Waxay Soomaalidu Ku Maahmaahdaa Gaal Dil Gartiisana Sii.
Gar Diid Waa Ala Diid ,Gar Laba Nin Kama Wada Qosliso .
Waxaana nabigu scw uu yidhi u gargaar walaalkaa haduu gar leeyahay iyo haduu gar daran yahayba ,markaasaa asaxaabtii waydiisay oo ay yidhaahdeen haduu garleeyahay la gartaye haduu gardaran yahay sideen ugu gar gaaraynaa, yaa rasuululaah wuxuu yidhi nabigu u nasteexee una sheega qaladkiisa kana qabta gar darada uu ku socdo.
Waxaan intaa kusoo gaabinayaa Anagoo ah Bahda Jibriil Yoonis Ee North America Madaxwaynaha Somalilandna ka soo jeedo ..Ma nihin dad iska raaca hadalka,Ma nihin dad wax walba ku taageera walaalkood gar iyo gardaraba ,Ma nahin dad aan wax u fiirsan, Ma nihin dad deg dega , Ma nihin dad iska xamaasadooda sida reer bariga , Ma nihin dad dulmiga jecel,Ma nihin dad been iyo siyaasad fool xun wax ku taageera,Ma nihin dad aan gar naqsan ama gar qaadan,Ma nihin dad laaluush qaatayaal ah ,Ma nihin dad xaraanta jecel ,Ma nihin dad jaarka dhiba ,Ma nihin dad si hoose wax loogu sheego ,Ma nihin dad dantoodu tahay maalin dagaal ama waxa jooga uun garta .
Hadana sidoo kale waxaanu nahay dad xeeriya Diinta Iyo Xeerka,waxaanu nahay dad dulqaad badan ,Waxaanu nahay dad xaqooga dhacsan kara hadii xaq ka maqan yahay,Intaa sifo een kor kusoo sheegay iyo waliba Waxaa iyo wax ka badan ayaanu nahay,,,, Hadiii aan dulucda hadalka u soo dago.
Hadal lagama wada tagee anagoo ah Bahda Jibriil Yoonis Ee North America waxaan aad iyo aad uga xunahay in qowmiyada aan kor kusoo sifeeyay intaas oo sifo ee kor ku xusan,kuma raacsanin kuma raacsanin ,kuma raacsanin kuma raacsanin,Daahir Riyaale Kaahin Madaxwaynaheena Soomaaliland, ka baribaanu nahay teegeerina mayno dulmi iyo gardiid ilaahayna maalinta qiyaame waana waydiinayaa in nin madaxwaynihii Somaliland ahaa ee madax meel kasaraysa oo la salaaxaa ma jirtee ay ahaydna inuu isagu ugu dul qaad bato , Awrka Waynbaa Geela Loo Tumaaye…. Haye iyo walaal iyo gar naqsi, iyo xeer jajab iyo Isku Tanaasulba muujin lahaa in uu shuruud ku xidho dhaxdhaxaadintii Cabdilaahi Ciro oo ilaahbay tiisa noqotaaye niman oodi ab ka dhaw, Somaliland dan wadaag iyo walaalaba la yahay , dhul iyo dan iyo dadba naga dhaxeeyo uu yidhaa la fadhiisan mayno abbsultly waa qalad.
Waxaanaanu cadaynaynaa in aan ka garaabayno dhacdadaa C/laahi Cirro uu ku diiday dhex dhexaadintaas.. Taas oo aan cudur daar yeelanaynin jinbaana ka taliyay ee xaajadaa dib ha uga noqdo ayaanu leenahay Daahir Riyaale dalka iyo maatidana u tudh magacaygana bari ka maalin wax aan ku faano uga teg oo raga la hor fadhiisano kulana kaftano,Ha Noqon Heeryadiisa Cune, si fiican baa laguu soo doortay Xushmad Leh, Dadnimo Leh, Dimuquraadiyad Leh Dastuurkan aad sheegaysaana Diin Iyo Quraan maaha aan la qaloocin karin hanjabaad iyo caga juglayna kugu raaci mayno Somaliland siday ku dhisan tahayna Waa Isku Tanaasul ,Dul Qaad Iyo Xeer Jajab ,Wada Tashi Intaa Ku Dar Iyo Kadhin.
Maantase Daahiroow Adeer waa kaa qaloocatay ee inta aanay sharafta iyo dadnimadu dhulka kaaga dhicin ka noqo oo dulqaad muuji eeg masuuliyada ku saaran ku giijidana ka daa waxaa ka fiican qalad aad arkayso hadii wax uu bur burinayo ama dan ku xumanaso waa loo sabraa dadkuna waa kula arki markaa xag ilaahay iyo xag aduunba waad badbaadaysaa.
Waxa kaliya ku filan mucaaridka aniga haduu wakhtigaygii dhamaaday doorashase dhiciwaysay keena cidii aan ku wareejin lahaa waxaan hubaa in shacabka Somaliland ku dhihi lahaayeen doorashada nagusin oo nagaadhsii ,, Adeer xil iyo masuuliyadu waa culustahay ,waana laga ordaa yaan laguu arkin nin ku dhagaya haddaad maanta ka tagtid wax badan oo sharaf leh oo aad samaysay ayaa jira nin walba oo caqli lehina waa ogyahay labadii madax wayne ee kaa horeeyey nin walba dhiig ayuu faraha la galay nin walbana aakhiro waa la waydiin doonaa laakiin ilaahay mahadii intii aad joogtay nabad ayaa lagu caana maalay dimuquraadiyad ayaad keentay dhulkii ayaa Jaamacado ,Caafimaad ,
Waxbarasho ,Ganacsi iyo Horumarba gaarssiisay hadaba yaan khaatumadu kaa xumaan wanaag ku dhamee ilaahayna waa kuu gargaarayaa.
Haddaadse inta u danbaysa kaa xumaato wixii fiicnaa eed samaysay waa hal bacaad ku lis ,labana is waydiin mayso sharafta iyo danta ka raac ha ficiltamin qandhuufta dib u liq wax xeeri … Ilaahay waydiin maayo inta aad xukunka haysid Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo toona haday habar ama cunug ku gaajoodo .. Qof hadduu ku dhintana hadalkeedba daa ,Adaa laguu qabsanayaa oo laguu haystaa ha dhagaysan qareenada jinka ee kaa hooseeya hana giijin xadhiga ee dabci wa bilaa hi towfiiq.
Alahayaw Aqoon La’aan Ha Nagu Cadaabin Eexna Hanooga Tagin…
Waxaa warqadan ku saxeexan in ka badan boqol qof oo Jibriil Yoonisa degan North America markaa iima suurta galayso inaan magacyadooda oo dhan qoro , Bahda Soomaaliland ee Dhul Iyo Dan iyo waliba dad naga dhaxeeyana ha dul qaataan nabadoodana ha ilaashadaan
Ilaahoow Cadaalada Nagu Dil Aamiin
Khadar Jaamac Tukaale
San diego California
hassankhadar@yahoo.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " KUGUMA RAACSANIN, KUGUMA RAACSANIN,KA JOOG MADAXWAYNE "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback