Hargeysa-(Lug)-Golaha wakiilada Somaliland, ayaa fadhigooda maalinta bari oo khamiis ah u balansan inay ansixiyaan Miisaanid sanadeedka xukuumada dhexe iyo dekada Berbera, oo uu 6-dii bishan horkeenay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale [Cawil].

Fadhigii golaha wakiilada ee maanta oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golahaasi Md. Cabdi-raxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa lagu soo gabo gabeeyay doodii xildhibaanadu ay ku naaqshayeen odoroska miisaaniyada oo dhan 300 oo bilyan, 252 Milyan, 463 kun iyo 142 shilin sl.

Dooda miisaaniyada ayaa waxa ka qeyb galay tobaneeyo xildhibaan, kuwaasi oo aragtiyo kala duwan ka qabay ansixinta miisaaniyadan hortaala, waxana Mudaneyaasha qaarkood ay ku baaqeen in miisaaniyadan sideeda loo ansixiyo maadama oo ay ku jiraan kharashaadkii loogu talo-galay in lagu qabto doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada.

Xildhibaano kale ayaa iyaguna soo jeediyay in ansixinta miisaaniyada la raaciyo lifaaq wax ka bedel lagu samaynayo qaar ka mid ah kharashaadka miisaaniyada ugu jira Haa’yadaha dawliga ah qaarkood.

Miisaaniyadan oo ah tii ugu badnayd ee la hokeeno golaha wakiilada, ayaa waxa ku jira mushaharooyinka ilaa 32 kun oo qof oo isugu jira shaqaale iyo ciidamo, oo sanadkii mushahahrkoodu noqonayo 127 Bilyan, 412 Milyan, 712 kun iyo 474 shilin.


Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com