Hargeysa-(Lug)-Labo nin oo kala ah C/raxmaan Maxamed Axmed (X.Samatar) oo ka soo jeeda G/Hargeysa iyo Kayse Cali Garaad Maxamuud Cali/Shire oo isna ka soo jeeda Sanaag/Bari ayaa maanta Hargeysa kaga dhawaaqay inay Murashixiin madaxbanaan kaga qayb gali doonaan doorashooyinka Madaxtooyada ee fooda inagu soo haya.
Labadan Nin ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen in C/raxmaan Maxamed Axmed uu isku soo taagi doono Jagada Madaxwayne-nimada isagoo isagoo ah Musharax Madaxbanaan halka Kayse Cali Garaad Maxamuud uu isna isku soo taagi doono jagada Madaxwayne ku xigeenka,waxana ay qoraal ay shirkaasi Jaraa’id ka akhriyeen uu u qornaa sedan:-
“Waxaanu shacbiga reer Somaliland iyo Saxaafadaba u sheegaynaa:
1. Markaan eegnay marxalada siyaasadeed ee dalku marayo oo aanu muddo dheerna dhagaysanaynay moranka Siyaasadeed ee ka dhex aloosnaa saddexda Xisbiga qaran ee Udub, Kulmiye iyo Ucid.
2. Markaan Aragnay in ishaysigoodu halis u yahay umadda mustaqbalkeeda.
3. Markaanu aragnay Cabsida ay ka qabaan dadwaynuhu Mustaqbalka markay doorashadu dhacdo siday ugu heshiin doonaan natiijada ka soo baxda tiradda Codadka, Raga maanta ku heshiin la’a kordhinta Dastuuriga ah ee Guurtidu kordhisay.
4. Markay noo cadaatay baahida wayn ee dalka iyo dadkuba u qabaan helitaanka Musharax madax banaan oo aan ka socon saddexdan Xisbi ee ku yooyootamaya Nasiibka Ummada iyo aayaha dalka.
5. Markaanu si qoto dheer u darisnay Dastuurka dalkeena iyo Sharciyada aynu u codaynay.
6. Markaanu aragnay qodobka Dastuurka ee Tirsigiisu yahay 22aad ee Xuquuqda Muwaadinka iyo firqadiisa 1aad iyo 2aad oo xaq u siinaya in muwaadin kastaa ka qayb gali karo Tartanka doorashada qof ahaantiisa.
7. Markaanu akhrinay qodobka 82aad ee Dastuurka oo si cad u qeexaya shuruudaha looga baahan yahay Murashaxa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka.
8. Markaanu isku qancinay in aanu dhamaan shuruudaha buuxinayno.
9. Markaanu ku qanacnay in loo baahan yahay helidaanka Isbadal siyaasadeed, in Dimuqraadiyadi ka hano qaado dalka iyo in doorasho xor iyo xalaal ah dalka ka dhacdo.
10. Sidaasi darteed waxaanu go’aansanay inaanu isku soo taagno Tartanka Doorashada Madaxwaynaha ee soo socota , Annagoo kaga qayb galayna Murashixiin madax banaan oo aan ka socon Xisbi, Urur iyo Koox toona, sidaasi awgeed waxaanu maanta oo Bishu tahay 31/05/2008 waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu u taagan nahay murashixiin madax banaan oo Jagada Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen u taagan, una mari doono waaxda Sharciga iyo Dastuurkaba.
Waxaanu muwaadinkasta oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa ugu baaqaynaa inuu ka soo qayb galo tartanka doorashada Madaxwayne-nimo ee soo socota si ay dalka iyo dadku u helaan hogaan caafimaad qaba oo danaynaya Horumarkooda.
Waxaanu ugu baaqaynaa waxgaradka reer Somaliland inay cidii danaynaysaa ay dalkooda u soo gurmato oo ay ka soo qayb galaan tartanka Madaxtinimada si loo helo hogaan daacad u ah Umadda, loogama xoreeyo kooxahan isku haysta Kursiga 1991 ilaa Maantana Ishaysigoodu dalka Curyaaminayay.
Ugu dambayntii waxaanu shacbiga Somaliland u balanqaadaynaa inaanu barnaamijkayaga siyaasadeed ugu soo gudbin doono Warbaahinta Madaxa banaan inta ka horeysa Fasaxida Ololaha tartanka Doorashada, ilaalinta Sharciga awgeed waxaan u balan qaadaynaa shacbiga iyo Dowladaba in aanaan u mari doonin Murashax-nimadayada dariiq sharci darro ah oo aanaan ku kici doonin wax qas iyo Rabshado u keeni kara dalka iyo dadkayaga.”
Intaasi ka dib Suxufiyiintii shirkaasi jaraa’id ka qayb gashay waxay waydiiyeen labadaasi nin Su’aalo u dhacay sedan:-
S:Waxaan ogaydeen in ururkii Qaran inay xadhig la martay ururkii siyaasadeed ee ay sheeganayeen, Markaasi idinka sideebay idiinku suurgo galaysaa inaad tartantaan?
J:Horta Ururka iyo Shaqsigu way kala duwan yihiin Annagu waxaan doonaynaa xuquuqdii shaqsi ee ka qayb galka Tartanka doorashada , Annagu ma aamin sanin in Ururka Qaran uu sharci ka horjoogsaday .
Waxaanan adaygsanaynaa oon ka doodaynaa nidaamka aynu qaadanay, haddii wax laga badalayana Sharcigii halagu noqdo.
S:C/raxmaan hore waxaad ugu jirtay Xisbiga Udub, inaad ka baxdayna maad sheegin markaa Maxaad Murashaxnimadda Xisbigaaga dhexdiisa uga soo bilaali wayday?
J:Xisbigu Mabaadii ayuu leeyahay Markaa mabda;a uu dhaqmayaa haddii uu ku qancin waayo waad iskaga baxaysaa.
Marxaladii aan markii hore Xisbigaasi ugu jiray waa kala Labo markaasi Anniga iyo qayrkayba waxaan leeyahay Xisbiga uu doono haku jiree waa loo baahan yahay Murashixiin madax banaan.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Labo Nin Oo Hargeysa Kaga Dhawaaqay Inay Murashixiin Madaxbanaan Kaga Qayb Galayaan Doorashooyinka Madaxtooyada "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback