Borama-(Lug)-Kulan balaadhan oo lagaga waramayay hadimooyinka ay tahriibtu u gaysato dhalinyarada iyo guud ahaanba bulshada ayaa lagu qabtay Jaamacada Camuud kulankan oo u badnaa doodo iyo khudbado ayaa waxa soo qaban qaabiyay arday dhigata kulliyadaha kala duwan ee Jaamacada.

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu tilmaamay inay dhibaatooyinka tahriibtu dhalinyarta u gaystaan Mahadhooyin maskaxeed waxana uu tilmaamay inay adag tahay sida qofka dhalinyarta ahi uu uga soo kabto waxyaabihii cago juglaynta, quudhsiga iyo cabsiga iskugu jiray ee uu la kulmay intii uu ku sii socday goobaha loo tahriibayo.

Dhanka kalena Prof Saleebaan waxa uu shegay inay tahriibtu cabsi iyo walwal dhinaca maskaxda ku beerto qoysas badan oo ay dhalinyaro ka tahriibtay, taasi oo uu xusay  in waalidiinta qoysas badan ay naxdin iyo riyooyin fool xun oo soo noqnoqda ka qaadaan marka ay isku biirsadaan maqnaanshaha wiilkooda/gabadhooda iyo wararka naxdinta leh ee Televisions ka laga baahiyo,Waxana uu professorku ku dardaaray dhalinta inay dalka aaminaan.

Hormoodka kulliyada Shareecada iyo Qaanuunka Dr.Maxamed Cali Nageeye oo isaguna ka hadlay kulankaasi ayaa tilmaamay inaanay diinta Islaamku haba yaraatee fasaxayn in qofku uu naftiisa halaago ama u horseedo waxyaabo khatar galin kara waxana uu Dr.ku xusay in sabobaha maanta ay dhalintu u hayaanto ay badidoodu yihiin kuwo khatar galin kara naftooda, waxuuna ku dardaaray in Alla ka cabsiga la xoojiyo oo laga waantoobo waxyaabahaasi.

Kulankan oo socday muddo dhowr saacadood ah ayaa waxaa lagu lafo guray waxyaabaha ugu wacan inay dhalinyartu doorbidaan tahriibta noocani oo kale ah waxaana hoosta laga xariiqay in aqoonsi la’aanta dalka, shaqo la’aanta baahsan ee jirta iyo kor u kaca maciishada iyo guurku ay yihiin kuwa dhalinyarta u horseedaya inay dalka ka haajiraan, waxana la isla meel dhigay inuu kulankani noqdo kii furaha u noqon lahaa kulano isdaba joog oo xal loogu raadinayo dhibaatooyinka tahriibta.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay wakhti ay qoysas badan oo reer Borama ah oo ay dhalinyaro ka haajirtay ay ka soo yeedhayaan warar farxad leh oo sheegaya inay Cagaha saareen Jasiiradaha Lamadusa iyagoo badqaba, halka ay taasi ka barbar socoto in qoysas badan oo ay dhalinyaro badan ka tahriibtay laga sugayo lacag madaxfurasho ah oo lagu xidhay ka dib markii dhalinyaradoodii lagu afduubtay inta u dhaxaysa Sudan iyo Triboli oo libiya ah.


Wariye:-
Abokor Hassan Affi.
Lughayanews-Borama