picture_1.jpgHargeysa-(Lug)-Laba Wiil oo dhalinyaro ah ayaa saaka ku dhintay Magaalada Hargeysa ilaa 4 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii Boqolaal ka mid ah dadwaynaha Degmada Axmed Dhagax ay banaanbax rabshado watay iskugu soo baxeen Xaafadaha degmadaasi.

picture_1.jpg
Banaan baxaasi oo lagaga soo horjeeday mid ka mid ah Sadex degmo oo Golaha deegaanka Hargeysa ay Todobaadkii hore Magacaabeen kuwaasi oo ku soo biiray shantii degmo ee ay ka koobnayd Magaalada Hargeysa.

“Kama soo hor jeedno degmada la magacaabay, balse waxaanu ka soo horjeednaa oo aan la aqbali Karin in xaafadaasi magacii hore ee loo bixiyay laga bedelay, loona bixiyay magac cusub, xaafada markii hore waxa la odhan jiray Cabdi Iidaan, imika markii degmo laga dhigay maxaa loogu bixiyay nin kale, waa taas ayaanu diidan nahay”Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dhalinyaradii horkacaysay banaan baxaasi oo ii sababeeyay ujeedada mudaharaadkooda.
picture_2.jpg

“Lama yeeli karo, lana aqbali mayo in Degmada Axmed Dhagax la kala jaro, hadana loo bixiyo magac la doonayo in lagu xamaasadeeyo dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed dhagax.”ayuu intaasi raaciyay wiilkaasi.

Boqolaal qof oo u badnaa dhalinyaro ayaa mudaharaad markii dambe isku badalay Rabshado ka dhigay degmada Axmed Dhagax iyagoo shiidayay Baabuurta Dowlada waxana muraayadaha daaqadaha laga jajabiyay Baabuurka Hogaanka Hawl Gelinta Booliska , halka Baabuur kale oo uu leeyahay Wasiirul Dawlaha Macdanta Iyo Biyahana la shiiday, inkasta oo aan khasaare weyn loo geysan.
picture_008.jpg

Mudaharaadeyaashaasi waxa kale oo ay taayiro ku shideen wadooyinka degmada Axmed dhagax qaarkood, iyagoo markii dambena shiiday Dhismaha Golaha Deegaanka Hargeysa, oo xiligaasi uu ku sugnaa Maayarka Caasimada Hargeysa, Eng Xuseen Maxamuud Jiciir,in kasta oo markii dambe boolisku xabado ay kor u ridayeen ay ku kala kaxeeyeen.

Dhinaca kale wararka Khasaaraha banaan baxaasi ayaa isasoo taraya marba marka ka dambaysa, mana jirto wax masuuliyiin dowladeed ah oo ilaa imika si rasmi ah uga hadlay.

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa.