insect.jpgHargeysa-(Lug)-Wasiirka Beeraha Somaliland Md.Aadan Axmed Cilmi ayaa maanta shaaca ka qaaday in deegaamo ka mid ah dalka ay ka dilaacday diir waxyeelaynaysa Waxsoosaarka beeraha iyo daaqa xoolaha.

Wasiirka oo maanta saxaafada ugu waramayay Xafiiskiisa ayaa waxa uu yidhi”Waxaanu ka hadlaynaa illaa imika sanadkan roobabku way yar yihiin, laakiinse ilaahay raxamaadkisia kama aynu quusan, sanadkii hore waxa ina soo galay ayax faro badan oo beeroleydu ay aad uga cabanayeen, sabobta aan imika idiinku yeedhay (Saxaafada) waxa weeyaan inaanu Wasaarad ahaan had iyo goor taxadir yeelano oo dadwaynuhu inta aanay qaylo dhaani ka iman aanu ka warhayno xaalada hadba jirta, xiligan dalka waxa ka dhashay Diir, Diirtuna way ka daran tahay Ayaxa, taasi oo laga sheegay meelo badan oo ay waxyeelaynayso saracii midhihii imika baxay iyo deegaankii xoolo daaqaynta ahaa.”

Wasiirka beeruhu waxa uu sheegay inuu wasaaradiisu ay qaylo dhaan caalami ah u dirtay beesha caalamka, waxaanu yidhi “Wxaanu samaynay  qaylo-dhaan caalami ah oo aanu adduunka ku war galinay, Haayadahana aanu la socodsiinay.”

Md.Aadan Axmed Cilmi, waxa uu sheegay intodobaadkan ay gobolada dalka u amba baxayaan kooxo iskugu jira khuburada Wasaarada beeraha iyo Hayadaha samofalka, si ay usoo qiimeeyaan diirta ka dilaacday dalka.

Wasiirka beeruhu waxa uu diirta ku sabobeeyey inay ka dhalatay roobabkii guga oo kala go’ay  waxana uu yidhi “Diirtu waxa ay ka timaadaa Bariga Africa gaar ahaan Tanzania, ilaa ay ka tallow bada Cadmeed, Diirta oo aad u itaal daran hadana waxay ka gudubtaa Bado.”

“Annagu waanu ku dhawaaqnay in waxii diirtaasi laga qaban karayo laga qabto maanta waxaan shir la galay Hayada FAO  waxaana aanu isku raacnay in waxii aanu qaban karno la qabto, diyaarna waan u nahay Wasaarad ahaan.” Ayuu intaasi raaciyay wasiirku.

Wasiirka beeraha oo la waydiiyay deegaamada laga soo sheegay Diirta kuwa ay yihiin iyo heerka khasaaraha ay gaysatay gaadhsiisan yahay waxana uu ku jawabay “Awdal waa laga soo sheegay, sidoo kale deegaamada Howdka waa laga soo sheegay waxa kaliya oo aanu sugaynaa gobolka Oodwayne oo aanu warbixintiisa ka sugayno Isuduwaha beeraha, dhaawaca Diirtu wali ma badna waanu ka diyaar garownay oo midhaha ay cuntaa dhibaatadeeda ayay leedahay.”

Md.Aadan Dhoole yare oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida ay dowlad ahaan u qorsheeyeen in lagaga gaashaanto cunto yaraanta adduunka soo food saartay waxa uu ku jawaabay “Illaahay ayaa awooda leh waxa xukuumad ahaan naga go’an in waxii aanu xukuumad ahaan qaban karno qabano oo aynu isku dayno in kor loo qaado waxa soo saarkeena.”

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargeysa
cumarfaarax2@hotmail.com