wasiirka-arrgudaha.jpgHargeysa-(Lug)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.C/laahi Ismaaciil Cali(Cirro) ayaa digreeto oo uu manta uu soo saaray ku laalay saddex degmo oo cusub oo Golaha Degaanka Hargeysa todobaadkii hore magacaabeen.

wasiirka-arrgudaha.jpg
Mudaharaadkii Rabshadaha watay ee maanta ka dhacay Hargeysa ka dib ayuu Wasiirka Arrimaha Guduhu uu sharci daro ku tilmaamay Go’aankii Golaha degaanka Hargeysa ay ku magacaabeen 3da degmo ee kala ah Maxamed Mooge,Axmed Macalin Haaruun iyo Sh.Cumar Yuusuf.

Go’aanka Wasiirka Arrimaha Guduhu uu ku laalay Saddexdaasi degmo ee cusub ayaa u qornaa sedan:-

“Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu laalay Jiritaanka Saddex degmo oo uu magacaabay Maayarka Caasimada Hargeysa, talaabada Magacaabista Saddexdaasi degmo waxay baal marsan tahay sharciga Gobolada iyo degmooyinka isla markaana aanu wax talo ah soo waydiinin Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Waxaan leeyahay Golaha degaanka iyo Maayarka Hargeysa ka soo war bixi sabobta aad ugu xad gudubteen Sharciga u yaala magacaabista Gobolada iyo degmooyinka ee 23/20 “.

Md.C/laahi Ismaaciil Cali(Cirro) oo saxaafada u waramayay ayaa si adag u naqdiyay go’aankii Golaha degaanku ay ku magacaabeen Saddexda Degmo, waxaanu yidhi”Aad iyo aad ayaan uga xumahay arrinta shaqaaqada ah ee maanta dhacday, runtii arrinta magacaabista degmooyinkaasi waxay ahaayeen arrin khilaafsan xeerka iyo sharciga degmooyinka,sideedaba Dowladaha Hoose awood uma laha inay magacaabaan degmooyin,waxana magacaabista awood u leh Xukuumada dhexe oo ay masuul uga tahay Wasaarada Arrimaha Guduhu “.

“Shaqaaqadan waxaa sal u ah Golaha degaanka Hargeysa iyo waxaasi ay soo saareen, oo aanay Wasaarada la soo socodsiin kana xunahay “ ayuu intaasi raaciyay Wasiirka Daakhiligu.

C/laahi Cirro waxa uu dadwaynaha magaalada Hargeysa ugu baaqay inay is dajiyaan oo aanay u dhag taagin go’aan sharci darada ah ee ka soo baxay Golaha degaanka, waxaanuu yidhi”Shacbiga waxaan ka codsanaynaa inay is dajiyaan oo aanay u dhagtaagin wax sharci darro ah oo la laalay “.

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa.