Boorama-(Lug)-Xuskii munaasabada maalinta xoriyada ee Somaliland ee 26ka June ayaanan maanta loo xusin sidii awal loo xusi jiray, xuskan ayaa sanadihii hore waxa loo qabanqaabin jiray munaasabad aad u balaadhan oo lagu soo bandhigayo qiimaha ay leedahay maalintani balse maanta ayaa waxa haba yaraatee aanan magaalada Boorama ka dhicin wax dabaaldag iyo qiimayn ah oo loo hayo munaasabadan.
Xuska munaasbadan ayaa waxa kaliya ee loogu dabaaldagay waxa ay tahay in gabi ahaanba la fasaxay goobihii shaqada iyo goobihii kale ee wax barashad, balse ganacsiga ayaa sidiisii caadiga ahayd isaga socday lamana dareemayn qiimihii ay lahaan jirtay maalintani waxana ay la mid ahayd maalmaha kale ee todobaadka oo ma jirin wax ay ku suntanayd oo ay kaga duwanayd maalmaha intooda kale.
Fagaarihii khayriyada ee magaalada Boorama ee ay camiri jireen cutubyada ciidamada ah ee qalabka sida, dadwaynaha aadka u tirada badan iyo ubaxa soo kacaamaya ee soo bandhigi jiray heesaha wadaniga ah, hidaha iyo dhaqanka iyo madaxdii looga bartay in ay ka waramaan qiimaha maalintan iyo waliba salaadiintioi iyo waayeelkii iyagu ku soo kacaamay waynaynta maalintan ayaanan maanta xusin waxana uu fagaaruhu ahaa mid haawanaya.
Dhanka kale madaxdii dawlada hoose iyo masuuliyiintii gobolka ee iyadu inta badan ka shaqayn jirtay qiimaynta iyo soo bandhigida bilicda magaalada ayaan haba yaraatee shaqaynayn mana jirin wax u diyaargaroow ah oo maalintan loo muujiyay. Waxana hubaal ah in ay wax badan dawlada hoose waqti badan galisay soo dhawaynta maayarkii Boorama oo isagu ku soo beegmay in uu yimaado Boorama 26ka June.
Badi dadka ku nool magaalada Boorama ayaa waxa ay maanta ku mashquulsanaayeen soo dhawaynta maayarkii Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile oo isagu mudo ku maqnaa dalka Ingriiska waxana aad moodaysay maanta in 26kii June ee maalintii xoriyadu ay isku badashay maalin magaalada Boorama si wayn looga soo dhawaynayo halyayga ku magacqaatay hormarka wadooyinka magaalada Boorama Md. Cabdiraxmaan oo isaga laga filayo in uu wax wayn ka keeno dalkii Ingriiska ee muddada labada bilood ah uu fasaxa ugu maqanaa.
Waxa kale oo aan meesha kamaqnayn in sanadan 2008 ay munaasabadani ku soo beegantahay waqti ay dalka ka jiraan xaalado sicirbarar ah oo heelkii nolosha ee dalka cidhiidhi galiyay taasina ay dhaxalsiisay dad badan inay waqtigooda ku lumiyaan la macaamulka nolosha caadiga ah. Waxase ay dadbadani qabaan in xuskii maalinta xoriyada ay muquunisay xuska maalintii dib ula soo laabashada xoriya ee 18ka May. Waase hubaal in cid walba oo ku nool Boorama ay maanta xusuusatay hadaladii cabdilaahi Suldaan timacade ee uu u tiriyay xoriyadii la qaatay 60kii ee ahaa
Sareeyoow ma nusqaamoow
Saaxirkii kala guurnaye
Aan siduu yahay eegnee
Kana siib kana saar
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " 26ka June 2008 Oo Aanan Maanta Laga Xusin Magaalada Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback