Oman-(Lug)-Marka hore waxa aan salaan gaadhsiinayaa howlwadeenada websiteka Lughaya.com. kuwaas oo Run ahaan ku sifaysan muwaadinimo , howl karnimo iyo ka warhaynta dhacdooyinka kala duwan ee ka jira dulahaanba caalamka iyo S/land gaarhaanna gobolada Hargaysa,Awdal iyo Selel.
Inta badan sida caadada ah dadka reer Somaliland guud ahaan waxa ay dhegta u taagaani waa waxyaabaha kala duwan ee ka socda Somaliland ,ha ahaato horumar iyo waxqabadka bulshawaynta iyo maamulka gobolada ay ka soo jeedaan dadkaasi iyo horowmarinta mashaariiceed ee ka socota guud ahaan Somaliland
Waxaadse moodaa hada in website-dada intooda badani ay mudnaantaba siiyaan dhacdooyinka caalamka oo aysan ahmiyad badan siinin ka hadalka arrimaha gudaha .taasina waxa ay meesha ka saartay xiisaynta dadku ay uhayaan boggaga Internetka sidaas ah eesan warar badan oo ku saabsan dalka iyo dadka aanan qorin inta badan.
Laakin waxa mudan in laxuso websites qaarkood gaar ahaan doorka mihiimka ah ee uu Lughayanews ku leeyahay ka xogwaranka guud ahaan Somaliland gaar ahaana gobolada Hargaysa, Awdal iyo Selel taas oo xiisa badan galisay jaaliyadaha deegaannadaasi ka soo jeeda ee ku kala baahsan dunida iyo dulahaanba S.Land, maadaama uu Lughaya yahay Website awoodda saara dhacdooyinka iyo geeddi socodka Somaliland.
Tusaale ahaan inkasta oo ay guud ahaan qoreen websites-ka laga leeyahay Awdal iyo dulahaanba S/land dhacdadii ugu danbaysay ee ay ku dhinteen dhalintii reer Awdal ( ilaahay ha unaxariisto samirna hakasiiyo guud ahaan reer Awdal iyo qosaskii ay ka baxeene) ayaa waxa aad moodaa in Lughaya arintaas uu ku qaaday bilad sharaf wayn, isaga oo kolba waxii ka so kordha iyo shucuurta dadka reer Awdal si toos ah ugu soo gudbinaayay Awdal iyo caalamdkaba.
Taasina waxay ay ku dhalisay in dad badan( oo u badan ardayda reer Awdal ee wax kabarata daafaha dunida ) oosan markii hore ku xidhnayn ama aan si joogto ah u adeegsan jirini ay hada kaba dhigteen home page (bog asaasi ah)ay oo marka ay computer furaanba kala socon karaan dhacdooyinka kala duwan ee ka socda guud ahaan Somaliland iyo gaar ahaan gobolada Hargaysa, Awdal & Selel.
Igama aha taageero indho xidhan oo aan ufidinaayo Lughayanews laakiin waxyaabaha uu amaanta kuleeyahay waa in la sheegaa sida loo sheego ama marka ay dhacdo maqaalo dadka qaar ay diidaan ay canaanta u muujiyaan iyada oo inta badan Lugahaya iska bariyeelo waxyaabaha uusan lugta kulahayn taas oo caalami ahaan ah waxyaabaha looga baahan yahay saxaafada .
Lughaya news waa Website-ka kaliya ee Somaliland laga leeyahay ee ay ka howlgelaan wariyeyaal caalami ah oo saxaafadda aqoon iyo xirfad raagtayba u leh sida Abokor Xasan Caafi, Maxamad Sh.Cumar (Hayne), Xasan Ciise, Cabdallah Cali Yuusuf, Cumar Maxamad Faarax, Zakariye Carab Caddaanni (Zakariye Suxufi) iyo qaar kale oo dhammaantood warbaahinta magac ku leh, waxa kale oo aan webkaasi ku jeclaaday sida dhexdhexaadnimada ah ee hufan ee uu wax uga qoro dhacdooyinka kala duwan isaga oo aan cidnaba u xaglinayn cidna aan ka haybaysanayn balse qadarinaya xaqiiqada iyo xirfadda warfaafinta.
Waxa kale oo aan aad ula dhacay sida shabakaddan Lughaya ay u xusto warbixin kasta meesha ay ka heshay iyo wariyaha ama qoraaga qoray, haddii ay meel kale ka soo xigatana way sheegtaa cidda warkaasi iska leh, waxaanan filayaa inay arrintaasi tahay tallaabo ka turjumaysa bisayl warfaafineed inkasta oo aanan wariye ahayn.
Gunaanad kayguna waxa uu yahay cidkastaaba sida ay uga hadasho dadkeeda iyo dalkeeda ayaa cabiraysa wadaniyada ku jirta.
Guud ahaanna waxa aan ku boorinayaa ln websites dalku ay mudnaanta siyaan dhacdooyinka dalkooda, markale ayaan u mahadcelinayaa howlwadeennada Lughayanews waxaanan leeyahay ilaahay ha idinka abaal mariyo sida wanaagsan ee aad nooga haqab tirteen wararka dalkii hooyo, iyada oo aan shabakadaha kale ee dalkana kula talinayo inay ku daydaan Lughayanews.
Hassan- Khaddar Mohamed
E-mail: indheergarad_99@hotmail.com
boqortooyada Jordan- Irbad
Fikradda Qoraagu Kama Turjumayso Aragtida Lughaya News


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xirfadyahannimada & Wadaninimada Lughayanews Iyo Sida Ay Uga Warhayso Dhacdooyinka S/Land.W.qoray:Hassan-Khadar "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback