muuqaaalka-madasha.JPGAniguba Waan Galay Tahriib Fudud Waanan Dareemi Karaa…… Badhasaabka Awdal
Badhasaabka Ayaan Mar Dhawayd Ku Idhi Dhalintu Waxay Ka Tahriibaysaa Rageenan Waawayn Ee Wali…… Boobe Yuusuf
Waxba Yaanan La Canaanan Waalidiinta ……. Sh. Xasan Daheeye
Ururka SAYS Waxa Uu Balanqaadayaa Ururinta Xogta….. Agaasime Askar

Boorama-(Lug)-Kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen gogoldhigiisana ay lahaayeen ururka Badbaadada Dhlainyarada Somaliland(SAYS) ayaa maanta ka dhacay hotel Rays ee magaalada Boorama. Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilaahi, Kusimaha Duqa Boorama Md. Muumin GAdiid Cumar, Xildibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali, Md. Boobe Yuusuf Ducaale oo ka socday Akaddamiyada nabada iyo Hormarka, Gudoomiyaha dalaayada SONYO Md. Maxamed Yusuf Awcali. Xilddhibaano ka tirsan golaha degaanka Boorama, Culamaa’udiin ay ka dhex muuqdaan Sh. Xasan Deheeye iyo Sh. Cali Aadan. Slaadiin ay ka dhex muuqdeen Suldaan Cadiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Suldaan Ibraahim Dacar, Xubno ka tirsan ururada dhalinyarada  iyo kuwa haweenka, qaybo ka tirsan qurbajooga reer Awdal iyo qaar ka mid ah haydaha caalamiga ah. Iyo dadwayne badan oo ka kala yimi magaalooyinka Hargaysa, Boorama iyo Gabilay iyo dalka oo dhan.

Kulankan sida wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd bal  in la is dareensiiyo xiisada tahriibta dhalinyarada ee maalmahan dambe iyo bal in indhaha loo furo inta ay leedahay xiisadan tahriibta ah oo baryahan dambe noqotay mid wada taabatay gabi ahaanba bulshada oo dhan.

agaasimaha-ururka-says-askar.JPG

Agaasimaha fulinta ee ururka SAYS Maxamed Axmed Askar oo hadal balaadhan ka jeediyay furitaankii kulankaas ayaa waxa uu u mahadnaqay gabi ahaanba ka soo qaybgalayaashii madashan fadhiyay waxana uu tilmaamay in ayka soo qaybgalayasha ay ka mid yihiin qaar u soo maray masaafad dheer in madashan ay yimaadaan si ay uga dhiibtaan afkaartooda arintan tahriibta. Agaasimihu waxa kale oo uu xusay in ururkan SAYS uu waajibaadkiisa aasaasiga ah ee bulshada ka saarani uu yahay in ay dhalinyarada badbaadiyaan meelwalba isla markaana ka dareen celiyaan waxwalba oo caqabad ah oo la soo wajaha dhalinyarta. Agaasimuhu isaga oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi “ Waxa aan jecelahay in 4 Faataxo loo maro Alle ha u naxariistee intii dhimatay isla markaana samir iyo iimaan uu eebe naga siiyo waxanan ugu talo galnay madashan in aan bal ku iftiimino in dhibaatada tahriibtu ay tahay mid si wayn saamayn dadban iyo mid toos ahba ku yeelatay bulshada gaar ahaan dhalinta”.

Agaasimuhu waxa kale oo uu xusay in halkudhigooda maantu uu yahay “ Dhilinta Maanta Iyo Dhibaatada Tahriibka”. Waxana uu Agaasimuhu dalbaday in mudada kooban ee madashan la wada fadhiyo waqti badan lagu lumiyo sidii loo gorfayn lahaa arinta islamarkaana dhibaatadan tahriibta la isugu gaadhsiinlahaa iyada oo ay bulshado midba mid u sii dhiibayso waxana uu balan qaaday in ururka SAYS uu isku hawli doono sidii ay xog badan uga keeni lahaayeen dhibtan iyo waxyaabaha u sabata ah in ay dhalintu dalkii mar kaliya ka dhaqaaqdo.

muuqaaalka-madasha.JPG

Kusimaha duqa Boorama Md. Muumin Gadiid Cumar oo isaguna madashan hadal qiimo badan ka jeediyaya ayaa waxa uu ka waramay in ay tahriibtu tahay masiibo laga Alle baryo waxana uu tacsiyadeeyay gabi ahaanba qaysaska intii ku nafwayday masiibada tahriibta. Duqu isaga oo ka waramaya sida ay u taabatay isaga warakii u dambeeyay ee 18kii bishan ayaa waxa uu xusay in uu aad uga naxay balse ay naxdinta tani kaga sii wayni ay tahay iyada oo ay dhalinyartii wali sii qulqulayso. Duqu waxa uu ku dardaarmay in lacagta laga soo shaqaysanayo Yurub ay tahay mid taala Somaliland isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “ Waalidiintu waxa ay qayb ka yihiin dhibta jirta waxanan saas u leeyahay lacagta Kumaanka doolar ah ee ay ka daba dirayaan awlaada marka horaba halkan ha ugu dhiibeen oo ha bareen ganacsiga laacagta yurub taala tu kabadan ayaanan hubaa in ay taalo dalkeena”. Duqu waxa uu dhalinta kula dardaarmay in dalka la aamino lana iska dhaafo hiyi kaca tahriibta.

kusima-duqa-boorama-muumin-gadiid.JPG

Badhasaabka gobolka Awdal Md. Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige oo munaasabadan ka waramaya ayaa u tacsiyadeeyay qoysaskii ay ka baxeen dhalinyaradii dhawaan ku dhimatay badda liibiya. Badhasaabku waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in hawada tahriibtu ay tahay mid cidwalba soo martay waxana uu isaga oo kaftamaya yidhi “ Aniguba bari ayaan galay tahriib khafiif ah waana dareemi karaa dhibta iyo xanuunka ay leedahay tahriibtu”. Badhasaabku waxa uu u mahadnaqay gabi ahaanba Ururka SAYS oo uu tilmaamay in xogtan maqalka iyo muuqaalka isugu jirta ee lagu soo bandhigay madashan ay tahay mid ka mid ah xalka la raadinayo isaga oo tilmaamaya sida ay xalka u tahay ayaa waxa uu yidhi “ qisooyinkan dhabta ahi waxa ay u baahan yihiin in labadiyo oo la soo bandhigo waxanan  hubaa in intii maqashaa ay ku joogsanayso ogaanaysana in tahriibtu ay Qatar badan tahay”. Waxa kale oo uu badhasaabku ka shekeeyay xaalada ay ku sugan yihiin dhalinyaro badan oo tahriibtay oo dhibaatooyin kala kulan tahay dalalka ay u tahriibeen waxana uu yidhi waxan hubaa in ay tahay arin u baahan in lagu waana qaato waxana uu dhalinyarada ka codsaday in ay samraan oo ay aaminaan dalka isaga oo xusay in maalin uun uu dalku aqoonsi helidoono dhibtuna ay noqondoonto wax laga gudbo.

badhasaabka-xil-ayaanle-iyo-gud-caateye.JPG

Md. Boobe Yuusuf Ducaale oo ka socday Akadamiyada Nabada iyo Horumarka ee dalka oo madashan ka hadlay ayaa si baaxad le hula wadaagay dhalinyaradii iyo waxgaradkii kale ee madasha joogay waxana uu tilmaamay in dhibtan tahriibtu aanay ku koobnayn Boorama oo qudha balse ay tahay mid horeba looga dareemay magaalada Burco oo ay dad dhalinyaro u badani ka tahriibeen.
Md. Boobe isaga oo kaftamaya ayaa waxa uu yidhi “ Badhasaabka ayaan mar dhawayd la hadlayay waxanan ku idhi dhlinyaradu waxa ay ka tahriibayaan rageenan waawayn  ee wali kursigii ku fadhiya”. Md. Boobe waxa kale oo uu tilmaamay in dhibtani ay tahay mid si wayn khatar ugu ah dalka oo dhan gaar ahaan dhalinta oo uu ku tilmaamay in ay yihiin lafdhabat isaga oo tilmaamaya sida uu xalku ugu muuqdo ayaa wax uu yidhi “ Waxa loo baahan yahay inla sameeyo cilmi baadhis xoogan oo aasaaskeedu uu yahay in lagu ogaado maxay dhalintu ku yaacayaan, maxay ka yaacayaan maxay yihiin waxyaabaha waawayn ee salka u ah in ay dhalintii hayaankan gasho iyo su’aalo kaleba, sidoo kale waxa ay ila tahay bal in dhalintana iyada ayaa is oge la siiyo fursad ay isku waraysaan oo ay soo bandhigaan waxa ay tahay dhibta haysata”.

boobe-iyo-culimo.JPG

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka waramaya xaaladan ayaa tilmaamay in ay tahay mid murugo leh waxana uu sheegay in ay dhalinyaradu tahay Cad bisil oo haad u yaala waxana ay u baahan tahay ayuu yidhi in ay xukuumadu miisaaaniyada ku darto qarashaad hawlahaas wax lagaga qabanayo waloow uu cadeeyay in ay gabi ahaanba miisaaniyada dalku tahay qarashaad adeegyo tirsan loogu talo galay.

suldaan-cabdi-jaamac-iyo-prof-aar.JPG

Gudoomiyaha Dalada SONYO) Maxamed Yuusuf Aw-cali ayaa isaguna tilmamay in ay dhalinyaradu dalka oo dhan yihiin kuwo ku dolman waxana uu carabka ku dhuftay in xeerarka dalka ka shaqeeya ay yihiin kuwa ugu wacan in ay dhalintu ka tagto dalka sababta oo ah ayuu yidhi waxa ay xeerarkaasi npqd3een kuwo xaq siinaya gabi ahaanba da’da ka wayn 30 jirka. Md. Culimo waxa kale oo uu xusay in Dalaayada SONYO ee uu madaxa ka yahay ay tahay mid dareensan dhibtan haysata dhalinyarada balse ay dadaal ka muujinayaan sidii ay bal u samayn lahaayeen wacyigalin balaadhan oo ku aadan arimahan. Waxana uu u mahadnaqay ururka SAYS oo uu ku tilmaamay in uu yahay saaxiib ay SONYO ku leedahay gobolka Awdal.

suldaan-dhawal.JPG

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isaguna ku hadlayay magaca salaadiinta reer Awdal ayaa tilmaamay in uu aad uga xunyahay xaalada ay maanta ku sugan yihiin dhalinyartu waxana uu tilmaamay in gabi ahaanba bulshada oo dhan laga rabo in ay ka qayb qaataan joojita dhibtan iyada oo uu dalku qani yahay suldaanku waxa uu tilmaamay in ay salaadiinta ka go’an tahay in ay hormuud ka noqdaan ka midho dhalinta arintan jooojinteeda.

Sh. Xasan Daheeye Axmed oo isaguna madashan ka hadlay ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in gacmaha la iska qabsado  sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadan tahriibta. Sheekhu waxa uu carabka ku dhuftay in aanan loo baahnayn in waalidiinta la canaanto sababta oo ah ayuu yidhi “ waalidiintu waa Jiidh mana jecla in ay ilmahooda halaagaan ee wanaag iyo waxii ay jeclaadeen ayuunbay la rabaan”. Sheekhu waxa uu canaan xoogan dusha ka saaray xukuumada oo uu tilmaamay in ay ka gaabisay sidii dhalintan loo jihayn lahaa waxana uu ka codsaday xukuumada in la bilaabo qorshayaal lagu badbaadinayo inta dhiman. Waxana uu ku dardaaray dhalinta in ay naftooda ka baajiyaan halaaga.

hooyo-xaawo-rooble.JPG

Hooyo Xaawa Rooble Cidheere oo madashan iyaduna ka hadashay ayaa xustay in ay dareemi karto wacyiga ay ku sugan yihiin hooyooyinbadan oo ay wiilashoodu tahriibeen waxana  ay ka waran tahy dhibta ay tahriibtu leedahay oo ay waayo arag u tahay waxana y intaasi sii daba dhigtay in ay dhalinyartu noqotay kuwa maanta go’aanka gaadha waalidkana ku qasba in ay waxwalba ka daba keenaan marka ay safarkaasi galaan.

Sheekh Cali Aadan (Sh. Cali Dheere) oo madashan hadal diini ah oo naxariis badan ka jeediyay ayaa xusay in ay diinta islaamku tahay mid aanan ogolayn tahriibta iyo in nafta la halaago, Sheekhu waxa kale oo uu xusay in loo baahan yahay in xalka laga dhex doono diinta islaamka waxana uuyidhi “ Waxa muhiim ah in dib loogu noqdo diinta islaamka, hadii dadka la baro qiimaha diinta iyo wanaaga dhex yaala diinta waa hubaal in xal ay noqonkarto”. Sheekh Cali waxa uu ku dardaarmay in gacmaha la is qabsado oo la iska kaashado ka hortaga dhibtan maanta dhalinta tabatay.

Munaasabadan maanta la qabtay ayaa waxa kale oo lagu soo bandhigay muuqaalo sawiran oo ka turjumaya xaalada tahriibayaasha waqtiga tahriibta lagu yiro , filin isaguna ka waramaya muuqaalada xaaladaha tahriibayaasha iyo xogo iyo dhacdooyin dhab aha oo ka tarjumaya xaalada tahriibka ee jirta, waxa kale oo kulankan iuntii uu socday hadalo laga dhagaystay mudanayaan badan oo iyagu tahriibta u ah waayo arag, waxana la isku dhaafsaday hadalo ku aadan bal in laga fikiro waxa sababta u ah xaaladaha tahriibta.

muuqaalka-madashii-maanta.JPG

Ururka badbaadada Dhalinta Somaliland ee SAYS ayaa waxa uu noqday ururkii ugu horeeyay ee xaalada tahriibta u soo bandhiga bulshada reer Boorama waxana uu kulankan maantu ahaa mid gabi ahaanba dadwaynihii tirade badnaa ee ka soo qayb galay ay kala hayaameen macluumaad waano iyo wacyigalin isugu jira oo wax wayn ka taraya bal in la dareemo int ay leegtahay khatarta tahriibku.

sheekh-ali-dheere.JPG

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama