya musharraxiinta reer Awdal iyo arrinta Boorama laga hadal hayo ee lagu sheegeyo in shirweynihii xisbiga ee loo ballansanaa 29ka bisha uu dib u dhacayna aanay waxba ka jirin ,shirkaasina socon doono.Dhinaca Musharraxiinta Reer Awdal ,ee afarta ah ,kalana ah C/raxmaan Saylici, Ismaaciil Muumin Aare ,Dr.Cabdilaahi Xaashi Abiib iyo C/raxmaan Aw Cali ,waxana leehay arrintaasi si miyir qabta oo raalli loo kala yahay ayaa loo dhammayn doonaa .
Arrinta kale ee Gobolkan u gaar ahina waxay tahay sidii xal loogu heli in xisbiyadu madaxbanaanaadaan ,Guddiga Nabadgelyada ee gobolkan xukumaana shicibka u oggolaadaan inay xaqooda ka hadlaan ,taageerada xisbiga Kulmiyana aan laga dhigin mid dembi ah “
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughaya News-Borama.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wakiilka Kumeelgaadhka Ah Ee Xisbiga Kulmiye Ee G/Awdal Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka ,Arrimaha Muddo Kordhinta Rayaale Iyo Bayaankii Axsaabta Mucaaradku Kasoo Saareen Dhamaanshaha Xukunka Rayaale Ee 15 May "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback