Sanca-(Lug)-Waxa maalmahan ku sugan magaalada Sanca ee dalka Yemen wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha isbaahaysiga dib u xoraynta dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Wafdiga oo kasoo kicitimay magaalada Jabbuuti ee dalka Jabbuuti ayaa waxa ay maanta la kulmeen guriga madaxtooyada madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdallah Saalax oo ay ka wada hadleen arrimihii ugu dambeeyay ee kusoo kordhay xaalada dalka Soomaaliya iyo halka uu marayo shirkii Jabbuuti ee u dhexeeyay dawlada ku meel gaadhka ah iyo kooxaha mucaaradka ah
Socdaalka wafdiga aya kusoo beegmay xilli uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya gudaha golaha isbahaysiga dib u xoraynta kuwaasoo ayaamihii ina dhaafay madaxda isbaahaysigu ay hadalo isku waydarsadeen dhanka saxaafada waxana laga cabsi qabaa in isbaahaysigu uu kula jabo labo meelood
Sidaasoo ay tahay ayaa hadana waxa lagu jiraa sidii looga badbaadin lahaa arrintaas waxana kasocda magalooyinka Jabbuuti iyo Asmara sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa labada dhinac.
Wafdiga Yemen jooga ayaa waxa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale waxana la filayaa in ay usii gudbi doonaan magaalada Dooxa ee dalka Qaddar halkaasoo ay kula kulmi doonaan madaxda dalka Qaddar
Wariye:
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughayanews-Sanca


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wafdi Uu Hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Booqasho Ku Jooga Dalka Yemen "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback