Gudoomiye ku xigeenka golaha degaanka ee dagmada Saylac md. Cismaan Muumin Caare ayaa isaga oo ku hadlaya magaca gabi ahaanba golaha deegaanka ee dagmada Saylac waxa uu baaq taageero ah u jeedinayaa Xukuumadaha Somaliland iyo Djibouti kuwaas oo uu ugu hambalyaynayo xidhiidhkii wanaagsanaa ee dhinacyada badan taabanayay ee ay wada saxeexdeen labada Dawladood.
Gudoomiye ku xigeenku waxa kale oo uu ku tilmaamay heshiiskaas mid si wayn looga dareemi karo loogana soo dhaweeyay gobolkada Salal iyo Awdal kuwaas oo uu xusay in ay yihiin kuwa aaanan ka fursanayn in ay helaan balanqaadyo iyo heshiisyo ay labada xukuumadood wada sexeexdaan. Gudoomiye ku xigeenku waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in uu si wayn ugu faraxsan yahay isaga iyo gabi ahaanba maamulka dagmada Saylacba in ay maqlaan xidhiidh noocan oo kale ah.
Gudoomiye ku xigeenku waxa uu mar kale u mahadnaqay madaxwaynayaasha labada dal oo uu uga mahadceliyay in ay qaadeen talaabooyin taariikhi ah oo ay ugu gogo lxadhayaan dariswanagnimo, nabad ku wada noolaasho, iskaashi dhinaca hormarka ah iyo is jacayl hor leh oo sii dhiiri galiya dadka ku wada nool labada dal ee walaalaha ah.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Baaq Taageero Ah Oo Ka Soo Yeedhay Maamulka Dagmada Saylac. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback