zaki2.JPGPretoria-(Lug)-kumayaal  qof  oo ajaanib    oo  ku  baro  kacay  rabshadihii  dalka  South Africa  ka  dhacay  wiigagii  la  soo  dhaafay ayaa  waxaa  ay  dagan  yihiin  xeryo  qaxooti  oo  ku  meel  gaara  oo  dhamaan  laga   sameeyay  goboladii  ay  rabshaduhu saameeyeen.
zak1.jpg

Xerada  qaxootiga  ee  ku  taala  Pretoria   ayaa      Wariye  Zaki  uu  ku  tagay  kormeer  gaaban  xalay ,xerada  magaceeda oo la  yiraahdo  Rossehne   ayaa  waxa  ay   ka  mid  tahay xeryaha  sida  ku  meel gaarka ah dadka  baro  kacay  loo  sii dajiyay,taasi  oo  asal  ahaan  ahayd  meel   banaan.
zak3.jpg

Sida  la  wada  ogsoon yahay  Somalida   ayaa  waxaa    ay  ka  mid  yihiin dadka     khasaaraha  maaliyadeed iyo  baro  kacba   aad  loogu  qaystay   taasi   oo  in  ka  badan  300 tukaan la  gubay  iyo kuwa la   boobayba   ay  iskugu    jiraan Kuna waayay    malaayiin  Dollar, ayaan  hada   haysan nasiibka  ay     haystaan saxibadooda   kale  ee  ajaanibka  ah  taasi  oo  ah in qaxootiyaasha kale ay wadamadoodi  si nabad galyo  ah  ugu noqon karaan halka Somalidu aanay haysan wadan nabadgalyo ah oo ay dib ugu noqdaan.
zak4.jpg

Hadii  aad  dib uga  noqono  xerada  qaxootiga  ee  Pretoria  iyo  xaalada  Soomalida  ee  ku  jirta dhab ahaantii dhibaatooyin faro  badan  ayay  Soomalida  xerada  kala kulmeen taasi oo aan ilaa hada haysan daryeel  caafimaad  iyo mid  guryo  ah oo ay  kaga  xaroon karaan qabawga ba,an iyadoo waqtigan luga  jiro  xiligii  qabawga. Adeeg la’aanta xerada dhexdeeda ayaa waxa  ay sababtay  in    kooxa dhalinaro  ah  oo  u  adkaysan weeyay  qabowgii jiray ay shiteen  taayiro taasi  oo  ciidanka dab damiska isku  dayeen in ay  damiyeen,kaasi oo dhalinyartii ku andacoodeen in aan laga damin maadaama ay ka helayaan diirimaad oo aan la damin dabka ilaa loo keeno Kulayliyeyaal.
zak5.jpg

Booliiska ayaa ka dhago adaygan codsiyada kaga imanayay dhalinyartaa taasi oo ay isku dayeen inay xoog ku damiyaan dabkaasi halkaasi waxa ka dhacay iska hor imaad xoog leh taasi oo si bilaadam-nimada ka baxsan loola dhaqmay Soomalida  meesha   ku jirtay, taasi  oo  ay  boolisku ay  la  dhaceen   reshpulee  dhaawacayo   xooganna u gaystay, dhacdadaasi oo uga  danbaysay  ayaan ilaa  hada  dowlada  wax  ay  ka  qabatay  aysan jirin.
zak6.jpg

3cisho  ee ugu  danbaysay  ayay Somalidu ka soomeen  cuntada   si  xaaladooda  wax looga  qabto   taasi  oo  ay  ku  andacoonayeen  inaysan haysan meel   ay  dib ugu laabtaan, sii joogitaanka Wadankana aanay dowladu damaani qaadi Karin sidaasi darteed in Hayadaha Caalamka iyo Wadamada Qaxootiyada qaada arrintooda loo bandhigo maadaama sabob ay wadankan ku sii joogi karaani aanay muuqadan.
zak7.jpg

Si kastaba ha ahaatee waxaa rajo wayn laga qabtaa wada hadalo  u socda Xukuumada iyo Wadamada Qaxootiga qaada,taasi oo la filayo inuu soo gabo gabaysmi doonaan wada hadaladaasi maalinta Isniinta ah, waxii ka soo baxa wadahadalaasi kala socda Lughayanews Pretoria South Africa.
zak8.jpg
zaki2.JPG
           Muuqaalka Xerada Qaxootida ee Pretoria

Wariye:-
Ibrahim Maxamed (Zaki)
Lughayanews-Pretoria