Horyaal-(Lug)-22 bishii March ee aynu soo dhaafnay ayuu madaxwaynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale magcaabay 6 gobol iyo 16 degmo oo dalkiisa ku soo kordhay, iyada oo ay dadbadani tallaaabadaas u arkeen shax siyaasadeed oo lagu gelayo doorashooyinka la dhawrayo waa haddii ay doorashooyinba dhacaane.
Gobolka Salal oo ka mid ahaa gobolladii maalintaasi lagu dhawaaqay ayaa 2 bishan May xaflad ballaadhan oo si la yaable loo soo agaasimay loogu wanqalay, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay barnaamijyo dabaal-deg ah oo kala duwan iyo cayaaro ku salaysan dhaqanka reer Salal.
Haddaba inkasta oo dulahaanba la filayo inuu muran badani ka dhalan doono gobolladan cusub ee S/Land ku soo kordhay ayaa waxaa durba soo ifbaxaya muran ku salaysan cidda hoggaamin doonta gobolkan Salal ama guddoomiye ka noqondoonta, sida ay wararku sheegayaan waxaa haatan ku muransan amaba ay mid walba halkeeda ka diyaargaroobaysaa beelaha kala ah Abrayn, Bahabar Celi , Bahabar Muse iyo Ciise oo dhammaantood wata xujooyin ay isleeyihiin waad ku hanan kartaan madaxnimada gobolkan cusub.
Sida la hadal hayo beesha Abrayn waxa ay rabitaankeeda kursiga ku salaynaysaa qodobbo ay badankoodu la xidhiidhaan taariikhda, tusaale ahaan Salal oo gobolkan cusub loogu magac daray islamarkaana ayna cidiba iswaydiin macnihiisa ayaa ah sida aannu ilo-xog ogaal ah ka helnay alle ha u naxariistee Salal Idris Caweer oo ka soo jeeda beeshaasi Abrayn kuna aasan dooxa Salal oo wixii ka danbeeyay xilligii uu ingiriisku degay loo yaqaan Ceel-Gaal.
Sidoo kale waxyaabaha ay reer Garbo-Dadar ku doodayaan waxa ka mid ah iyada oo ay wakhtigii Turkiga hayn-jireen hoggaanka magaalada Saylac, islamarkaana ay magacda dabiiciga ah iyo kuwa shakhsiyaadka ee deegaannadaasi saacidayaan sida gacan Abrayn oo dhowr KM u jirta magaalada Saylac iyo Godin Abrayn oo aan isaguna waxbadan ka fogayn, iyo waliba dhagaxa Shirdoon Qarni iyo xaafadda duugga ah ee Khoor-Dubai oo ka tirsan magaalada Saylac iyo Axmed Guray oo mudo badan kasoo talinayay boqortooyadii ADAL ee jabisay boqortooyadii ardul xabash.
Beesha Bahabar-Celi qudheeda ayaa iyana sida la sheegay dhacdooyin taariikheed u cuskanaysa doonista madaxnimada gobolkan, waxayna diiradda saartaa shakhsiyaad magac wayn ku lahaan jiray Saylac wakhtiyo hore iyo muwaadiniin qayb libaax ka soo qaadatay ololihii la dagaallanka gumaysiga sida Cali Dable, Jaamac Saylici, Xaaji Diide, Xaaji Kuul iyo Rag kale.
Beesha Bahabar Muuse oo la sheegay inayna labada hore kula tartami jirin deegaanka Saylac qarniyadii hore ayaa waxay wararku sheegayaan inay iyada lafteedu marroosinka aasatay halganna ugu jirto sidii ay u hanan lahayd guddoomiyannimada Salal, iyada oo cuskanaysa dhaxaltooyada maqaamka Sheekh Ibraahim Saylici oo ay in muddo ahba iska daboqabanayeen culimaa’udiin beeshaasi ka tirsan sida Sh.Warsame Birikoo, Sh.Kaariye Qowdhan iyo Sh.Maxamad Abaadir Shirwac oo illaa imika horjooge ka ah maqaamka.
Sidoo kale waxaa Bahabar Muuse ka soo jeeda taliyaha ciidamada xeebaha Jeneral Maxamad Ibraahim Xudhuun oo ay beeshaasi ku dooddo inuu tan iyo wakhtigii taliskii Ziyaad dhacay halgan iyo samir badan ku bixiyay daryeelka gobolkaasi Salal .
Aan u gudubnee beesha Ciise ayaa iyaduna aaminsan inaan gobolkan cusub cidiba kula doodi Karayn, maadaama uu tan iyo qaybo ka tirsan cahdigii Afwayne duqa Saylac ahaan jiray nin beeshaasi ka soo jeeda, illaa maanta oo gobolkan la magcaabayna Cumar Maxamad Xaddi (Cawad) guddoomiye ka yahay, islamarkaana ay xarunta gobokan ee Saylac u dhawdahay Djibouti oo ay beesha Ciise ka taliso, arrintaasina waxa ay aad uga muuqatay sidii ay Jamhuuriyadda Djibouti uga qayb-qaadatay xafladdii wanqasha SALAL inkasta oo ay tallaabadaasi wax wayn u dhintay sharciyadda Somaliland oo uu meel carrigeeda ka mid ah dal daris ahi xaflad ku qabtay amaba uu ka soo qaybgelay iyada oo aan casuumad loo fidin.
Isku soo wada duuboo dad badan oo siyaasadda ku xeel dheer ayaa qaba inuuna Salal ka talin doonin fannaan dal daris ah ka yimid balse ay qaddiyaddu u taal dadka gobolka deggan, waxaana farta lagu godayaa inay isku soo hadhi doonaan wareega u danbeeya beelaha Bahabar Celi iyo Abrayn oo labaduba cuskanaya deegaan iyo taariikh, inkasta oo mala awaal ahaan loo badinayo inay beesha Abrayn ku guulaysan doonto hanashada hoggaanka gobolkaasi, maadaama ay sida ay ku doodayso taariikh ahaan cid kasta kaga horrayso Salal, walaw ayna 40kii sannadood ee u danbeeyay wax muuqasho ama dhaqdhaqaaq ah lahayn sida ay dad badani qabaan.
Laakiinse maadaama ay beesha bahabar Celi badankeedu baryahan danbe qaadatay caqiidada xisbiga Kulmiye islamarkaana dorraad loo diiday C/raxmaan Saylici inuu xafladdii SALAL ka hadlo, waxaad mooddaa inay kor u soo kacayso rajada hoggaamiyannimada beesha Abrayn oo laga dhandhansan karo hab-dhaqankeeda xoogaa Udubnimo ah, waa haddii uu madaxwayne Rayaale xilka sii hayo, haddii kalena waagii baryaba waayo leh, waxayna dadbadani hadal hayaan guddoomiye ku xigeenka degmada Saylac Cismaan Muumin Caarre iyo Muscab Xirsi Cali oo ah wiil da`yar oo aqoonyahan ah oo ka tirsan guddiga doorashooyinka inuu midkood Salal guddoomiye ka noqon doono haddii uu xisbiga Udub xilka sii hayo.
Dhinac kale dadka qaarkood baa aaminsan inuu madaxwayne Rayaale intuu waxanba iska dhaafo Salal u soo magcaabi karo masuul ka soo jeeda beesha Aadan Yoonis tusaale ahaan, maadama uu sida ay dad badani qabaan madaxwayne Rayaale iska yaqaan xigto- u miiska kana soo qalin jabiyay Dugsigii Kacaanka.
Golaha Tifaftirka Lughaya News
lughayaweb@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Diiradda Lughaya News: Faallo:Yuu Noqon Doonaa Guddoomiyaha Gobolka Cusub Ee Salal?. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback