Hargeysa-(Lug)-Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta Md.Cali Maxamed Cabdulle u doortay inuu noqdo G/Xigeenka komishanka.

War-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray Gudoomiyaha Komishanku Maxamed Ismaaciil Maxamed(Kabo wayne) ayaa lagu sheegay in xubnaha komishanku  u doorteen G/Xigeen  Cali Maxamed Cabdulle oo ah Xubintii Xisbiga Kulmiye sooo magacaabay ee  badalay Xubintii is casishay ee Xirsi Cali X.Xasan.

War saxaafadeedkaasi waxa lagu sheegay in xubnaha komishanku ay guul iyo wada shaqayn hufan ka rajaynayaan Cali Maxamed Cabdulle oo ay maalin ka dib markii la dhaariyay u doorteen G/Xigeenka Komishanka.

 

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargeysa