Jamhuuriyadda Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
War Saxaafadeed. 26/4/2008
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Ethiopia Mud. Seyoum Mesfin ayaa maanta Qado Sharaf u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Cabdillahi Maxamed Ducaale, halkaas oo uu Wasiirku ugu gudbiyey salaan uu Madaxweynaha Jahmuuriyadda Somaliland Mud. Dahir Rayale Kahin uga sido Raisal-Wasaaraha Ethiopia Mud. Meles Zenawi oo uu ugu hambalyaynayo Shacabka iyo Dawladda Ethiopia Iidooda loo yaqaan “Easter Holiday”.
Waxay labada Wasiir ka wada hadleen xidhiidhka sokeeye ee ka dhexeeya labada dal sidii loo sii xoojin lahaa. Waxay kaloo ka wada hadleen dardargelinta iskaashiga dhinacyada; Nabadgelyada, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.
Isla shalay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Cabdillahi Maxamed Ducaale waxaa lagu soo casuumay Xaflad lagu sagootiyayey Guddoomiyihii hore ee Ururka Midowga Africa (AU) iyo Guddoomiye-ku-xigeenkiisii. Xafladdaas oo lagu qabtay Xarunta Midowga Africa Addis Ababa, waxaana ka soo qayb galay Siyaasiyiin iyo Madax kala duwan oo ka socota Dalalka Adduunka iyo dhammaan Safaaradaha dalalka Caalamka u jooga dalka Ethiopia. Wasiirku intii uu xafladdaas joogay wuxuu la kulmay Siyaasiyiin, Danjirayaal iyo Madax ka wakiil ah dalalka Caalamka.
Isla maanta Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Mud. Cabdillahi maxamed Ducaale waxaa Huteelka uu deggen yahay ku soo booqday Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mud. Pwakira Nicolas oo dhowaan la magcaabay.
Wasiirka waxaa ku weheliyey kulamadaas oo dhan Danjiraha Somaliland u fadhiya Magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia Ambassador Maxamed Sheekh Xassan
Siciid Maxamed Nuur
Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kulankii Wasiirada Arrimaha Dibada Itoobiya Iyo Somaliland "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback