Boorama-(Lug)-Xildhibaan ka tirsan golaha degaanka ee degmada Boorama oo magaciisa la yidhaa Maxamed Sh. Maxamuud Jimcaale ayaa waxa uu sheegay in heerka abaaraha haysta dadka degmada Boorama ay marayaan meel laga argagaxo, waxa uu xildhibaanku arintan sabab uga dhigay roobabkii oo dib uga dhacay xiligii loogsa bartay in ay da’aan, waxa uu xildhibaanku intaas raaciyay in sida caadiga ah roobabka diraacdu ay bilaabmi jireen 25ka bisha sedexaad ee sanad walba maantana ay bishii 4aad ay dhamaad ku dhawdahay.
Sida la ogyahay xitaa roobabkiui sanadkii la soo dhaafay da’ay way ka yaraayeen qiyaasihii hore u di’i jiray sidaas aawadeed waxa timid dhibaatooyin aad u badan oo ka dhigay xoolihii kuwa liita dadka xoolo dhaqatada ah ayaanan ka baqo qaba in ay xooluhu dabar go’aan
Xildhibaanka ayaa mar uu ka waramayay dhinaca biyaha waxa uu yidhi “biyo la’aanta dadka haysataa waxa ay noqotay xad dhaaf oo dadka intooda badan waxa ay ku mashquulsan yihiin habeen iyo maalinba sidii ay biyo u heli lahaayeen ha noqdeen booyado u dhaamiyaba’e hadana ma awoodi karaan dhaqaalihii ay ku iibsan lahaayeen sababta oo ah halkii foosto ayaa melaha qaarkood ku dhow 40,000 kun oo shilin
Waxa uu xildhibaanku qaylodhaan u dirayaa dhamaan dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, hayadaha caalamiga ah iyo xukuumada
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Qaylodhaan Abaareed Oo Lagaga Dhawaaqay Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback