Boorama-(Lug)-Waxa maalmahan dambe si wayn looga dareemayaa xawaaladaha magaalada Boorama waalidiin lacag xoogan oo Doolar ah u diraya dalka dibadiisa si ay lacagtaasi ugu madax furtaan caruur ay dhaleen oo tahriib ku maqan oo lagu qafaashay inta udhaxaysa saxaraha Libya iyo Sudan. Walidiintan oo badidoodu ah qaar dan yar ah ayaan la garanayn meel ay ka keeneen lacagtan balse soo bandhigay lacag walba oo la waydiiyay kadib markii uu wiilkoodiiama gabadhoodii ka soo hadashay taleefanka isla markaana ay xaqiijiyeen in la qafaashay lagana rabo lacag madax furasho ah.
Sacaada Cabdilaahi oo ka mid ah hooyooyinka ay awlaadeedu tahriibtay ayaa Lughayanews u sheegtay in ay wiil ay dhashay ay ku xidhan tahay Sudan isla markaana ay u dirtay lacag dhan $400 waxana ay tidhi “ Ma aha markii ugu horaysay ee aan lacagtan diro hore waxa aan ugu diray $500 oo kale si uu wiilkaygu u sii wato qorshahiisa.
Sidoo kale hooyo ka gaabsatay in magaceeda la xuso ayaa iyaduna Lughayanews u sheegtay in uu wiilkeedu u xidhan yahay lacag dhan $800 isla markaana uu ku xidhan yahay dalka Libya waxana ay tidhi “ Waxa aan laayahay meel aan ka keenana ma aqaan lacagta intan leeg, wuu nasiib xumaaday wiilkaygu waana markii labaad ee uu ka soo laabto bada maadaama oo ay doontii ay saarnaayeeni ay jabtay”.
Ma aha intan oo kaliya balse waalidiin faro badan ayaa qaba kuna sugan xaaladan oo kale, waxana hubaal ah in ay dhalinyaro badan oo reer Boorama ah waalidiintoodu ku jiraan ururinta lacagtan madaxfurashada ah oo aanay ogayn in ay dib u soo laabanayso.waalidiinta qoysaska danyarta ah ee laga rabo in ay lacagtan keenaan ayaa waxa ay badi u xaraashaan dhulkooda qaarkoodna ay qaadhaan ka soo ururiyaan tolkood halka ay qaar kalena dayn culus ka galaan.
Waxa maalin walba ka tahriiba gobolada Somaliland dhalin yaro aad u tiro badan intooda badana sabab uga dhiga socdaalka dheer ee rafaadka ah ee ay doonayaan inay ku tagaan wadamo kale ay ugu wacan tahay shaqo la,aan soo wajahda kii aqoon lahaa iyo kaan aqoon lahaynba.Inkasta oo kuwa tahriibaya ay u badan tihiin ardayda dhigata Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ayaa waxay badankoodu ku doodaan kuwii dhamaystay Jaamacadahu ay shahaadooyinkoodii suuqyada la wareegayaan oo aanay waxba tarin, halka kuwa kalana ay ka cabanayaan dhaqaalo xumi saamaysaywadanka guud ahaantii.
Sanadkan 2008 ayaa waxa uu ku suntan yahay sanad ay dhalinyarodii abid ugu badnayd ka tahriibeen ama ka dhoofeen magaalada Boorama, dhalinyaradaas oo qaarkood ay gaadheenqaarada yurub halka ay qaarkale oo badani wali ku sii jiraan jidka oo ay ku sugayso budhcad u tafo xaydatay qafaalashadooda, halka qaybta kale ee hadhayna ay yihiin dhalinyaro haybtooda la waayay oo ay waalidiintoodu axmen kadid markii laga quustay in la helo meel ay jaan iyo cidhid dhigeen.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xawaaladaha Boorama Oo Ay Camireen Waalidiin Lacag Madax-furasho Ah U Diraya Awlaadooda Tahriibka Ku Jirta "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback