Borama-(Lug)-Madaxa Hayada ADO ee G/Awdal Xasan Xuseen Nuur ayaa maanta aqoon iswaydaarsi uga furay 30 xubnood oo da’ayarta Gabdho iyo Wiilal leh ee degaanka Qul-ujeed.
Borama-(Lug)-Madaxa Hayada ADO ee G/Awdal Xasan Xuseen Nuur ayaa maanta aqoon iswaydaarsi uga furay 30 xubnood oo da’ayarta Gabdho iyo Wiilal leh ee degaanka Qul-ujeed.
Borama-(Lug)-Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada,Gudoomiyaha Gobolka, Ku Simaha Duqa Degmada Borama ,Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maamulka Ururka IQRA iyo Maamulka Jaamacada Camuud ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad lagu soo gabo gabaynayay todobaadkii waxbarashada
Haddaan nahay dhamaan qurba jooga reer awdal ee degan magaalada ottawa , waxaan mahadnaq iyo hanbalyo u soo jeedinaynaa dhamaan gudigii qaban qaabiyey ama maamulay dhibaatadii qabowga e dhawaan ka dhacday qeybo kamid ah gobolka Awdal sida ayhawsha u maamuleen una gaadhsiiyeen dhamaan wixii caawimo ahaa ee loo soo diray.
Hargeysa-(Lug)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii manta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka Komishanka Xuquuqal insaanka oo in muddo ahba horyaalay.
Hargeysa-(Lug)-Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md.C/laahi Maxamed Ducaale ayaa magacaabay Wakiil Sharafeed Fadhigiisu noqon doono dalka Tanzania .
Hargeysa-(Lug)-Golaha guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad ah ku laalay mooshin ay todobaadkii hore horkeeneen 13 Xildhibaan oo Aqalkaasi ka tirsan, kuwaasi oo dalbanayay in dib loogu noqdo go’aankii Golahu muddada halka sano ah ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
Warsaxaafadeed 26/04/08
Aniga oo tix-raacaya hadalkii ay jaraa’idka qaarkood ku qoreen Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland , laguna baahiyay Baraha Internetka qaarkood , kuwaasi oo ay ugu baaqeen Shacbiga Somaliland in aanay Cashuurta Bixin.
Sanca-(Lug)-24/04/2008 hoolweyn oo ku yaala university of science and technology ee magaalada sanca ka qabsoomay shirweynihii 2aad ee ururka ardayda Somaliland ee dalka yemen kasoo lagu dooranaayay hogaanka sare ee ururka hagi doona sanadka 2008/2009.
Hargeysa-(Lug)-Tartankii heesaha hirgalay oo muddo todobaad ah ka socday magaalada Hargeysa, ayna ka qeyb galeen 20 Fanaan oo dhalinyaro ahi ayaa caawa lagu soo gabo gabeeyay Garoonka kubada Kollayga Timo-cadde ee Magaalada Hargeysa,
London-(Lug)-Waftiga waxaa halkaasi ku sugaayey oo si diiran ugu soo dhaweeyey dadweyne fara badan oo reer Awdal ah oo hallkaasi ku sugaayey. Waftigan oo marti qaad rasmi ah ka helay Magaaladan Heleney ee dalkan ingiriiska oo ay mataano yihiin magaalada Borama ee dalka Somaliland.
Geerisa-(Lug)-Annagoo ka mid ah Waxgaradka iyo Odayaasha kasoo jeeda degaanka Geerisa ee G/Awdal ,waxan aad ula yaabnay qoraal lagu dhaleecaynayo Taliyaha Ciidanka Qaranka Ee Xeebabaha Galbeedka ,Gen.Maxamed xudhuun ,kusoo baxay wargeyska Haatuf cadadkiisii 1710,
Saylac-(Lug)-Salaad roob ah oo ilaahay looga Baryayo inuu roob siiyo ayaa maanta lagu tukaday degmada Saylac , banaanbaxaasi oo dadwaynaha degaankaasi saaka isugu soo baxeen meel fagaare ah oo ka mid ah xarunta degmada Saylac ayaa waxaa ilaahay lagu waydiisanayay inuu dhibta iyo roob la’aanta ka saaro
Hargeysa-(Lug)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa shir jiraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Xisbiga Ucid ee Magaalada Hargeysa waxa uu si adag xukuumada Somaliland ugu naqdiyay waxa uu ku tilmaamay waxqabad la’aanta iyo ku timashada Shuruucda dalka.
SuL.Muxamad Maxamuud Xasan iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa,Ibraahim Sh.Xaamud Cige iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa,Suleiman Cabdi iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa
Daahir Cumar Abtidoon iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa ,Maxamad Siciid Dugsiiye iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa
Borama-(Lug)-Cidna kama qarsoona in Soomaaliland maanta marayso qalalaase siyaasadeed oo an la ogeyn waxa uu ku dhamman doono ,kaasoo ama qalalaasahaasoo uu sabab u yahay Madaxweyne Rayaale iyo ku dhawaad boqolka nin ee hoos yimaadda xukunkiisa ama u shaqaysa dawladdiisa iyo golayaashiisa
Shabaabku marxaladkasta oo ay soo martay taariikhda waxay ahaayeen kuwii ugu muhiimsanaa ahaana quwada umad kasta iyo udubdhexaadkii ay ku taagnayd ayaga ayaa u ahaa tiirkii ay ku taagnayeen umadkasta iyo caqligii iyo tusmo iyo tusaaleba u ahaa umda shabaabku waa halka
Aan kubilaabo bisinka hadii uu ilaahay idmo waxaan jeclaaday qoraalkaygan maanta inaan waxoogaa bal isku dayo inaan isdul taago mashaakisha kala haysata dhalin yarta iyo guurka sobobaha ay uga caagan yihiin inay guursadaan waxa ay ka aamin san yihiin guurka bulshadu,, xaqiiiqda guurka,
Diirada-(Lug)-Gabi ahaanba dalka Somaliland ayaan laga dareemin xuska munaasbada maalinta Dhulka Aduunka oo ku beegnayd maalintii shalay ahayd. Inkasta oo aanay jirin sabab la isku raacsan yahay oo la taaban karo oo ay u baaqatay xuska munaasabani ayaa hadana
“Bulshoyahay Wax Kaa Dadan, Wax Diidmoo Dan Kaa Maqan Wax Dahsoon Halkii Daran, Dawga Cilmigaa Loo Maraa…………….” Prof. Daahir Maxamuud Xadi
“WFP Ayaa Ka Masuul Ah In Raashinkaasi La Boobo Sababtoo Ah……” Kusimaha Gudoomiyaha golaha Degaanka.Boorama-(Lug)-Raashin deeq ah oo ay hayada WFP ugu talo gashay in loo qaybiyo dadka ay abaaruhu wax yeeleeyeen ee degaanada hoos yimaada Magaalada Xaliimaale ayaa maalintii shalay ahayd si wayn loo boobay.
Hargeysa-(Lug)-13 Mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa maanta shirguddoonka golahaas u gudbiyey Mooshin ay Golaha ugu soo jeedinayaan inuu dib u sixid ku sameeyo go’aankii muranku ka dhashay ee ay muddada xilka ugu kordhiyeen Madaxweyne Riyaale.
Hargeysa-(Lug)-Qiimaha shidaalka ayaa maanta magaalada Berbera, kor u kacay, waxana Gaadiidka xamuulku ay hogganayeen magaaladaasi iyagoo aan wax badeecado ah u qaaadin Magaalooyinka dalka.
Borama-(Lug)-Cutubyo ka tirsan ciidanka amniga Boorama oo u horkacayey taliyaha qaybta Booliska ee G/Awdal ,Cismaan Warsame Xijab ,(Cismaan Haari) ayaa shalay ku waaberiistay degaanka ay ku taallo Jaamacadda Cammuud ,halkaasoo beryahanba muran ku saabsan dad beeraley ah iyo maamulka Jaamacadda
Borama-(Lug)-Wararka ka imanaya xeebaha Galbeeda ee Soomaaliland ayaa sheegeya in ku dhawaad labaataneeyo qof oo shicib ah a labadii maalmood e ugu dambaysay lagasoo qabqabtay degaano ka tirsan G/Awdal kuwaasoo loo haysto dembiyo kala duwan .
Boorama-(Lug)-Intii an lagu dhawaaqin qarannimada Soomaaliland ama goonisutaageeda 1991kii ,iyo shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliland 1993kii intii anu qabsoomin,reer Soomaaliland oo loo yaqaannay Woqooyiga dalkii la odhan jiray Soomaaliya ,waxa deggenaa ilaa maantana wada dega beelo badan