Hargeysa-(Lug)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ansixiyay miisaaniyad Sanadeedkii 2008, ee xukuumada Dhexe iyo dekada Berbera, oo gaadhayay kharash dhan 300 Bilyan,252 Milyan,463 Kun iyo 142 Shilin.

Fadhigii golaha ee maanta oo uu gudoominayay Gudoomiyaha aqalkaasi Md.C/raxmaan Maxamed C/laahi oo madasha fadhiyay 57 Mudane oo ka mid ah 82 kursi ee Golahaasi ka kooban yahay.

54 Mudane ayaa ogolaaday ansixinta Miisaniyada 2008 oo la raaciyay lifaaq ay Wasaaradda maaliyadu sharaxaad kaga bixisay kharashaadka lagu qabanayo doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada oo dhan 8 Bilyan,Badalka lacagta Giinbaarta Burco, Kaalmada Jaamacada Laascaanood iyo lacagaha horumarinta Gobolada Bari (Sool,Sanaag/bari iyo Buuhoodle).

Waxa diiday 2 Mudane , cid ka aamustayna ma jirin ,Gudoomiyuhuna ma codayn.

Miisaaniyadan 2008 ayaa ah tii ugu badnayd ee loo gudbiyo Golaha Wakiilada 17 sano ee la soo dhaafay waxaana ay Miisaniyaddii sanadkii 2007 ka badan tahay 77 Bilyan,850 milyan,233 kun iyo 217 Shilin.

Dhinaca kalena Golaha Wakiilada ayaa maanta cod aqlabiyadda ku ansixiyay Wasiirul dowlaha Waxbarashada Md.Maxamuud Maxamed Garaad Maxamuud iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga Md.Maxamed Xagar Dirir.

Wasiirul dowlaha Waxbarashada waxa markii loo codaynayay Madashada Fadhiyay 55 Mudane, waxana ogolaaday 54 Mudane, cid diiday ma iyo Cid ka aamustay midna ma jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiirka Horumarinta reer Miyiga Md.Maxamed Xagar Dirir waxa markii loo codaynayay golaha Fadhiyay 52 Mudane, waxana ogolaaday 51 Gudoomiyuhuna muu codayn.

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargeysa